Waa Madaxsaroo Loo Sacabo Tumo, S/land Siilaanyo iyo Saylici Ka Xulo….” Halhayska Taageerayaasha X/Kulmiye ee Shalay Fagaaraha Khayriyadda Borama..

Borama-(Lug)-Taageerayaasha xisbiga kulmiye iyo masuuliyiinta xisbigaasi ayaa shalay oo afjaray maalmihii  ay gudida doorashooyinku u asteeyeen  xisbiga kulmiye  maalmaha ololaha doorashooynka qaranka ee axsaabta gabgabada banaanbaxa xisbiga kulmiye ee magaalada   Boorama ayaa ahayd mid    si heer sare loogu soowada banaan baxay halkaasi oo ay dadwaynaha taageersan ay kumuujiyeen taageeronimada ay u hayaan  xisbiga kulmiye  waxaanay masuuliyiinta xisbiguna ay kala hadaleen kumanaankun oo taageersan xisbiga shalay subaxii ayaa ka duwanayd maalmihii hore anshaxa  iyo nidaamka qurxoon ee ay usoo banaan baxeen taageerayaashu iyaga oo raxan raxan usoo galayay  fagaaraha khayriyada ee magaalada boorama ugana baxay markii ay dhamaatay banaanbixii ayaa waxa halhays u ahaa oo ay ku dhawaaqayeen Waa Madax Saroo Loo Sacabo Tumo, Somaliland Siilaanyo iyo Saylici Ka Xulo..
 
Munaasibada shalay lagu soo afjarayay  banaanbaxyada xisbiga ayaa ay masuulyiinta ay kagala hadleen taageerayaashooda,  waxaa ugu horayntii ka hadlay   gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee G/Awdal Md.Ibraahin Aadan Qaalib waxaanu usheegay inayka duwan yihiin axsaabta kale oo ay ka hanaan qurxsan yihiin marka loo eego kan hada talada haya ee udub  waxaanu  ku tilmaamay kuwo kashaqeeya  hawlaha   dib udhaca kuwaasi oo hada iyo  jeer ku tacadiya dadwaynaha aan  taageersanayn xisbigooda waxaanse Alle ka baryaynaa inuu naga dhigin sida ay hada talada ku hayaan waxaana soo dhawaynayn doonaa marka ay noqdaan xisbi mucaarad ah.
 
Waxaa kale oo kale  hadlay gudoomiyaha garabka haweenka Marwo   Amaal X. Axmed Miisaan  oo ugu baaqday dadwaynaha taageerayaasha xisbiga kulmiye inay ilaaliyaan  nabada iyo  anshaxa kala danbaynta ee wakhtiga doorashooyinka.

Munaasibadni oo ay dadwayne aad u tiro badan ka soo qayb galeen kasoo qayb galeen ayaa   lagu soo bandhigay  heeso kala duwan oo ay ka qaadeen fanaaniinta dada yare Mursal Muuse Cumar iyo C/Shakuur  Maxamad   Cabdi     oo gacantiisa kutumayay   kamanka.

Ugu danbayntii waxaa so afjaray musharaxa madaxwaynaha  kuxigeenka xisbiga kulmiye  Eng.C/Raxmaan C/laahi Ismaaciil “Saylici” waxaana kamid ahaa hadaladiisii

“Walaalayaal waxaan maanta halkan ka balanqaadayaa  balanqaadkii ugu danbayeeyay ee aan idiin balan qaado la igana sugayo inaan fuliyo marka aan qabto xilka idinkana waxaa ladiinka fadhiyaa inaad codkiina kaga qayb qaadataan  isbadalka ka socda dalka oo dhan sidii  aad ugu horkici jirteen wanaaga iyo waxwalba oo horumar ah”.

Dhanka kale wararka ka imanaya dagmada Xariirad ayaa sheegaya inay iscasileen xubnihii ujoogay xisbiga udub ee dagmadaasi  Xariirad sida gudoomiyhii, xoghayihii iyo afhayeenkiiba  inay kuna biireen  xisbiga kulmiye.
 

 Wariye:-
Yuusuf Cabdi Cali “Indho-Qurux”
Lughayanews-Borama