faallo (lug)- doorashada Somali Land ee la filayo inay sahan danbe sabtida 26ka bishan Jun dalkaasi ka qabsoonto haddii ay wakhtigaasi hal todabaad oo kaliya dib uga dhici lahayd,
ma ku la tahay inay xukuumadda madaxwayne Rayaale si rasmi ah u kala firdhi lahayd?
Ama uu mudane Rayaale soo banneyn lahaaa qasriga madaxtooyada iyada oo ayna cidiba la tartamin?
Tan iyo markii lagu dhawaaqay wakhtiga rasmiga ah ee doorashada ayaa waxa si xooggan oo ay niyadsami badani ku jirto u socdey ololaha siyaasadeeed ee ay wadaan xisbiyada mucaaradka ahi, inkasta oo ay ku kala horreeyeen istiraatiijiyadaha iyo tabaha wacyigelinta.

Axmad Siilaanyo(midig) iyo C/Raxmaan Saylici
tusaale ahaan xisbiga Kulmiye ee mucaaradka ah ayaa muujiyey bislaansho siyaasadeed islamarkaana adeegsadey habab kala duwan oo uu ku qancinayo kuna hananayo bulshada reer Somali Land, taasina waxa ay keentey in xubno badan oo lafdhabar ahi ka soo digo rogteen xisbayada kale kuna soo biireen Kulmiye.
Golihii xukuumadda madaxwayne Rayaale ayaa laga cabsi qabaa inuu noqdo tusbax furtey, iyada oo ay ilo xog`ogaalihi sheegayaan inuu madaxwaynuhu qorsheynaayo in uu si hufan oo qurux leh xilka ugu wareejiyo murashaxa madaxwaynenimo ee xisbiga Kulmiye Axmad Maxamad Maxamuud Siilaanyo, kadib markii uu Rayaale dhinac walba ka eegey jawiga siyaasadeed oo haatan u muuqda mid aan guul iyo hoodo toona u soo wadin.
Waxa la sheegayaa inuu madaxwayne Rayaale haatan ku howllanyahay diyaarinta khudbaddii uu marka laga badiyo u jeedin lahaa shacbigii 2003 dii doortay.
Waxyaabaha anfariirka iyo yaabka ku ridey madaxwayne Rayaale wxa ka mid ah taageerayaashiisii ugu dhawaa oo dhinaca Kulmiye ka soo jeestey, wasiiradiisii ku dabo tukan jirey oo bilaabay inay ka goostaan amaba ay xagga loo badanyahay u ciiraan, iyo dhammaan madaxdii xisbigiisa heer gobol iyo heer degmo oo si aan kala go` lahayn ugu dhawaaqaya iney UDUB ka baxeen kuna biireen mucaaradka.
Taageerayashaa UDUB ka baxay ee Kulmiye geley lama soo koobi karo balse waxaynu soo qaadan karnaa tusaale ahaan:
1. lix (6) mudane oo ka tirsan golaha Barlamanka oo Udub matali jirey oo horraantii bishan ku biirey Kulmiye.
2. wasiir ku xigeenkii wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyigiga Siciid Maxamad Bile (Siciid Qiiro) oo uu Rayaale qudhiisu abti u yahay oo iska casiley xilkii uu hayay kuna biirey Kulmiye 18kii bishan.
3. xalay oo u danbeysey waxa xukuumadda Rayaale iska casiley Wasiirkii Madaxtooyadda Somaliland Xasan Macallin iyo Wasiirkii Wershadaha Axmed Cali Ubaxle.
4. taaageerayaasha iyo madaxda heer gobol iyo heer degmo ee UDUB xilligan xasaasiga ah ku wacad furey ee Kulmiye geley lama soo koobi karo.
Sidoo kale madaxwayne Rayaale waxa uu qaaadan waayay guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo magaalada Borama loogu soo dhaweeyey 10kii bishan Jun si aan Rayaale oo magaaladaasi abtirsiin ahaan ka soo jeeda loogu soo dhawayn waligii.
Dhinac kale xisbiga Kulmiye waxaa ku soo biiray 1dii bishan Jun 7 xildhibaan oo Barlamanka ugu jirey xisbiga UCID.
Isku soo wada geeyoo madaxwayne Rayaale oo isa siiyey hoggaanka Somali Land ayaa la sheegayaa in wajigiisa walaac iyo guuldarro ku soo foolle laga akhrisanayay tan iyo maalintii ay beesha Caalamku dhexdhexaadisey isaga iyo madaxda Mucaaridka, wakhtigaasi waxa la sheegey in madaxwaynaha labada murashax ee kaleba kaga badiyeen ku hadalka afka Engriiska islamarkaana loo arkey kalidii taliye African ah oo aan aqoon iyo anshax toona lahayn taasina ay keentey in markii ugu horreysey la sameeyo guddi doorashada u xilsaaran oo ka madax bannaan mudane Rayaale oo isagu hoosta ka dhiraandhirrin jirey komishankii hore.
Madaxwayne Rayaale marka la fiiriyo khudbadihiisii kala duwanaa ee uu ololahan jeediyey ayaa waxa laga dhandhansanayay sida uu u niyadjabsanyahay ee uu qorshe uuna ku talo gelini u soo waajahay, tusaale ahaan mudane Rayaal markii uu ka hadleyey magaalada Ceerigaabo waxa uu adeegsadey lahjad calaal ah wuxuuna sheegey in dooashada kaadhah qaldan lagu gelayo balse uu isaga hoggaansamay isagu arrintaasi isaga oo eegaya danta shacbigiisa sida uu hadalka u dhigey.
Markii uu Borama ka hadlayay waxa uu sheegey in ay mucaaradku yihiin rag aan wali lacagaysan oo aan waxba heysan sidaas awgeedna loo baahanyahay in isaga la doorto maadaama uu hantidii qaranka gacanta ku hayo, khudbaddaasina waxay noqotey mid taageero wixii uu Borama ka heli lahaa ka kala dirtey.
Ugu danbeyn dorraad markii uu Hargeysa ka khudbadeynayay madaxwaynaha ballanqaadyadii uu dadka la hor yimid waxaa ku badnaa ( waxaa la qaban doonaa) mana uu isticmaalayn ereygii ahaa “anigaa yeeli doona” ee looga bartay.
Si kastaba ha ahaatee doorashadani waxa ay si buuxda u caddeysey heerka siyaasadeed ee uu xisbiga kulmiye ka gaadhey dhinacyada wacyigelinta, kasbashada iyo xulashada ereyada campaing-ka lagu gelo. Waxa kale oo ay ka marag kacdey in madaxwayne Rayaale oo hore uga tirsanaan jirey sirdoonkii Afwayne laga yaqaan habka loo qabanqaabiyo ololayaasha siyaasadeed iyo sida dadka loo kasbado.
sidoo kale waxaa dardar cusub geliyey ololihiisa xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid ee uu hoggaamiyo Faysal Cali Waraabe, wuxuuna aad dad badan u soo jiitey markii uu ku dhawaaqay inuu shariicada Islaamka dalka ka dhaqan gelin doono, haseyeeshee wuxuu ku guuldarraystay isaguna in uu bulshada ka raarido waxa ay ku kala duwanaaan doonaan shariicada UCID iyo midda ururka Alshabab ee koonfurta Somalia ee uu Maraykanku colka la yahay.
Ugu danbeyn marka la diraaseeyo sida ay wax u socdaan iyo doorashadii Somali Land oo ay maalin kaliya innaga xigto waxaa la garan karaa in ka qayb gelidda xisbiga Kulmiye ee uu doorashadan ka qaybgelayaayi qaddar alle mooyee tahay tallaabo iska routine ah oo natiijadeeda la sii garanayo.
Diiradda Lughaya News
lughayaweb@gmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Diirada Lughaya News: KULMIYE Oo Ay Guushii Maalini uga Hadhey Iyo Rayaale Oo Ku Hawllan Khudbaddii Uu Jeedin Lahaa Marka Laga Badiyo "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback