kulmiye-boorama-2.JPGBoorama-(Lug)-Boqolaal taageero ah ayaa isugu soo baxay barxada iyo gudaha xafiiska xisbioga kulmiye maanta, madashan ayaa waxa ay ahayd mid uu maamulka xisbiga ee gobolka oo uu weheliyo Xil. Ibiibakar  Cabdi Good ay ku soo dhawaynayeen taageerayaal ka tirsan beesha Bahabar Aadan oo iyadu ku soo biirtay xisbiga kulmiye, waxana madashii maanta goobjoog  ka haa cuqaal ciyaasiyiin haween iyo dhalinyaro aad u badan.

kulmiye-boorama-2.JPG

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Ibraahim Aadan qaalib oo madashan ka hadlay ayaa si wayn u soo dhoweeyay beeshan maanta taageerada u muujisay xisbiga Kulmiye waxana uu yidhi “ Waxa maanta Sharaf wayn ii ah inaan idinku soo dhaweeyo xisbiga muga leh ee Kulmiye, waxa hubaal ah in soo biiriidiinanai ay wax wayn ka tari doonto sidii uu xisbiga kulmiye ku hana lahaa talada dalka hadii eebe idmo, waxa kale oo aan hubaa inay beesha Bahabar Aadan tahay beel aad u balaadhan oo looga baahan yahay xisbiga Kulmiye gudahiisa. Gudoomiye Ibraahim waxa uu tilmaamay in xukuumadu ay caadaysatay inay ka cabatoxisbiga kulmiyte iyada oo ujeedadoodu tahay inay diiwaangalinta fashiliso, waxa uu ugu baaqay umada reer Somaliland inay u diyaargaroobaan galitaanka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsooma 26 June 2010.

kulmiye-boorama-1.JPG

Odayasha dhaqanka beesha Bahabar Aadan ee kala Ah Xasan Caynaan iyo Cabdi Camir ayaa oo iyaguna ka hadlay madashan ayaa xusay inay beesha bahabar Aadan diyaar u tahay isbedel kadib waasida ay hadalka u dhigeene markii ay garawsatay beeshu wax qabadla’aanta xisbiga Udub. Waxa ay cadeeyeen inay beesha oo isku dhan intani yihiin qaybtii ka maqnayd oo mudo gaabis ahayd maantana garawsatay dhinaca ay dabaysa isbedelka wadaa ka soo dhacayso.

kulmiye-boorama-3.JPG

Siyaasi Dacar Muxumed geele oo isagunaka hadlay madashan ayaa si wayn u soo dhaweeyey taageerayaashan beesha Bahabar Aadan ee soo biiray waxana uu cadeeyay in xisbiga Kulmiye uu ka sugayao beeshan taageero aan kala hadh lahayn oo ku hagta guul doorashooyinka soo socda, waxaa uuu mahadnaqay gabi ahaanba intiisoo qabanqaabisay taageeridan balaadhan ee xisbiga Kulmiye  loo fidiyay.

kulmiye-boorama-4.JPG

Aqoonyahan Cabdirashiid Axmed Guuleed oo isaguna ka hadlay madashan ayaa waxa uu ka sheekeeyay sheeko taariikheed uu dulucdeedu ahaa sida ay xukuumadu ugu fashilantay waxqabadka umada waxana isaga oo hadalo badan oo duur-xul ahaa uu uu isticmaalay shaaca ka qaadaya uu yidhi “ Udub maanta waa marya dhala ee waxa aan leeyahay yaan lagu habsaamin, tareen ayaa maanta socda isbedel wada waana xisbiga Kulmiye cidwalba wuu u furan yahay ee ku soo biira una hiiliya inuu dalka isbedel ka qabsoomo”. Aqoonyahan cabdirashiid oo hadalka sii wata ayaan ka tagain inuu la dardaarmo xisbiga aymaanta beeshiisu taageeraha siisay ee Kulmiye waxana uu yidhi “ Waxa inoo balan ah inaad umada cadaalad ugu adeegtaan isla markaana fulisaan waxa dastuurka ku qaran oo ah waxii la idinkula xisaaabtamayay waana midaas mida ay muwaadiniinta u heeganka ah isbedelku diyaarka u yihiin”. 

kulmiye-boorama-5.JPG

Madashii maanta oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ka mid ahaa dadkii kale ee ka hadlay Suladaan Daahir, Gudoomiyaha Xis. Ee Deg. Boorama iyo haweenay uu magaceedu yahay Sacaada Maxamuud Cumar waxa ay dhamaantoodba soo dhoweeyeen beeshan ku soobiirtay Xisbiga waxana ay ku tilamaameen guul soo dhowaatay waqtiga uu xidbiga Kulmiye qaban doono masiirka siyaasadeed ee dalka.

kulmiye-boorama-6.JPG
kulmiye-boorama-7.JPG
kulmiye-boorama-8.JPG
kulmiye-boorama-9.JPG
kulmiye-boorama-10.JPG

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama