Boorama-(Lug)-Si balaadhan ayaa loogu soo bay guud ahaaba doorashada madaxtooyada ee magaalada dalka gobolka Awdal oo dhan, dadka waxa aad moodaysay inay habeenimadii xalay ahayd u hoydeen safafka, musharaxiinta mansabka madaxwayne ku xigeenka ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID ayaa ka codeeyay gudaha magaalada Boorama, waxana ay xaalada ku tilmaameen mid si wanaagsan u socota. Komishanka ayaa sheegay inay hawluhu meel fiican maryaan isla markaana ay dadku u soo bexeen si balaadhan.
Cabashooyin ayaa ka jira goobaha qaar waxana ilaa hada cabashooyinka jiraa ay u badan yihiin in ay gacanta hawlwadeenada komishanku gaabis tahay isla markaana ay ka hoosayso tirade codaynaysaa intii loogu talo galay, waxa kale oo ay madaxda axsaabta mucaaridku sheegayaan inay aad uga xun yihiin in dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee xisbiga UDUB uu ka badan yahay intii loogu talo galay.
Goobaha qaar ciidamo xoogan ayaa la soo dhoobay kadib markii uu ka dhacay buuq xoogan kadibna hawshu si caadi ah ayay ku soo laabatay.
Wararka kale ee ka imanaya degaamada Lughaya Baki iyo Saylac ayaa sheegaya inay hawshu si fiican u socoto.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Halkay Maraysaa Xaalada Codaynta Doorashada Ee Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback