Boorama-(Lug)-26kii June guud ahaan gobolka  Awdal oo dhan waxa ay dadkiisu ka sinaayeen sida loogu dareeray doorashooyinka, xiiso aad ah ayay dadku u hayeen inay codkooda dhiibtaan, waxana ay tani sababtay in ay safaf dhaadheer dadku istaagaan ilaa habeenimadii saq-badhkii, qof walba ma ogayn waqtiga uu goobtan ka tagayo isaga  oo codeeyay balse waxa ka go’naynd inuu codkiisa dhiibto.

Jawigu waxa uu ahaa mid dagan, Boorama waxa ku da’ay roob aan badnayn balse dhulka wada gaadhay, tani ayaa waxa ay sababtay in milicda cadceedu ay qabowdo isla markaana ay dad badan u fududaato inay goobaha ay ka codaynayaan tagaan waqtiga ay rabaan.

Codbixintu ma bilaaban waqtigii loogu talo galay badi goobaha gudaha magaalda Boorama, waxa ay dib u dhacday ilaa 30 daqiiqo, balse masuuliyiinta komishanku waxay kumicneeyeen arintan mid farsamo, meelaha ay dadku ku badnaayeena waxa hawsha u fududeeyay sanaadiiqda la dhigay, goobwalbana waxa ay dadka joogay u codeeyeen si fiican.

Waxa jiray goobo uu nidaamku ka xumaaday, waxana tani ugu wacnaa iyada oo ay dadku ka bateen goobahaas isla markaana ay ciidamada amnigu ku yaraayeen, waxxa kale oo goobahaas ay dadku ka cabanayeen iyada oo ay shaqaalaha komishanka ee gudaha ku sugan ay gacantoodu gaabis ahayd isla markaana aysan hawsha u wadin sidii waqtiga ku qorshaysnayd.

Marka aan isku dayo inaan ka waramo hawshu sida ay uga socotay gudaha goobaha waxa wusid mudan in aan xuso in goob walba ay ka shaqaynayeen 8 qof oo ay 4 ka mid ahi yihiin shaqaalaha komishanka 3na ay yihiin goobjoogayaasha xisbiyada iyo hal askari oo duljooga sanduuqa, inta badan waxa uu waqtiga badani ku lumayay marka qofka magaciisa laga baadhayo liiska dadka goobta ka codaynaya inkasta oo marba marka ka dambaysa uu ay la qabsanayeen habsami u wadida shaqada. Shaqaalaha goobtu waxa ay ahaayeen kuwa meesha ka saaray ku celcelin badan oo dhici lahayd sababta oo ah waxa ay aad ugu fiirsanayeen khadka iyo wajiga dadka.

Goobaha qaar waxa laga waayay liiska magacda dad badan oo hore loo siiyay shahaadada aqoonsiga codaynta kadibmarkii kaarkoodii hore loo waayay tani waxa ay sabatay inay dad badan fursad u waayaan inay codeeyaan gaar ahaan goobta Sh. Axmed Salaan ee bariga magaalada Boorama, waxase la yaab lahayd sida dakaas tidada badan ee aanay u suurtoobin inay codeeyaan khaladka ay sameeyeen komishanka aawadeed ay nabadgalyada u ilaaliyeen isla markaana ay goobwalba uga tagayeen iyaga oo yaaban ooaan buuq samaynin

Dhaqdhaqaaqa gaadiidku ma ahayn mid u adag sidii loo adkaynayay marka hore, waxa aad arkaysay baabuur badan oo aan wadan calamadaha ruqadda dhaqdhaqaaqa, baabuurtan ayaa waxa ay isugu jireen kuwo yaryar iyo waawayn, qaarkood waxa watay masuuliyiin halka ay qaarkale ka ahaayeen gawaadhi xamuul oo ay ka buuxaan dad dhaliyaro u badan. Dhaqdhaqaaqa baabuurtu ma qarsoomayn waxana ay ahayd cabashada ugu wayn ee ay axsaabta mucaaridku muujiyeen inta ay codbixintu socotay. Waxana si wayn la isku waydiiyay meesha laga bixiyay baabuur tiro badan oo wadatay warqada ruqsadda dhaqdhaqaaqa.

Ciidamo xoogan ayaa hawshan ka qayb qaatay, askarta oo ku labisan dirayska tuutaha ah ayaa gaaf wareegayay gudaha magaalada, ciidamadan ayaa si xoogan uga hawl galay goobaha, waxana ay ahaayen kuwo siwayn heegan ugu ah inay amniga goobta sugaan, askarta qaar waxwalba waxa uga muhiimsanaa amarka ay qabaan oo xitaa ma sii daynayn suxufiyiinta marka laga reebo shaqaaale komishan iyo kormeere caalami ah si la mid ah sidii ay saraakiishii ku sugnayd xarunta hanuuninta dhexe ku sameeyeen suxi ka socday UNIVERSAL TV iyo suxufiyiin kale, askarta ku sugan goobaha qaar dadka ayaa soo jiidhay oo waxa si fiican loogu soo kabay askar kale oo lagu soo daabulay gawadhida gaashaaman si lamid ah sidii ka dhacday goobta codaynta ee Aadan Isaaq.

Axsaabta siyaasiga ah eek u tartamaysay doorashadu waxay ahaayeen kuwo aanay masuuliyiintoodu salka dhulka dhigin intii ay doorashadu socotay, waxa aad arkaysay iyaga oo isaga gaafwareegaya goobaha ay codbixintu ka socoto, waxa ay goobwalba gaynayeen Cuno iyo Biyo qasacadaysan oo ay ugu talagaleen shaqaalaha goobta gaar ahaan goobjoogayaashooda. Waxa an meesha ka madhnayn in uu aad u badnaa wada hadalka iyo xamxamta ay samaynayaan marka ay goob is dul taagaan iyaga oo la tashanaya goobjoogayaashooda. Ma jirin wax wararbixino ah oo ay siinayaan saxaafada, markase ay hadlayaan waxay u muuqdeen kuwo taxadir badan muujinayaa hadalkana soo koobaya.

Suxufiyiintu waxay siiyeen ahmiyada koowaad xog ogaal u noqoshada xaaladu sida ay tahay, guud ahaan gobolka oo dhana waxa ka hawl galayay suxufiyiin aad u tiro badan oo ka kala hawl gala Television-nada Radioyada, Joornaalada iyo Websites-ka suxufiyiintan ayaa watan baabuur ruqso haysta waxana ay aad u isticmaalayeen taleefanada gacanta si ay xog badan u helaan. Ma jirin cabudhin muuqata, handadaad iyo shaqo ka horjoogsi muuqda oo badi soo wajahay suxufiyiintaas.

Dadku way xamaasadaysnaayeen marar badana waxa u muuqday oo kaliya inay codkooda soo dhiibtaan waxana wax wayn oo aan la filayn ahayd in ay codayntu ku dhacday si ka wanaagsan sidii loo qorsheeyay. Badi goobuhu waxay xidhmeen waqtigii loogu talo galay , waxase jiray goobo dib u dhac uu ku yimid oo ilaa 30 daqiiqo ka dambeeyay waqtigii loogu talo galay inay xidhanto, arintan ayaa komishanku ay hore u sheegeen dadbadan way ogsoonaayeen in hadii ay safka goobta taagan yihiin ay fursad u helayaan inay codkooda dhiibtaan habeenimadaas, waxase arintan walaac ka muujiyay qaar ka mid ah axsaabta oo ku sababeeyay walaacooda in dadka goobta joogaa ay yihiin dad hore u soo codeeyay ama ay goobaha qaar ay taageerayaal qaar ahi ku badan yihiin fursadaas heleen.

Guud ahaan 31 xarun codayneed ee ku yaal magaalada Boorama gudaheeda waxa ugu buuq badnayd goobta Galbeedi oo dhawr goor walaac laga muujiyay isla markaana ku dhowaatay inay hakad gasho. Waxa kale oo jiray goobo tiro yar oo hakad la galiyay mudo kooban balse dib loo bilaabay oo ay ka mid ahaayeen goobta Abuqays 4. Kadib markii ay dadku ka bateen.

Waxa aad u sareeyay wada shaqaynta ka dhaxaysa maamulka komishanka iyo shaqalaha goobaha waxa aad arkaysay inay si dagdag ah uga soo jawaabayaan cabashooyinka ka yimaada goobaha, sidan waxa ka marag kacay suxufiyiin masuuliyiinta komishanka la socday oo u raacay goobo dhawr ah oo ay cabashooyin ka imanayeen. Shaqalahan komishanka ayaa ahaa kuwo uu taxadar badani ka muuqdo waxana aad u yarayd inay saxaafada xaalada jirta iyo halka la marayo uga waramaan, marwalba waxa ay codsanayeen in kamaradaha laga joojiyo si ay hawshooda u wataan waxana ay tani dhalisay inay aad u yaraato xogaha laga ogyahay sida uu komishanku waxa u wado.


Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama