114.jpgHargeys-(Lug)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti
 oo shalay u dabaaldegay xuska 33-guuradii xorriyadda dalkooda oo ku began 27 June 2010.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee KULMIYE oo lagu caddeeyey dhambaalka hambalyada ah ee Md. Axmed-Siilaanyo u diray xukuumadda iyo ummadda reer Jabuuti.

“Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu hambalyo diirran u dirayaa xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti oo maanta oo taariikhdu tahay 27 June 2010 [shalay] u dabbaaldegaya munaasibadda sannad-guurada 33aad ee ka soo wareegtay maalintii ay qaadatay xorriyadda.

Guddoomiyuhu wuxuu dhambaalkiisa ku caddaynayaa inay Somaliland iyo Jabuuti yihiin laba dal iyo laba ummadood oo walaalo ah oo uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer, loona baahan yahay in markasta laga wada shaqeeyo horumarinta iyo ballaadhinta xidhiidhkaas, waxaanan u rajaynayaa shacabka reer Jabuuti barwaaqo iyo horumar,” ayuu yidhi warsaxaafadeedku.