Borama-(Lug)-Tartanka doorashada madaxtooyada ee jamhuuriyada soomaalilnd ayaa shalay cabaaro 7:00 subaxnimo ilaa iyo xalay saacadihii ay gaadheen meelaha qaarkood 10:00
ayaa islamarkiiba la bilaabay tirinta codbixinta doorashooyinka madaxtooyada ee dalkani mudadii ay socotay doorashadu ayaa xisb walbaba uu kuloolamayay sidii uu uhanan lahaa dadwayne kale oo aan horay u taageersanayn.
dhanka kale waxaa komishanka qaranku ka gaabiyeen xakamaynta gaadiidka aan wax sharci ah u haysan inay maalinta codaynta doorashada oo ahayd in aan wax dhaqdhaqaaq ah loo ogolaan inta codbixintu socoto.
Shaqadan kaantaroolida gaadiidka oo hoos imanaysay waaxda socdalka gaadiidka ama taraafikada ayaan si habsami leh u gudan waajibaadkii komishanku u xilsaartay ee ahayd inay qabtaan gaadiidka sida sharci darada ah dawladu ugu ololaynayso xisbigeeda Udub.
waxaa markhaati madoon ah in xisbiga talada haya ee udub had iyo jeer ku xadgudbo qawaaniinta anshaxa doorashooyinka qaranka ee dalka u yaala waxaana kamarkhaati kacay inay adeegsanayeen gaadiid aan lahay sharciga dhaqdhaqaaqa ee maalinta doorashada dalka.
Dhanka kale labada xisbi macaarad ee Ucid iyo Kulmiye oo ku koobnaa qawaamiinta anshaxa qaranka ee dhanka gaadiidka isu socodka dhaqdhaqaaqa nidaamka hawlgalka doorashada iyo waxyaabaha uu faray koomiishanka qaranku halka goobaha qaarkood fawdo iyo hadalo ka abuureen xukuumada iyo qaybo ka tirsan taageeraha xisbiga udub .
saraakiil ka socotay dawlada ayaa qiso laableh ka dhigay dugsiga Galbeedi oo ay si cadaan ah uula tageen hawlihii ay qabsan lahaayeen komishanka qaranku.
Fajac iyo amakaag ayaa u yimid gudoomiyihii goobtaasi waxaanu sidag dag ah ugu qaylo dhaan dirsaday hawl wadeenadii koomishanka qaranka ee heer gobol Cabaar ka bacdi waxaa meeshii soo gaadhay hawlwadeenadii komishanka qaranka waxayna amar ku siiyeen inay kala baxaan faraha saraakiisha dawladu hawlaha ay wadaan ee hada kasocda goobta codbixinta .
Waxaa barkii danbe cadaatay ina ay Sarakiishan dawlada ka socday ay wateen kaadhadh dadkii lahaa laga soo iibsaday oo ay damacsanaayeen in si sharciga ka baxsan saraakishaasi uugu ridaan sanduuqa codbixinta, nasiib daro way ku guul daraysatay arintaasi ay dawladu sida sharciga ka baxsan u wadatay.
Lughaya.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Qawaamiintii Ay Dhigeen Komishanka Qaranka Somaliland Maalinta Codaynta Ma La Odhan Karaa Xukuumadu Way Ku Fashilantay Inay U Hogaansato "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback