Borama-(Lug)-Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Boorama ayaa boobay si sharcidarro ahna ku degey dhul ku yaalla waxa kasii hadhay seerihii Boorama. Saddexdii casho ee u dambaysay ayaa la arkayey boobka dhulkaasi
 oo ay ku kacayeen qaar ka mid ah dadweynaha magaalada ee ku mamay boobka dhulka, iyagoo goor habaannimo ah ka samaystay guryo iyo cooshado baca ka samaysan ,iyagoo dhinaca kalena aanay jirin wax tallaabo ah ama dhaqdhaqaaq ah oo dadkaasi lagaga waabinayo degaanadaa sharcidarrada ah.

K/simaha guddmmoiyaha g/degaanka Boorama Muumin Gadiid oo aan saaka wax ka weydiiyey boobka dhulka ayaa hadalkiisii ku gaabiyey “waa sharcidarro ah, waanana ka hortegi doonaa arrintaasi “.

Dadkan degay dhulkan oo tuhunsan in maamulka G/degaanka Boorama aanu haatan lahayn awood uu kaga kaxeeyo dhulkaasi ayaa dhinaca kale keeni gaadhay xasiloonidarro ay dadkaasi iskaga hor iman gaadheen boobka dhulkaasi .

Boobka dhulkan oo sida la sheegeyo la mid ah boobkii seerahaasi loo geystaya wakhtigii ay burubaraysay xukuumaddi Afweyne ayaa laga yaabaa in jawiga siyaasadeed ee Somaliland haatan ka taagan, laguna sii jeedo arrimaha doorashooyinku  ayaa saamay kale ku yeelan doonta  haddii aan wax laga qaban boobka haatan ka socda dhulkii danta guud ee Boorama ku hadhay.

Boobka haatan ka socda dhulka weli kasii muuqda seeraha Boorama oo qayb ka mid ah uu dib usoo nooleeyey maayar ka mid ah maayaradii soo maray ,lana Yidhaa Ibraahim ,ayaa haatan ku dhaw inuu boobkaasi saameeyo ,isla markaana dad sheeganaya dhulkaasi ku dhiiradaan inay baabiiyaan gebi ahaanba inta weli kasii nool lagana yaabo inay sii dhiirrgeliso dad kale oo wakhtigan fursad ka dhigan kara inay boobaan dhulka danta guud, hantida qaranku ka dhaxlay xukuumadihii hore.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama