Boorama-(Lug)-Xoghayihii xisbiga Udub ee gobolka Awdal Mawliid Daahir Allaale ayaa xilkii xisbigaasi iska casilay goor dhawayd, is casilaadan ookusoo beegantay waqti ay maalin kaliya ka hadhsan tahay maalintii codaynta doorashooyinka madaxtooyada ee dalka Somaliland oo ku midaysan 26 June ayaa waxa uu sheegay in go’aankani uu yahay mid shaqsi oo isaga ka soo go’ay.
Xoghayahan is casilay Mawliid Daahir Allaale ayaa waxa uu is casilaadiisa kaga dhawaaqay shir jaraa’id oo lagu qabtay xarunta xisbiga ee Boorama waxana uu yidhi “ aniga oo ah xoghayihii xisbiga Udub ee gobolka Awdal Mawliid Daahir Allaale waxa aan manta oo ay taariikhdu tahay 24 June 2010 iska casilay xilkii aan u hayay xisbiga Udub ee gobolka Awdal, is casilaadaydan ayaan go’aansaday markii aan arkay in duruuufaha manta dalka ka taagan ay sabab u tahay xukuumada Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo mala’awaal iyo been ku jahwareerinaya dalka, waxa kale oo jirta in siyaasada dalka manta ka jirtaa ay noqotay mid dhinac u janjeedha isla markaana uu maamulkii xisbiga Udub ee gobolka awdal uu ku wareejiyay Qabaail ay hogaan u yihiin cuqaal iyo shaqsiyaad aanan waxba ka tarayn duruufaha manta jira, sidaas aawadeed waxa aan go’aansaday inaan iska casilo xilkii aan hayay isla marla markaana aan ku biro xisbiga Kulmiye.
Maxamed Aadan Suldaan oo isaguna hore u ahaa Gud. Xis. Udub ee Deg. Boorama isla markaana hore ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas oo uu ku biiray xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inuu aad u soo dhowaynayo xoghayahan ka soo baxay Udub eek u soo biiray Kulmiye waxana uu yidhi “ waa farxad inuu manta gartay saaxiibkay inuu Udub ka soo digo rogto waxa uu la mid yahay siyaasiyiinta waawayn ee gartay inuu xilka iska casilo markuu gartay inay Udub talo faraheeda ka baxayso.
Jaamac Yuuduf Axmed(Gadhle) oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ayaa si wayn u soo dhaweeyay xoghayahan is casilay waxana uu yidhi “ waa farxad in uu Xoghayahii Udub ee G/Awdal ku soo biiro xisbiga Kulmiye isla markaana waxa uu is casilaadaasi ku tilmaamay inuu mid niyad jab ka ah xis. Udub isla markaana garab wayn siinaysa xisbiga Kulmiye.
Afayeenka Xis. Kulmiye ee Gobolka Awdal Cabdinaasir Maxamuud Qawrax oo isaguna ka hadlay madashan ayaa waxa uu tilmamay inay guul u tahay xisbiga Kulmiye xoghayahan Udub ee is casilay, waxana uu sheegay inuu aad u soo dhawaynayo Xog. Iscasilay waxa kale oo uu sheegay in xis. Kulmiye oo si wayn ugu diyaargaroobay doorashooyinka isla markaana loo baahan yahay in taageerayaasha xis. Nabadgalyo ku codeeyaan.
Waiye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama






Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xoghayihii Xisbiga Udub ee G/Awdal oo Xilkii Iska Casilay Kuna Biiray Xisbiga Kulmiye "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback