55.jpgBorama-(Lug)-Munaasibadan oo ay soo agaasimeen dhamaanba garabka haweenka ee beelaha  Habar Cafaan ee gobolada Awdal iyo Salal  ee ay ku muujinayaan taageerahooda ku wajahan xisiga kulmiye ayaa ka dhacday xalay hotel rays ee magaalada Boorama

Munaasibadani oo ay isgu dhafnayd  soodhawayn garab haween ah oo kasoo go ay xisbiga talada hada haya ee Udub iyo muujinta taageeraha garabka haweenka ee beelwaynta Habar Cafaan  ayaa kasoo qayb galeen inkabadan  haween tiro buuxuyay daafaha holka wayn ee hotelka ugu wayn magaalada Boorama ee rays 

55.jpg
 
Taageeraha garabka haweenka ee xalay lagu qabtay munaasibada ayaa waxaa kala soo qayb galay xubno katirsan  garabka haweenka ee xisbiga kulmiye marwada musharaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga kulmiye  halkaasi oo ay  kaga hadleen dhamaanba taageeraha xisbiga hada ku soo biiray iyo kuwan  hada kusoo foodle ee doonaya inay hada kusoobiiraanba waxaanay ugu bishaareeyeen inay kusoo dhawayn doonaan gacmo furan iyo waji furanba.

 101_0160.JPG
 
Waxaa kale oo Madashaasi ka hadashay hogaanka  garabka isbadaldoonka ah ee kasoo diga rogtay xisbiga hada talada haya e udub  Radwa Maxamad Cilmi oo ugu baaqday inay  caawa laga bilaabo la shaqayn doonto iyada iyo Taageeraheeduba ee xisbiga Kulmiye , Radwa waxaa ay intaasi ku dartay in ay ahayd xubin ka mida xubnaha maamulka ka hayay xisbigii hore ee ay ku jirtay ahaana mid qaran kan hada aan hada ku soo biirayna yahay mid la mida  loona baahan yahay inlaga wada shqeeyo nabada dalka iyo dadkaba.

101_0146.JPG
 
Waxaa kale oo iyana ka hadashay gudoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga kulmiye Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan oo dareenkeeda farxadeed ee caawa ay tahay mid ay inbadan sugaysay waxaana kamida ahaa hadaladedii “walaalayaal waxaan u baahanahay isbadal dahab ah maaha inla yidhaahdo waxaan ubaahanahay isbadal  afka laga yidhaahdo oo kaliya  ee waa inaa la dhabeeyaa waxaan kale oo aan si farxad ku dheehan tahay u soo dhawaynayaa  garabka haweenka Beelaha Habar Cafaan  ee kasoo go ay xisbiga udub kuna soobiiray kulmiye waxaan leeyahay xisbigu waa kiinii kaad katimaadeena waakiini macnaheeduna tahay waa isu mid waxaana muhim ah in lawada ogaado waxa hadba dalka udan ah walaalayaal.

101_0229.JPG
 
Intaasi kadib ayaa intii lagu  guda jiray munaasibada lagu soo bandhigay  dhextaal ciyaaraha hida iyo dhaqanka ee sayliciga ah
 
Gaba gabadiina waxaa ka hadashay Marwo Raxma  X.Muxumed Suldaan oo ah marwada  Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka xisbiga kulmiye Eng.Saylici waxaanay ugu baaqday dhamaan taageeraha xusbiga kulmiye  kuwa hada soogalaya iyo kuwa kusii jirayba inay  ubaahan tahay inloo wada tafa xayto isbadal dhab ah.

101_0126.JPG

Waxaana ka mid ahaa hadaladeedii “marka la leeyahay waxaa loo baahan yahay isbadal maaha inlabadali doono cidgaara maaha in labadalo qabiil gaara maaha in labadali shakhsiyaad gaara.

101_0157.JPG

ee waxaa labadali waxa ay dadwaynuhu ay ubaahdaan in labadalo kaliya maaha in lagu  dabaqo  inlabadali doono xubnaha korkuxusan

101_0231.JPG

101_0178.JPG

152.jpg

131.jpg

101_0217.JPG

101_0216.JPG

210.jpg

64.jpg

101_0219.JPG

101_0164.JPG

101_0187.JPG

101_0175.JPG

101_0196.JPG
6.JPG
14.JPG

 

Wariye:-
Yuusuf Cabdi Cali” Indho-qurux:
Lughayanews-Borama