logo.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta soo saaray Degreetooyin uu ku magacaabay, dhawr Wasiiru-dawle oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Madaxweynuhu, isagoo tix-raacaya qodobka 90-aad ee dastuurka JSL, isla markaana tix-gelinaya ahmiyadda weyn ee Wasaaradaha soo socdaa u leeyihiin dhismaha Qaranka, waxa uu magacaabay Wasiiru-dawlayaashan hoos ku qoran:

1.      Mudane, Shucayb Maxamed Muuse Bookh waxa loo magacaabay in uu noqdo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka.

2.      Mudane, Maxamuud Warsame Geedi Jaamac, waxa loo magacaabay in uu noqdo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Wershadaha.

3.      Mudane, Axmed Xasan Goolle, waxa loo magacaabay in uu noqdo Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

4.      Mudane, Axmed Jaambiir Kaahin, oo hore u ahaan jiray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa loo magacaabay in uu ahaado La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweynuhu, isagoo tix-gelinaya aqoonta iyo hufnaanta ay leeyihiin Wasiiradaasi uu magacaabay, waxa uu ku amray in ay sida ugu dhakhsha badan ula wareegaan xilkaasi cusub ee loo magacaabay.

 

Allaa Mahad Leh,

 

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL