Hargaysa-(Lug)-Munaasibad balaadhan oo galabta Xaafada New Hargeysa ee Magaaalda Hargeysa ayaa waxay Ay beesha Habaryoonis ay taageero laxaadleh umiijisey xisbiga kulmiye , Xaflad Aad ubaaladhan oo shalay galabta kadhacdey magaalada Hargeysa oo ay aksoo qayb galeen masuuliyiin kalla duwan oo katirsan beesha Habaryoonis oo ay hogaaminayeen Xildhibaan Dhugad oo katirsan golaha guurtida Somaliland Xildhibaano katirsan golaha wakiilada Somaliland, madaxdhaqameedyo, aqoonyahan, dhallinyaro iyo haween ayaa waxay dhamaantood maanta U moojiyey Iney Taageersan yihiin xisbiga kulmiye oo ay ucodeyn doonaa doorashada isha Allah.
Prof.C/salaan Yaasiin Oo Katirsan Aqoonyahanka Beesha Ayaa halkaasi kahadley ayaa waxaa uusheegey In Loo Bahan yahey Isbedel Balaadhan Oo Kudhisan Waxqabad Iyo Cadaalad, Waxaanu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey dardaaran u ujeediyey ummada Somaliland oo ah iney nabada ilaaliyaan si dalkani uu u hello mustaqbal fiican waxanu nasiib daro ku tilmaamey in muwaadiniintii dalkanu soo halhgamey layidhaahdo waa Xagjir waa wax caqliga fayoobi aanu qaadan kareyn waxaanu dadweynaha beesha ee taageeradooda u muujiyey xisbiga kulmiye kula dardaarmey iney maalinta 26 juun oo 3maalmood inaga xigaan iney codkooda ku hubsadaan xisbiga kulmiye.
Waxaa Intaasi Ku Ladhey Oo uu yidhi “Waad ogeydeen oo dalka maraykanka doorasho ayaa kadhacdey oo waxa ay noqotey doorashadii ugu horeysey ee nin madaw lagu doorto Waxaanu Ninka Madaw Waa Obama ee uu yidhi waxaan u taaganahey Isbedel, Waana Isbadelka aynu maanta ummada Somaliland hadii aynu nahey aynu utaaganahey, kulmiyena utaagan yahey waxayna hiigsaneynaa sidaasi mareykanka weynbaan gaadhaynaa isha Allah…sidoo kale waxaa iyana doorasho kadhacdey dhawaan dalka ingiriiska ninka layidhaahdo David Cameron oo ah raysal wasaaraha isbadelbeynu dooneynaabuu yidhi waagii uu ololaha kujirey isbadelkii saw madhicin.. haa waa uu dhacey, inaga Somalilandna waxaynu ubaahanahey isbedelkaa waana in aynu bedelnaa Xukuumadan aan Waxba uqabanin dalkan”.
Waxaa sidoo Kalle Halkaasi kahadley Ambasador Yuusuf Jaamac Bulaale oo katirsan Aqoonyahanka Beesha waxaanu kawaramey oo uusheegey in muddo laga joogo 2 sanno mar uu joogey Caasimada itoobiya ee Adis Ababa uu maqlay waxaa lajoojiyey xoolihii taasi oo aan aad uganaxey sababta uu u joogsadeyna uu yahey maxjar, Maxjarkaasina waa ladhisi doonaa oo awalba waa ay socon jireen xooluhuye maxaa laga doontey maxjarka waan yaabey oo waxaad layaabey waxaan xoolihii bada marijirey loo joojiyey oo hadana jabuuti loogu wareejiyey waxayna kamid tahey waxyabaha lagu xasuusan doona xukuumada waxqabad la,aanta ku can baxdey, mid uunbaan idiin sheegayaa dalkani dhaqalaha Xoolaha nool aheyn muu laheyn markaa in xoolaha oo la dhoofiyo la hurumriyaa waa muhiim, waxaa uu mudane yuusuf jaamac intaasi kudarey in mar ay wada sheekaysteen wasiir ka tirsan xukuumada hada tallada haysaa uu yidhi “waxaan layaabey markii uu wasiirkii yidhi hadii la isku faanaayo oo la odhanaayo shahadadeebaa laga qaatey jaamacada yaa yidhaahda madaxtinimada shahaadaba looma eego, sidee looga eegin, Ninka Dhaqaalaha ugasoo baxay jaamacado eesidiisaba yaqaana siyaasada wadan walba waxaa lagu maamulaa waa dhaqaalaha, dhaqaalaheena koowaad waxaa uu ahaa xoolaha nool ninka siyaasiya ee aan dhaqaalaha waxba ka garaneynina dal mamaali karo.
C/risaaq Sh.muuse oo isna hal kaasi ka hadalay waxaa uu sheegey in dadka meesha iskugu yimid ay yihiin dhamaan dadkiibeesha ee xafiisyada xaafada oo dhan ka furay ee kulmiye tageerayaashiisa ahaa waxaana maanta ay tahay maalintii ugu dambeysey ee ay makarafoon kawada hadalno fariinta maanta aan idinfarayaana waxay tahey in nabad galiyada aynu meel ugasoo wada jeedsano oo aynu wada ilaashano dhamaanteenba oo aynu ka ilaalino cadawgeena iyo cidkasta oo waxyeelaysa, waxaa uu hadalkii ka gabxay oo uu tageerayashii usheegey in mustaqbalkeena uu kulmiyo uu hayo isla marakaasi ay muhiim tahey in codkeena aynu ku hubsano astaanta xisbiga kulmiye.
Waxaa sidoo kale munaasibadani oo tageerada ay beesha habaryoonis u muujisey xisbiga kulmiye ka hadley xildhibaan C/laahi ibraahim Xirsi{Dhugad}.
Waxaa uu ugu horeyn uu kahadley in maanta uu farxad weyn ay utahey in intaasi oo dad ah oo isku meel kaliyaata ah oo ah nimankii la lahaa dhabtooda ayuu ku hordaa Riyaale inta Ay Iska Celiyeen Ay Maanta Iskugu Soo Baxeen iney tageeraan Muarashaxa xibiga kulmiye Axmed Siilaanyo, waxaa kale oo ii farxad ah maanta in dhamaan dadkeena oo fal la dhaxdhigey in ay maanta midoobeen oo ay meel kaliyaata noqdeen taasina waa ii farxad iyo bushaaro.
Waxaa uu sheegey in uu isagu ladagaalamey oo ka badiyey ina Riyaale oo isku dayey in badan in uu beesha lacag iyo wax lamid uu kulla gorgoortama taasina aa kadiiday waxana hadaad tihiin dadkeykii aan idinka baahanahey inaad Calool adeyg latimaadaan sidaa anuuba ulla yimid oo aad maanta codkiina aad siisaan xisbiga Kulmiye.
Waxaa Kalle Oo Isna Halkaasi Kahadley Xildhibaan Saleebaan Bukhaari Waxaa uu Ugu horeyn Ka waramey inuu maanta uu ku faraxsan yahey inuu kasoo qayb gallo xafladan balaadhan ee maanta beeshii la odhan jirey Riyaale ayaa dhabtooda ku hurda ay maanta cududoodii u muujiyeen oo ay iska kiciyeen bustii ay odhan jireen waa uu nagu hurdaa. oo ay u nidoobeen horumarka balaadhan ee bulshada Somaliland,
Waxaa uu sheegey in uu kasoo olaleeyey ilaa gobolada bariga Somaliland oo maanta ay dadkii beeshu israaceen oo wixii la dhaxdhigey uu kabaxay oo ay midoobeen oo ay isla qaateen iney codkooda siiyaan xisbiga kulmiye oo ah ka ka shaqeynaaya horumarka Somaliland.
Waxaa uu daweynaha kulla dardaamey in dhamaan inta uu warkeygu gaadhayo waxaan usheegayaa in dhamaan beeshii ay midoowdey oo ay ku midoobeen inay xisbiga kulmiye oo wada horumarka Somaliland ay dhisaan sida ay sheegeen masuuliyiintii iga horeysaba waxaan idin kulla dardaarmayaa ineynu codkeena siino xibiga kulmiye.
Waxaa isna halkaasi ka hadley Jaamac Aadan Maxamed {Ganaf Cade } oo katirsan odayaasha beesha waxaanu sheegey in uu aad ugu mahadnaqaaya dhamaan dadweynaha beesha ee midoobey ee u mideebay horumarka beesha.
Waxaan kulla dardaamayaa dhamaan bulshada in maalinta doorashada oo aaney dhinac kale marin oo ay codkooda siiyaan kulmiye.
Maxamuud Xaashi oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga kulmiye ayaa isna halkaasi kahadley waxaa uu ugu horeyn uu kahadley in dhamaan dadweynaha Somaliland ilaa sanaag ilaa saylac ay dhamaantood yihiin kulmiye, Waxaa uu intaasi kudarey in muhiim ay tahey in kulmiye uu isbadel uu diyaar u yahey maanta., waxaa kale oo uu dadweynaha Somaliland dhamaantood kulla dardaarmey in aynu codkeena ku garab galno musharaxiinta xisbiga kulmiye Siilaanyo Iyo Eng.Saylici.
Waxaa munaasibadaasi soo gabogabeeyey gudoomiyaha xisbiga kulmiye ololaha doorashooyinka gobolka maroodijeex Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye {NacNac}..
Waxaa uu ugu horeyn uga mahadnaqay dhamaan bulshaweynta beesha sida balaadhan ee ay ugu so baxeen xisbiga kulmiye waxaanu sheegey inuu kulmiye uu diyaar uyahey isbadel dhab oo dalkani uu horumar balaadhan uu gaadhsiiyo oo uu u horseedo mustaqbal aad u wanaagsan.
Waxaa uu intaasi kudarey in madaxweyne Riyaale ku guuldareystay in markii uu la wadiiyey maxaad darajada usiin weydey ciidamada uu kujawaabay maxaan usiinayaa C/raxmaan Tuur allaa yarxama muusiine, ma ninkaasi ayeynu wax kasugeyna ninka dadkii xabaalahu ku cambareynaaya waa nasiib xumo in umad dhan madaxweynaheegii sidaasi uu ku hadlo.
Waxaa uu intaasi raaciyey in ay inagu soo food leedahey maalintii 26ka juun oo ah maalin dadweynaha Somaliland u ah maalin qaali ah waxaana lagama maarmaan ah in codkeena ku bedelno waxqabad iyo horumar aynu dalka gaadhsiino waxaana ilaahey karajeynaayaa ineynu doorashadaasi si nabad gelliyo ah ku galno.
Waxaa xafladihii gunaandka u ahaa Olalihii xisbiga kulmiye oo si xawli ah u kasbanaaya dhamaan quluubta shacbiga Somaliland.
Axmed Maxamed Shaqalle
Wariyaha Somaliland info
Hargeysa Somaliland
shaqale_88@hotmail.com





















Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Beesha Habar Yoonis Oo Taageero Balaadh-an U Muujisey Xisbiga Kulmiye + Sawiro "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback