buur-madow.jpgSaaxiibkay Rayaale Waxa Aan Leeyahay Dadku Way Kaa Jeesteen Ee Dadka Raac Oo Todoba Sanadood Ka Hor Waxa Aad Kursiga Timid Adoo Sharaf Leh, Iminkana Waxa Aanu Kaa Doonaynaa Marka Laga Helo, Adoo Sharaf Leh In Aad Hanbalyayso Oo Dalkaaga Ku Noolaato”.

Saraar-(Lug)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madow ayaa sheegay in xisbiga UDUB ee talada dalka Hayaa Uu saaxadda ka baxay, kaas oo intaasi ku daray in ummadda Somaliland ay haatan u heelantahay isbedel.

Boqor Cismaan waxa kale oo uu ugu baaqay Madaxweyne Rayaale oo uu sheegay inay ahaayeen saaxiib aad iskugu dhaw inuu hambalyeeyo doorashada haddii laga guulaysto, isla markaana waxa uu tilmaamay in dadku ay haatan ka jeesteen xisbiga UDUB.

Boqor Cisaam Aw Maxamud (Buurmadow) ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu maalintii shalay taageerayaasha xisbiga Kulmiye kala qayb galay isku soo baxa ay ku muujinayaan cududooda, taas oo lagu qabtay Gobolka Saraar ee Xaruntiisu tahay Caynaba, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi “Maanta Xisbigi UDUB saaxada ayuu ka baxay, ummaddu waxa ay doonaysaa Isbedel, waxaanay ku soo qulqulaysaa Xisbiga KULMIYE, Saaxiibkay Daahir Rayaale waxa aan leeyahay dadku way kaa jeesteen ee dadka raac oo Todoba sanadood ka hor waxa aad Kursiga timid adoo sharaf leh, iminkana waxa aanu kaa doonaynaa marka lagaa helo, adoo sharaf leh, in aad hambalyayso, oo aad dalkaaga ku noolaato, balse arintu yay kugu noqon (Halkaad Laga ku cuntay in aad Lafo ku Ruugto”.

Boqor Cismaan Boor-Madow waxa kale oo uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Saxibadayada kale ee dawladda ka tirsan waxa aan leeyahay, kaalaya oo KULMIYE ku soo biira ama dadkiina ceeb la’aan dhinaca ka raaca dadku isbedel ayay u jeelan yihiin waxay doonayaan lagama hor yimaade”. Ayuu yidhi Boqor Burmadow oo shalay la hadalay Bulshooyinka Gobolka Saraar iyo degmada Garadag.

Dhinaca kale Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) ayaa isaguna maalintii shalay oo ahayd maalintii ololaha ugu dambaysay xisbiga Kulmiye, shalay ka ololeeyey deegaanada hoos taga Burco, halkaas oo uu khudbado u jeediyey taageerayaasha xisbiga Kulmiye waxaana hadaladiisii ka mid ahaa Cali Mareexaan oo uu yidhi “Maanta doorashada waxa inaga xiga saddex maalmood, waxa loo ordayaa waa mustaqbalkiina, horaad noo siiseen codkiina, maantana (shalay) waxa qudha ee la doonaya waa in aad la soo baxdaan ciddii hogaanka sare ee dalka qaban lahayd Siddeed sano ayaa Xukumadda Daahir Rayaale madaxa ka yahay dalka hogaminaysay wax alaale wax ay dalka u qabatayna ma jiraan abaalkeediina waxa u noqday inuu qof walba dayacu halkiisa ugu tago, waxa aan idiin sheegayaa codkiina ilaaliya oo Xisbiga KULMIYE ku hubsada, maanta Lixda gobolba dadku codkooda waxa ay u haniyeyen Xisbiga Kulmiye waxa aan leeyahay UDUB waa laga guuray ee iska ilaliya kuwa codkiina doonay in ay khalhkaliyaan ee idiin wada Guri Caska, iska ilaiya galgalashadooda u samra oo nabada ilaliya”.

Waxa kale oo isna dadweynaha reer Saraared meelo fagare ah kala hadlay Gudoomiye ku xigeenka Ololaha Gobolada bari Cali Siciid Raygal waxanu dadweynaha degamadaa kula dardarmay in aanay codkooda luminin ee ay Saddex maalood ee ka hadhay doorashada ay cududan ay mujiyeen cod ahaan ku mujiya oo Xisbiga KULMIYE siyaan.

Magaalada Lascaanood ayaa iyana meel fagaare ah waxa dadka kala hadlay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, halkaas oo ay iskugu soo baxeen dadweyne aad u tira badani oo lulayey calanka xisbiga Kulmiye.

Degmada Xudun ee Gobolka Sool oo ay taageerayaal badan oo KULMIYE ka tirsani ay iskugu soo baxeen meel fagaare ah kala hadlay Fu’aad Aadan Cade oo ka tirsan xisbiga saraakiisha xisbiga Kulmiye.

Magaalada Adhi cadeye ee isla Gobolka Sool ayaa iyana waxa meel fagaare ah kala hadalay dadkii isu soo baxay C/waaxiid C/qaadir C/raxmaan iyo Gudoomiye ku xigeenka wakiilada Baashe Maxamed Faarax, kuwaas oo dhamaan tood dadka ku wacyi galinayay inay codkooda siiyaan Xisbiga Mucaradka ee KULMIYE.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Olalaha Doorashada Xisbiga KULMIYE ee Gobolada Nariga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo taageerayaal tiro badan oo iskugu soo baxay magaalada Burco kula hadlay halkaasi ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Halkan maanta wax badan isu sheegi mayno oo in badan ayaynu isaga waranay maanta ummaddu go’aan yahay gaadhay kaas ah in dalka Isbedel ka dhaco isbedelkaas oo horumar ku salaysan waxa wada Xisbiga KULMIYE Ololihiina waa dhamaaday ee waxa loo baahan yahay in aad codkiina ku hubsatan KULMIYE, UDUB way tagtay Rayaalena uu tagay “.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa halkaasi waxa uu ka qaaday Hees ay isaga iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ay Jiibta iyo Jaanta isla heleen taas oo ahayd “Imisaad Nalumisoo Sidaad Aar Libaax Tahay Talaabada Ladhayse, Waadiganse Liite Leexadu Ku Sidadte Hadba Laan Cuskanayee Liibaanteed Aduunyada Ruuxna Laasanmaye Maxaa Luray Naftaadii Rayaaloe”,.

Waxa kale oo isna halka ka hadlay Guddoomiyaha lamaha debeda ee Xisbiga Kulmiye Cismaan Saxardiid Cade waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Xukumadan talada haysaa oo dalka xukumaysay shan, sano iyo saddex sano oo sharci daaro ah markii la arkay Caalam iyo ummadda Somalilandba waxa ay sugayaan bedelkeeda Somaliland waxa ay soo martay tariikho badan waxaanay maanta gaadhay meel xun, ma aha waligeen in aynu nidhaahno waa nala khalday ee maanta ayaa jaaniiska haysatan ee ka fa’iidaysta xukuumadan dalka ku fashilantay Somaliland iyo Caalamkuba way ka daleen, balse maanta ayaa loo baahan yahay in aad doorataan ninkii bedeliha ee xaalada dalka ka saari laha ninkaasina waa rugcadaaga Axmed Siillaanyo oo aad codkiina siisaan waxa maanta la kala dooranayana ma aha Wasiiro ee waa Hogamiyeyaasha saddexda Xisbi marka waa in aad tarikhda dib u jalecdan Siillaanyo isaga oo Dhalinyaro ah caruurtiisu yaryar tahay ayuu naftiisa u huray siddii u idiin xorayn laha mana aha nin wax idinka doonaya ee waa mid wax idiin qabanaya ee doorta”

Gudoomiyaha Ololaha ee Gobolka Togdheer Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo isna fagaraha khayriyada Burco ka hadlay ayaa waxa hadaladiisa ka mid aha “(shalay) Maanta oo ah maalintii Ololaha inoogu danbaysay Kanbaygii ma dhamnaan ee waxa hadhay kii ugu adkaa waxa laydiinka doonaya in aad u diyaar garowdaan doorashada aad waqtiga dheer sugayseen waxa wajiba in aad guriguri isu war galisaan siddii aad maalinta codka isagu soo bixii lahaydeen”.

Waxa kale oo isna halka ka hadlay Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed kaahin Axmed “UDUB waxay ku talogashay markay ogaatay inay ku guul daraysanay codkii dadka oo ay aragtay halka dadka kaga tagtay inay iyana kaga tageen waxa ay samanaysaa qorshayaal ay ku carqaladaynay goobaha cod bixinta arintaas waa in aad ka fejigaatan oo idanka oo is ilaalinaya aad codaysaan ciddii fadqalalo idiinku wadana aad si wada jir ah isaga qabatan”.

Haatuf