Hargeysa-(Lug)-Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah shaaca uga qaaday, in maalinta khamiista ee todobaadkan ay dalka ka bilaabmi doonto ololaha doorashada madaxtooyada ee loo qoondeeyey in ay qabsoonto 26-ka bisha June.

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geele) oo shirjaraa’id ku qabtay maanta Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu kaga dhawaaqay in maalinta khamiista oo ku beegan 3-ad bisha June ay guud ahaan dalka oo dhan ka bilaaban doonto ololaha doorashada madaxtooyada ee ay ku tartamayaan saddexda Xisbi qaran ee UDUB, Kulmiye iyo UCID.

Afhayeenku waxa uu sheegay in maalinta u horeysa ee ololahan ay qaadan doonaan xisbiga talada Haya ee UDUB, maalinta xigtana xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, iyadoo maalinta saddexaadna ay ololaha samayn doonaan xisbiga UCID.

Mudane Maxamed Axmed Xirsi waxa uu ka dhawaajiyey in Warbaahinta dawlada ay saddexda xisbi qaran si siman u isticmaali doonaan oo wakhti isku mid ah la siin doono, taas oo ay la socon doonaan guddiga dabagalka anshaxa saxaafadu.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in dhawaan ay soo saari doonaan liiska kama dambaysta ah ee dadka dalka ka qaatay kaadhadhka codbixinta doorashada madaxtooyada Somaliland, isagoo dhinaca kalena xusay in hawsha kaadhadh qaadashada oo lagu gudo jira labadii maalmood ee u dambeeyey ay dalka uga socoto si habsami ah.

Ramaasnews