Hargeysa- (Lug)- Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ayaa caawa is-casilay una muuqda inay ku biirayaan xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye
.
Wasiiradan is-casilay oo sidan ka sheegay shirjaraa’id oo ay caawa ku qabteen Hotelka Summer Time ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirkii Madaxtooyadda Somaliland Xasan Macallin iyo Wasiirkii Wershadaha Axmed Cali Ubaxle.
Wasiiradan is-casilay oo ka mid ahaa Wasiirada ugu miisaanka cuslaa xukuumada Madaxweyne Rayaale, ayaa is-casilaadooda ku sababeeyey, ka dib markii sida ay sheegeen ay arkeen in xukuumadda Rayaale lumisay kalsoonidii shacabka oo aanay wax taageero ah ka haysan, sidaa darteedna ay goosteen inay iscasilaan, islamarkaana si ba’an u weeraray xukuumadda.
Tallaabadan is-casilaada ah ee ay ku dhaqaaqeen labadaas Wasiir, ayaa ku soo beegan tahay xilli kala-guur ah, oo la isu diyaaarinayo doorashadii Madaxtooyada, iyada oo arrintani adhax-jab ku tahay xukuumada Rayaale iyo xisbiga UDUB.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Furfuranka Xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo bilaabmay iyo Laba Wasiir Oo Iscasilay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback