Borama-(Lug)-Qaar ka mid ah masuuliyiinta g/Awdal kaga ira xukuumadda madaxweyne Rayaale ayaa labadii ama saddexdii casho u dambaysayba Boorama u jooga arrimo lagu tilmaamay inay la xidhiidhaan abaabul siyaasadeed
oo taageero loogu raadinayo xisbiga UDUB iyo baajinta xaflado lagu soo dhaweeynayo taageerayaal ka tirsanaa xisbiga oo la sheegay inay ku biirayaan xisbiga Kulmiye.
Wasiirka macdanta iyo Biyaha Cismaan sh.Cabdi iyo agaasimaha Guud ee wasaaradda maaliyadda Axmed Daa’uud kanasoo jeeda degaanka Dila ayaa si gooni gooni ah usoo gaadhay magaalada Boorama saddex casho ka hor balse sida wararku sheegeyaan socdaalkoodu la xidhiidho arrimo kala duwan .
Axmed Daa’uud agaasimaha Guud ee maaliyadda oo isaga lagu bartay in mar kastoo doorashooyin dhaw yihiin ama olole siyaasadeed ka socdo dalka isagu culays dhaqaale iyo cashuuro kala duwan dulsaara dadweynaha iyo ganacsatada ayaan ku arkayey isagoo taagan kaantaroolka Boorama looga soo baxo dhinaca Hargeysa halkaasoo uu ku yaallo kastamka cashuuraha ee wasaaraddaasi .
Inkastoonan weli maqal cashuuro dheeraad ah oo uu kusoo rogay macaamiisha kastamkaasi , balse joogitaankiisa goobtaasi ayaa loo qaadan karaa mid uu ku kadeedayo kastamkaasi oo dakhliga soo gala lagu qiyaasi karo inuu toban jibaar ka yaryahay cashuurta Kalabaaydh laga helo sh/sl.
Axmed Daa’uud ayaa la sheegeyaa sidoo kale inuu ka muquurtay kaambayn siyaasadeed oo raadadka xisbiga Kulmiye lagaga tirtiri lahaa degaanka Dila iyo meelo kaleba la kasoo jeedo , beryahanna masuulyiinta xisbiga Kulmiye ee degaankaasi kasoo jeedaayi xisbiga Kulmiye uga heleen taageero aan hore looga siin jirin degaankaasi.
Cismaan Sh.Cabdi wasiirka macdanta iyo biyaha oo isaga maanta mar uu oogay Huteel Rays ku xoonsanaayeen raxan ka tirsan cuqaasha iyo siyaasiyiinta xisbiga UDUB ee kasoo jeeda degaanka Dila ayaa la sheegeyaa inuu wado olole ka dhan ah xisbiyada mucaaradka isla markaana uu baajiyo xaflado xisbiyada mucaaradku kusoo dhaweyn lahaayeen taageerayaal kasoo jeeda beelaha masuulyiintaasi oo Boorama iyo degaanno kaleba lagu qaban lahaa ,hase yeeshee guuxaasi aanu weli dhammaanin.
Intii ay Boorama joogeen labadaa masuul ee ka tirsan xukuumadda Rayaale ayaa dhinaca kale waxa soo baxayey xamaasad taageerayaasha xisbiyada mucaaradka qaarkood iyo kuwa muxaafidka ahi isku fara saari gaadheen kaddib markii sida la sheegay xarun ka mid ah xarumaha xisbiga Kulmiye ee Boorama laga gooyey calan ku taagnaa kaddibna taageerayaasha xisbigaasi ku kaceen falal la mid ah .
inkastoo aanay irin wax dhibaato ah oo dhex martay labada dhinac hase yeeshee waxa loo qaadan karaa inay ka mid yihiin barnaamijyada xukuumaddu ku carqaladanayso doorashooyinbla la filayo inay dalka ka dhacaan .26ka juun.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Masuuliyiinka G/Awdal Kaga Jirta Xukuum-ada Rayaale Oo Boorama Oo Jooga Arrimo Kala Duwan "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback