udub.jpgHargeysa-(Lug)-Xubno xilal kala duwa ka hayey Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa maanta illaa caawa iska casilay xilalkii ay ka hayeen Xisbiga UDUB, iyagoo ku eedeeyey inuu lumiyey kalsooniddii dadweynaha reer Somaliland.

Xubnaha iska casilay Xisbiga UDUB ayaa waxa ka mid ahaa Guddoomiyayaashii Degmooyinka Ibraahim Koodbuur iyo 26-ka Juun, kuwaas oo shirjaraa’id oo ay caawa ku qabteen Magaalada Hargeysa shaaca kaga qaaday in ay iska casileen jagooyinkii ay u hayeen Xisbiga UDUB, hase yeeshee waxa ay sheegeen in aanay ka bixin xisbigaasi.

Guddoomiyayaashaas oo kala ahaa Guddoomiyaha degmad 26 ee magaalada Hargeysa Cumar Haybe Ibraahim iyo Guddoomiyaha Ibraahim Koodbuur Maxamuud Aw Cali, waxaanay xubnahaasi ku eedeeyeen xisbigooda in uu lumiyey kalsooniddii uu ku qabay shacabku, isla markaana uu ka rajo beelay in uu la tartamo Xisbiyadda mucaaradka ah.

Dhinaca kalena, Xoghayihii Xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer Cabdi Xasan Axmed ayaa maanta isna ku dhawaaqay in uu ka baxay Xisbigaas kuna biiray Kulmiye, iyadoo xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweynayeyna  loogu qabtay Magaalad Burco.

Sidoo kale, Guddoomiyihii Degmada Sheekh ee Xisbiga UDUB ayaa waxa uu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey Xisbiga UDUB, isla markaana uu ku biiray Kulmiye.

 

RMS