Boorama-(Lug)-Xarunta gobolka Awdal ee magaalada Boorama ayaa waxa soo wada gaadhay dhamaan sanaadiiqdii codbixinta ee degmada Boorama, waxana sanaadiiqdan oo xidhan soo gaadhsiinaya xarunta shaqaalahii komishanka
ee goobaha oo ay weheliyaan goobjoogayaashii axsaabta ee goobwalba iyo ciidadamadii nabadgalyada ee goobahaas ka hawl galayay.
Rabi Cabdi Maxamed oo ah sarkaalka u sareeya ee kumishanka u qaabilsan gobolka Awdal ayaa ka gaabsaday inuu bixiyo warbixin ku saabsan natiijooyinka hordhaca ah, waxana uu yidhi “ Waa wali ilaa hada waxa ana sheegi karnaa inay codbixintu si nabada h u dhacday isla markaana aan tacsi u dirayno muwaadiniintii ku geeriyootay Sool, waxa kale oo aan sheegi karnaa inaan ka mahad sheeganayno shaqalahii komishanka dadwaynihii codeeyay iyo ciidamadii nabadgalyada eek u sugnaa goobaha laga codeeyay iyo gobolka oo dhan oomasuuliyadooda si hufan uga soo baxay.
Dhinaca kale isla goobtan ayaa ilaa habeenimadii xalay waxa ku sugnaa Sedex goobjooge oo ka socday sedexda xisbi qaran, waxana saxaafada oo isla goobtaas ku waraysatay ay u sheegeen in ilaa hada ay hawluhu si fiican u socdaan isla markaana ay ku faraxsan yihiin sida ay dadku ugu soo dareereen cod bixinta. Saraakiishani waxa ay ka gaabsadeen inay bixiyaan wax natiijo ah oo hordhac ah.
Si kastaba xaalku ha ahaadee doorashooyinkii shalay oo si fiican gobolka uga qabsoomay ayaa waxa ay wararka ka imanaya xarumaha degmadu sheegayaan in ay tirintii ka socoto, waxana lagu wadaa in ilaa caawa saqda dhaxe ama bari subax ay sanaadiiqdu ku soo xereto gudaha magaalada Boorama.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Sanaaduuqdii Codaynta Oo Boorama Ku Soo Qulqulaya & Komishanka Oo Ka Gaabsaday Inuu Bixiyo Natiijooyin Hordhac Ah "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback