Boorama-(Lug)-Degmooyinka Baki Lughaya iyo Saylac ayay wada xidhmeen goobahii codbixintu, sidan waxa Lughayanews u xaqiijiyay gudoomiyaha komishanka ee gobolka Awdal Cabdirashiid Xirsi mar ay shabakadu ku waraysatay khadka taleefanka, waxa kel oo uu gudoomiyuhu daba dhigay intaas inay xidhmeen goobahii gudaha magaalada Boorama ahaa ee ay ka dhamaadeed dadkii taagnaa, waxa kaliya oo waqti kooban la siiyay dadwaynah ilaa hada u taagan safafka codaynta.
Ma jirtaan wax carqalad ah oo ilaa hada laga soo sheegayo goobaha codbixinta, waxana shaqaalalaha goobaha ku sugani ay si toos ah u gudo galeen tirinta codadka codbiyeyaasha.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuususf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Badi Goobaha Codaynta Ee Gobolka Awdal Oo Xidhmay Iyo Shaqaalaha Goobaha Oo Isku Diyaarinaya Inay Gudo Galaan Tirinta Waraaqaha Cod Bixinta "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback