faysal.jpgHargeysa-(Lug0-Gudoomiyaha xisbiga UCID ah-na musharaxa Madaxweynenimada ee xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay
 war ay  baahiyeen Tv-ga Qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa, oo shaaciyey in Gudoomiyuhu Taagerayaasha Boorama ugu khudbadeeyey inay u codeeyaan xisbiyada UCID iyo UDUB, iyada oo uu Gudoomiyuhu taageerayaasha ku booriyey in aanay codkooda iskaga khasaarayn xisbiga UDUB oo uu ku tilmaamay mid ay u dhamaatay oo aan rajo dambe lahayn.

Gudoomiyuhu waxa sidan ka sheegay shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ka sheegay in waraabinta dawladu ay si xun uga been-sheegtay, isla markaana ay bedeleen khudbadii uu shalay ka jeediyey fagaaraha beerta Xoriyada ee magaalada Boorama.

Waxaana gudoomiyuhu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Ugu horeyn waxa aan u mahadnaqayaa taageerayaasha xisbiga UCID oo iyagu si niyad ah u soo bixin, kuwaas oo aanan wax lacag ah siinin sida xisbiyada kale oo iyagu lacag iyo basas isugu dara, guud ahaanba shacabka reer Somaliland sidii ay fiicnayd ee ay uga qayb galeen ololaha doorashada madaxtooyada, waxa kale oo aan hambalyaynayaa ciidamada amaanka oo hadh iyo habeenba heegan ugu jiray in ay sugaan nabadgalyada” ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa cadaatay in aanay guddida anshaxa doorashooyinku xakamaynin, oo qodobadii aanu ku heshiisnay ay jabiyeen, Telifashanka qaranka ayaa jabiyay, Wasiirada ayaa jabiyay oo gaadiidkii dawlada ayay ku ololaynayaan, taasina waa nasiib daro”

Murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID ayaa sheegay in markii la arkay in taageereda xisbiga Xisbigiisu ay sare u kacday in sumcad dilis lagu sameeyay waxaanu yidhi “Markii la arkay in xisbigayaga UCID dadku ay doorteen oo xaga samada laga doortay ayaa waxa la samaynayaa sumcad dilis, waxa aan leeyahay ku iska yidhaahda ololuhu ka niyad maaha, waa naga niyad, barnaamijkayaga ayaa ka markhaati ah, waxa ka markhaati ah calanka aanu sidano oo uu tawxiidku ku xardhan yahay, waxa ka markhaati ah in tiirarka shanta ah ee ay Somaliland ku taagan tahay ka koowaad uu noqon doono shareecada Islaamka, shareecada Islaamku maaha mid raqiis ah, sida uu Rayaale u sheegay, haddii aanu doorashada madaxtooyada ku guulaysano dalka waanu ku dhaqi doonaa, hadii uu alle yidhaahdo” ayuu yidhi.

Guddoomiye faysal ayaa jawaab la’aan ka soo qaaday hadal uu hore u sheegay wasiirka wasaarada hawlaha guud kaas oo la xidhiidhiyay in xisbiga UCID uu xidhiidh la leeyahay ururka argagaxisada ah ee Alshabaab.

“Waxa aan doonayaa in aan ka hadlo arrinta la yidhi Faysal Cali Waraabe ayaa yidhi UDUB ha la taageero, arrintaasi waa mid aan suurtogal maaha in aan idhaahdo ha la taageero xisibiga UDUB, Anigu waxa aan sheegaa in ay ku guul daraysatay sidii ay dadka wax ugu qaban lahayd oo ay ku fashilantay maamulka, waxa aan mar kale ku celinayaa in madaxweyne rayaale muddo sideed sano ah oo uu dalkan gacanta ku hayay uu ku fashilmay in uu dalka wax u qabto, waxa aan leeyahay shacabka reer Somaliland dadkii dadka isku diri jiray weli way nool yihiin markaa waxa aan idinka codsanayaa in aydaan noo maqlin wax ay dadka kale sheegayaan, waa in aad nagula xisaabtantaan wax aad afkayaga ka maqasheen oo keliya ”.

“Hadalkan waxa la sameeyay markii la arkay sidii naloogu soo dhaweeyay magaalada Boorama oo ka fiicnayd sidii loogu soo dhaweeyay madaxweynihii sheeganayay in uu isagu naga xigo, iska daa wax kale  kii Radio Hargeysa u joogay Boorama ee Caafi ayaa wax aanan odhan inta uu afkiisa ka yidhi, ayuu yidhi Faysal baa yidhi” ayuu hadalkiisa kaga baxay.

UCID Party
ucidmedia@gmail.com