Boorama-(Lug)-Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta Mud. Axmed X. Daahir Cilmi iyo Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Xuseen Caynaan ayaa waxa ay kaga warbixiyeen hawlahii ugu dambeeyay ee codaynta iyo sida ay dadku ugu soo darereen.
Wasiir Axmed X. Daahir oo isagu ka hadlay madashan ayaa yidhi “ Waa alle mahadii waan ku faraxsanahay sida ay dadka gobolka Awdal ugu soo baxeen doorashada waa wax lagui mahadiyo nabadgalyada qabsoontay, waxa aan u mahadnaqayaa dhamaan ciidamada amniga iyo shaqaalaha komishanka oo hawsha si fiican u fududeeyay, waxa an aaminsanahay tani waxa ay u tahay fariin cad indhaha caalamka eek u soo jeeday Somaliland waxana aan leeyahay waxa noo hadhay waa wax ka yar 20% ee dadku ha is dajiyaan komishankana ha ka war sugaan. Waxa aan ku kalsoonahay in ay dadka reer Somaliland yihiin kuwo u bislaaday dimuquraadiyada isla markaana ay ka go’an tahay in waxwalba nabadgalyo ku dhamaystaan.
Sidoo kale wasiirka xidhiidhka golayaasha Xuseen Caynaan oo isaguna ka hadlay madashan ayaa si wayn u soo dhaweeyay qaabka ay u dhacday dorashooyinku waxana uu tilmaamay in ay arintani farxad u tahay dhamaan umada reer Somaliland waxana uu yidhi “ Waxaa guul u soo hoyatay umada reer Somaliland waxa an leeyahay nabadgalyada hala dhawro, waxa aan ka rajynayaa Axsaabta qaranka inay nabadgalyada mudnaanta siiyaan dulqaad muujiyaan isla markaana isku hambalyeeyaan marka ay natiijadu soo baxdo. Waxa aan leeyahay guusha eebe ayaa bixiya waana wx qoran ee aan ku kalsoonaano isla markaana aan muujino in dalkani ka gudbay caqabado badan oo dhinaca dimuquraadiyada ah.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lugahaynews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Golayaasha Ee Somaliland Oo Qabtay Shir Jaraaid "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback