Boorama-(Lug)-Waxa habsami u socota hawlaha komishnka qaranka ee gobolka Awdal ay ka wadaan gobolka, 90% hawlahu way soo dhamaadeen inta hadhay oo u badan gudaha degmada Boorama ayaa lagu wadaa in la dhamaystiro ilaa manta galinka dambe sidaas waxa Lughayanews u xaqiijiyay gudoomiyaha komishanka gobolka Awdal Cabdirashiid Xirsi Cali oo u si gaar ah ugu waramay.
Waxa kale oo uu sheegay Gudoomiye Cabdirashiid in ilaa hada ay hawlahu si aad ah u socdaan, waxana uu ka dalbaday dadwaynaha inay u codeeyaan si nabadgalyo ah isla markaana ay halcod oo kaliya dhiibtaan. Mar uu ka waramayay sida ay u codaynayaan shaqaalaha Goobaha doorashooyinka ee jooga goobo aan ahayn kuwii ay iska diiwaan galiyeen ayaa waxa uu yidhi “ Komishanku wuu fududeeyay hawlahaas, waxa aan u ogolaanay hawl wadeen kasta inuu ka codeeyo goobta uu ka shaqaynayo waxana ay tani u fududaynaysaa shaqaalaha inay codkooda dhiibtaan.
Marka la eego sida ay hawlahani nolosha caadiga ah u saameeyeen, waxa gabi ahaanba qaaliyoobay sicirka shidaalka iyo qiimaha kirada baabuurta, waxa batay dhaqdhaqaaqa baabuurta, waxa kor u kacay sicirka hoteelada cuntada iyo hurdada, dadku waxa ay u heelan yihiin inay codkooda dhiibtaan.
Dhinaca kale waxa magaalada la soo dhoobay ciidamo badan oo loogu talo galay inay nabadgalyada adkeeyaan isla markaana u feejignaadaan sugida hawlaha goobta codaynta. Waxa suurto gal ah in maalinta bari ah la xayiro isku socodka gaadiidka marka laga reebo baabuur sugan oo la siiyay ruqsad.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama





Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Hawlaha Komishanka ee Boorama Oo Meel Fiican Maraya iyo Saamaynta Ay Ku Yeesheen Nolosha Dadka Caadiga Ah "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback