Waxa lasii xidhxidhay Siyaasiyiintii, Salaadiintii iyo goob-joogayaashii iyo masuulyiintii X/Kulmiye maalin ka hor
Ciidammo beelaysan oo ka yimid dalka Itobiya ayaa afduubay qaar ka mid ah qurbajoogii xisbiga Kulmiye ee kormeerayey goobaha codbixinta.
Borama-(Lug)- Musharraxa mansabka M/xigeenka xisbiga Kulmiye C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylci,iyo xidhiidhiyaha xisbiga UCID ee gobolada selel iyo Awdal ayaa galabta ka hadlay sidii ay u dhaceen doorashooyinki shalay ka dhacay gobolka looguna tartamayey aqalka madaxtooyada soomaaliland ,iyagoo sheegay inaysan dawladda Rayaale ,maamulka Gobolka ,Golaha wasiirada iyo ciidamada dawladdu anay waxba ula hadhin sidii xisbiyada mucaaradka looga fogeyn lahaa goobaha codbixinta ,isla markaana loogu xidhi lahaa xisbiga Udub.
Musharraxa mansabka m/xigeenka xisbiga Kulmiye ,C/raxmaan Saylci oo ka hadlaya arimahaasi ayaa yidhi ‘Waxan hambalyo u dirayaa guud ahaan shacbiga soomaaliland ,anigoo ugu hambalyeynaya sidii ay ugu dhabar adaygeen inay gutaan waajibaadkii ka sarraa doorashada aqalka madaxtooyada ee shalay dhamaatay .
Waxa si cad Boorama iyo G/awdalba uga dhacday wax laga filayey xukuumadda Rayaale oo si an xishood lahayn ,goobjoogayaashii caalamiga ahaa ee gobolka joogay nala yaabeen , sidiiloola dhaqmayay dadkii usoo dareeray codbixintii shalay ,halkaasoo dadka lagu khasbayey inay u codeeyaan xisbiga UDUB,ciidankii ilaaliya layidhi ee goobahaasi joogay ,shaqaalihii dawladda ee ka yimi Hargeysa,wasiiradii ,iyo masuulyiintii gobolka awdal iyo kan degmada Booramaba anay dheg jalq u siin sharcigii doorashada 25kii bishan aya la xidhxidhay salaadiin,iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye,kuwaasoo loo xidhay xisbiga ay katirsanyihiin ,oo weliba kasoo jeeday beesha madaxweyne rayaale ee J/yoonis .Raggaasi manta oo doorashadii dhammaatay ayaa lasoo daayey .Waxa la xannibay dhamaan gaadiidkii xisbiyada mucaaradka ,halka gaadiidkii dawladduna si cad u daadgureynayeen shaqaalaha iyo taageerayaasha UDUB ,.Waxa la xidhxidhay goobjoogayaal xisbiga Kulmiye ku lahaa galbeedka magaalada ,meeshaasina noqotay dhul u xidhan xisbiga.Waxa la afduubay xubin katirsan qurbajoogga reer awdal ee dalka UK,kormeeryeyna habka doorashada ,waxana afduubay ciidammo hubaysan oo ka yimi dhinaca Itoobiya ,gaar ahaanna goobta doorashada ee la yidhaa Cunaqabad ee u dhaxaysa soohdinta Itoobiya iyo soomaaliland Ninkaa la afduubay ,oo watay gaadhigiisi iyo saaxibadii , laguna magacaabo Cali Xaamud Jibriil ayaa loo tallaabiyey dhinaca Itoobiya ,kaddibna uu halkaasi kasoo baxsaday Waxa wax lala yaabo ah in komishankii qaranka ee gobolka awdal waxba laga dhegeysan waayo,amaradiisiina dawladdu qaadan weyday ,waxayna dhammaan arimahaasi doorashada shalay ku dhammaadeen taageerayaasha xisbiyada mucaaradka oo an ka baajinnay inay dagaalamaan ,si nabadgelyo-darro anay usoo dhexgalin masiirka umadda ee doorashada ku xidhan ,annagoo weliba ku guuleysannay inaa goobaha codbixinta ka joojinno ku shubista kumaankum oo kaadh oo gacanta ugu jiray xukuumadda iyo xisbiga UDUB,waxanan si cad cabasho ugu gudbinnay komishanka doorashooyinka goobaha khiyaamooyinku ka dhaceen oo kala ahaa goobaha Booramna ee kala ah dugsiga Ardaale ee Boorama ,Xaawo taako ,Degmolaqas ,qulujeed ,Qoorgaab ,Hubdhigista ,sheedheer iyo waraqa,goobahaasi oo dhamaan taageerayaasha UDUB iyo masuulyiinta dawladdu iska maamulanayeen cid kalena anay la joogin, sidaa darteed waxan komishanka qaraanka ka codsanaynaa in ay tallaabo ka qaadaan arintaasi ,islamarkaana baadhaan xaqiiqdeeda ,ciddi geysatayna loo ciqaabo “.
Axmed Muumin Seed ahna xidhidhiyaha xisbiga UCID ee g/awdal iyo selel ayaa isaguna shirkaasi jaraaid ku sheegay arrimo la xidhiidha waxa uu ku tilmaamay fawdada dawladdu ku carqaladaynaysay doorashadii shalay ,balse taageerayaasha mucaaradku u dhaqaaqi waayeen .
“Axmed Muumin Seed oo arrintaasi kahadlayana waxa uu yidhi ‘ Dadweynaha soomaaliland waxay mudanyihiin ammaan ,iyo in looga mahadceliyo doorashadii shalay ay u babac dhigeen Waxan filaynay inay dawladda iyo maamulka gobolku ka xishoodaan waxyaalaha ka hor imanaya sharciga doorashada .arrimaha goobaha ay ka waddeen shaqaalah dawladda ee heer qaran iyo heerdegmo ayaa ahaa kuwa ku fadhiya qabyaalad iyo gobolaysi kala fogeyn kara dadweynaha soomaaliland ,kuwaasoo lagu waaninayey inay u codeeyaan madaxweynaha gobolkooda kasoo jeeda iskana diidaan waxay ku sheegeen nus shilinka ,taasina ay ahayd mid ay si cad goobaha doorashada ugaga dhawaaqayeen taageerayaasha xisbiga UDUB iyo maamulayaasha dawladdu .Waxala arkayey oo goobjoogayaashii caalamigu arkayeen kumanyaal kaadh codeyn ah oo loo dhiibayey dad an lahayn,balse wax yari uga dhaqaaqeen ,ceebtaasina ay ahayd mid caalamku indhhiisa ku arkayey .meesha layidhaa Layla kaal ,ee xadka dhinaca Itoobiya ku taal iyo galbeedka Boorama ,ayaa masuulyiinta Boorama heshiis kula galeen in goobahaasi laga sifeeyo taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ah,halkaasoo la keenay ciidaamo sitay dirayska Itoobiya,balse u dhashay degaankaasi ,kuwaasoo dadka goobaha soohdinta ku khasbayey inay UDUB u codeeyaan ,hadii kale meesha ka tegaan,tobannaan gaadiid dawladda iyo shicibka UDUB taageera ayaa iskaga gooshayey soohdinta labada dal iyo magaalada dhexdeedaba ,waxana weynay sharcigii doorashada ee la kala saxeexday .Komishanka qaranka ee G/awdal oo isagu ku ammaanan hawshii uu qabtay ,balse waxa ka xoog batay hawlaha lagu musumaasuqayey doorashada ee ay wadeen dawladda iyo xisbiga UDUB ,sidaa darteed waxan umadda soomaaliland u sheegeynaa inaanay gobolkan awdal ka dhicin doorasho xor oo xalal la odhan karo ,komishanka qaranka ayeyna u taalla arrintaasi inuu ka qaado tallaabo dalka iyo dadkaba u hiilisa “
Wariye :-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xisbiyada Mucaaradka Ee G/Awdal Oo Ka Hadlay Sidii Ay Gobolkooda Uga Dhaceen Doorashooyinkii Shalay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback