Anigoo ku hadlaya Xubin ka Mid ah xubnaha qurbo joogta Beesha Bahabar Abokor (MAXADCASE) ayaan si mug leh halkan uga cambaareynayaa wadahadaladii dhex maray ashqaas isu magacowdey inay yihiin masuuliyiin ama cuqaal ka tirsan Beesha B.Abokor (Maxadcase), kulan ay la yeesheen magaalada Boorama rag ka mid ah Beesha Jibriil Yoonis -Makahiil- iyagoo hadalkoodu meel ku dhigiisu ahaa inay ku biireen Xisbiga UDUB.
Hadaba waxa xusid mudan inaan lagu wada dhargi karin ahaa in ragii ugu sareeyey Beesha B.Abokor ee ahaa salaadiintii,siyaasiyiintii, iyo cuqaashii kaleba aynan ka muuqan meeshaas lagu kulmey iyagoo wareysi aanu la yeelaney qaarkoodna noo sheegeen inu kulanku ahaa mid aad u siyaasadaysan oo aan laga fiirsan Beel ahaana lagu dhanayn cid beesha matali kartanaana aanay ka qaybgalin.
inkastoo shaqsigu xisbiguu doono ka mid noqon karo hadana waxaa fawaaxish ah oo ceeb ah in laga xishoodona mudan in uu qofku waxaanu beesha ka ahayn sheegto oo laga been abuuro beel aanay matali Karin laba qof oo dhuuni qaatayaal ahi.
Si kastaba arintu ha isugu biyo shubatee waxan baryahan ba aad ugu hanwaynayn oo beesh ka anfac sugi doonaa dadaalada aynu ka wadnay anagoo ah dhalinyarta qurbojoogta Beesha Bahabar Abokor (Maxadcase) qurbaha iyo gudahaba oo aynu ku taageerayno Xisbiga Siyaasiga ee KULMIYE.
Iyadoo taageero buuxda oo aynu kuwada kalsoonahey ka helney dhamaan Beesha B.Abokor iyo waliba odayaasha Beesha B.Abokor. Anagoo nuxurka gogoldhigiisa u dhaadhacayna ayaanu si wada jir ah ugu dirayna fursad ay kaga waantoobi karaan arintaas ay geesteen kulana talinayna si caqliyeysan walaalaha isu sheegey inay ka mid yihiin Beesha B.Abokor (Maxadcase) sharaftu inay daruuri tahay markastana haboon tahey inaad la wadaagto beesha fikirka saliimka ah, waayo ruux walaalkiiba nacay looma hanwaynaado.
UDUB waxay aheyd xisbi ka taliya wadanka Somaliland mudo badan lana wada ogsoon yahey mudadii ay haysay waajibaadkii loo igmadey inay talada hayaan sidey u meel marisey, maantase ay gaadhey waqti ay taladii dalka iska wareejin lahayd si dimuqraadiyad ah.
Idinkuna walaalahayaga taageerey xisbiga uduboow la tashada si mustaqbal le walaalihiin kale ee idinkaga waayo aragsan siyaasada dalka una tashada si murti iyo kartiba ku jirto. Hadalkayga ambaqaadkiisu waxu ahaa BEENIN gudnaanadkiisuna noqonayaa WAANO ku socota dhamaan Beesha Bahabar Abokor (MaxadCase) meel kasta ay kala joogaan inay taageero buuxda siiyaan Xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE.
Axmed C.dheere ( Sweden )


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Beenin! In Beesha Bahabar Abokor “Maxamed Case” Ku Biirtay UDUB "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback