komishanka-somalialnd.jpgHargeysa-(Lug)-Halkan waxa aanu ugu gudbinaynaa tirada codbixiyayaasha dorashada Somaliland ee gobol iyo degmo kastaa ka helay natiijada Komishanka Doorashooyinku soo saaray
 ee dadweynaha codkooda ka dhiiban doona doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto Sabtida toddobaadkan soo socda.

Xogtan oo u shaxaysan gobol gobol iyo degmo ee dalka oo dhan, isla markaana salka ku haysa natiijada ka soo baxday dadka qaatay kaadhadhka cusub ee codkooda ka dhiiban doona doorashada, ayaa waxa ka muuqda farqi u dhexeeya natiijadii diiwaangelintii codbixiyayaasha ee hore u kala heleen gobolladu.

Natiijada rasmiga ah ee codbixiyayaasha ka qaybgeli doona doorashada Madaxtooyada Somaliland oo u kala shaxaysan lixda gobol ee dalka iyo degmooyinka hoos yimaada, waxay u dhigan tahay sidan:

Degmooyinka Gobolka Awdal

Degmada Baki 24,772 (afar iyo labaatan kun, toddoba boqol iyo laba iyo toddobaatan).
Degmada Lughaya 12,894 (laba iyo toban kun, siddeed boqol iyo afar iyo sagaashan).
Degmada Saylac 26,070 (lix iyo labaatan kun iyo toddobaatan).
Degmada Boorama 113,180 (boqol iyo saddex iyo toban kun, boqol iyo siddeetan).
Isugayn: 176,916 (boqol iyo lix iyo toddobaatan kun, sagaal boqol iyo lix iyo toban kun).

Degmooyinka Gobolka Sool

Degmada Caynaba 49,923 (sagaal iyo afartan kun, sagaal boqol iyo saddex iyo labaatan).
Degmada Laascaanood 43,050 (saddex iyo afartan kun iyo konton).
Degmada Xudun 5,340 (shan kun, saddex boqol iyo afartan).
Isugayn: 98,313 (siddeed iyo sagaashan kun, saddex boqol iyo saddex iyo toban).

Degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex .

Caasimada Hargeysa 231,875 (laba boqol iyo kow iyo soddon kun, siddeed boqol iyo shan iyo toddobaatan).
Degmada Gabiley 87,357 (toddoba iyo siddeetan kun, saddex boqol iyo toddoba iyo konton).
Degmada Balligubadle 18,720 (siddeed iyo toban kun, toddoba boqol iyo labaatan).
Degmada Sallaxlay 23,547 (saddex iyo labaatan kun, shan boqol iyo toddoba iyo afartan).
Isugayn: 361,499 (saddex boqol iyo kow iyo lixdan kun, afar boqol iyo sagaal iyo sagaashan).

Degmooyinka Gobolka Saaxil.

Degmada Berbera 30,958 (soddon kun, sagaal boqol iyo siddeed iyo kotan).
Degmada Sheekh 12,138 (laba iyo toban kun, boqol iyo siddeed iyo sodon).
Isugayn: 43,096 (saddex iyo afartan kun iyo lix iyo sagaashan) .

Degmooyinka Gobolka Togdheer

Degmada Burco 178,612 (boqol iyo toddoba iyo siddeetan kun, lix boqol iyo laba iyo toban).
Degmada Buuhoodle 15,511 (shan iyo toban kun, shan boqol iyo kow iyo toban).
Degmada Oodweyne 49,097 (sagaal iyo afartan kun iyo toddoba iyo sagaashan).
Isugayn: 243220 (laba boqol iyo saddex iyo afartan kun, laba boqol iyo labaatan).

Degmooyinka Gobolka Sanaag.

Degmada Badhan 8,350 (siddeed kun, saddex boqol iyo konton).
Degmada Celafweyn 34,916 (afar iyo soddon kun, sagaal boqol iyo lix iyo toban).
Degmada Ceerigaabo 74,462 (afar iyo toddobaatan kun, afar boqol iyo laba iyo lixdan).
Degmada Dhahar 7,791 (toddoba kun, toddoba qobol iyo kow iyo sagaashan).
Degmada Gar-adag 20850 (labaatan kun, siddeed boqol iyo konton).
Isugayn: 146369 (boqol iyo lix iyo afartan kun, saddex boqol iyo sagaal iyo lixdan).

 Ramaas