Boorama-(Lug)-Iyadoo ay hawlaha doorashadu si habsami ah u socdaan ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya in ay ciidamada booliska ee Boorama iyo Xariirad manta xabsiga u taxaabeen Suldaan Daahir Taajaro iyo Gud/Xis. Kulmiye ee Deg. Xariirad Ibrahim Suge Good (Afyuub), waxa kale oo ay wararku intaas ku darayaan in suldaanka la xidhay lagu eedeeyay inuu qas ka abuurayay goobta sisibta ee magaalada Boorama halka ay wararka ka imanaya magaalada Xariirad ayay sheegayaan in wasiirka hidaha iyo dalxiiska ee Somaliland Cabdirisaaq Waabari uu amar ku bixiyay in la xidho /Xis. Kulmiye ee Deg. Xariirad Ibrahim Suge Good (Afyuub).
Wararka kale ee ku saabsan xiisadan ayaa waxa ay sheegayaan in Cali X. Xaamud Jibriil oo ka mid ah hawlwadeenada X. Kulmiye lagu xidhay goobta Cunaqabad oo u dhow xadka, waxa kale oo ay sheegayaan wararka ay shabakadu ka helayso dadka ku sugnaa goobtaas in la xidhay hawlwadeenkan kadib markii lagu eedeeyay inuu qas ka abuurayay goobta isla markaana gacanta looga galiyay ciidamo itoobiyaan ah oo goob halkaas u dhow ku sugnaa.
Ma jiraan warar wax warar ah oo sheegaya arin ka faahfaahsan intan.
Dhinaca kale waxa ilaa maalintii shalay ku xidhan saldhiga dhexe ee Boorama Afayeenkii Xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal Cabdinaasir Maxamuud Qawrax, mana jiraan wax warar ah oo faahfaahinya dulucda xadhiga sarkaalkan sare.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Saraakiil iyo Salaadiin Ka Tirsan X/Kulmiye Oo Xabsiyada Loo Taxaabay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback