Hanjabaado Caga Juglayn iyo Xadhig Ayaa Lala  beegsanayay Saraakiisha Kulmiye Waxana Waday Falalkaas Kooxo Abaabulan Oo……….Axmed Xaddi Sidci

axmed-xadi-sidci.jpgBoorama-(Lug)-Shir jara’id oo markii ugu horaysay ay qabteen saraakiisha sarsare ee xisbiga Kulmiye ee gobolka Afdal ayaa waxa ay kaga warameen inay maalmihii doorashada jireen cadaadis, cagajuglayn iyo xabsi galin ka dhan ah saraakiisha sarsare ee Kulmiye ee ku sugan gobolka Awdal, hadaladan ayaa waxa ay ka soo yeedheen Axmed Xadi Sidci oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee gobolka Awdal ee xisbiga Kulmiye oo ka marag kacay in isaga laf ahaantiisa loo gaytsy Cagajuglayn uu xusay in looga dan lahaa sidii saraakiisha firfircoon ee xisbiga kulmiye ee Gobolka Awdal loo curyaamin lahaa kadin markii uu dhaqdhaqaaqoodu u cuntami waayay xisbiga Udub masuuliyiintiisa.

Waxa kale oo uu Sarkaal Axmed Xadi Sidci yidhi isaga oo sii wata shirkiisaas jaraa’id “ Gobolka Awdal si adag ayaa loo tartamay Sedex Musharax ayaa ku tartamayay maalintii doorashadu dhacaysay, shacabka gobolkan waxa culays ka saarnaa inay sedexda xisbi kala doortaan, baabuur badan ayay isticmalayeen masuuliyiinta iyo taageerayaasha UDUB ilaa ay gaadhay dacwadayadu komishanka, waxa jiratay in canaasiir(waa sida uu hadalka u dhigaye) ka mida askarta ay u xaglinaysay Udub, Lacago tiro badan ayaa   keenay gobolka  si doorashada loogu adeegsado iyada oo aywaxaas oo dhami jireen hadana Kulmiye si haboon ayuu u diyaar garoobay waxana ay hawsha u galeen si guul soo hoyn karta.

axmed-xadi-sidci.jpg

Mar uu ka waramayay waxa uu ugu yeedhay handadaadaha loo gaysatay masuuliyiinta Kulmiye ee gobolka ku sugnaa ayaa waxa uu yidhi “ xadhig ayaa lala beegsaday qaarkood uu ka mid ahaa Afayeennkii Xisbiga ee gobolka Awdal Maango, waxa jitray salaadiin iyo saraakiil kale oo la afdouubay lana xidhay oo ay ka mid ahaayeen Sul. Daahir Taajaro iyo Cali Xaamud. Aniga laf ahaan tayda waxa la ii gaytay hanjabaado ay wadeen koooxo taageerayaal ah oo abaabulan oo dagaal doon ah ama ugu talo galsanaa inay baabuurta wax yeelaan, ma yarayn cadaadisku xitaa hargaysa waxa lagu xidhay sarkaal sare oo xisbiga ah oo la yidhii Maxamed xaashi.

Sarkaalkan Axmed Sidci isaga oo ka hadlaya cida soo qorshaysay falalkan uu sheegay iyo waxa uu fariin u gudbinayo ayaa waxa uu yidhi “ Waa xisbiga Udub waxana aan leeyahay cambaarayn kadib komishnaka ayaan talada u dhiibanay oo ah mid dhex dhexaad ah inta ka horaysa natiijooyinka ay ku dhawaaqayaan waxaan ku dardaarmi lahaa inay haboon tahay in la is ixtiraamo oo loo ogolaado qofka inuu xoriyadiisa ku raaco xisbiga uu rabo.

Sarkaalkani waxa uu u hambalyeeyay sedexda xisbi qaran iyo umada reer Somalailand oo uu xusay inay ka soo gudbeen maalmo aad u adag oo uu olole socaday iyuo maalintii doorashada waxana uu yidhi “ waan hambalyaynayaa Axsaabta qaranka iyo umada reer Somaliland, doorashooyinka sida haboon u dhacayna waxa ay astaan u yihiin in umada reer Somaliland aya u bixlaatay dimuquraadiyad ugu dambayntii waxa aan si gaar ah u  hambalyaynayaa Masuuliyiinta musharaxiinta ah ee xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashooda sida muga leh ugu soo baxay doorashada.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama