siilaanyo-iiyo-engsaylici.gif

..Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Dalka South Africa Oo Hambalyo U Diray Madaxwaynaha Iyo M/Kuxigeenka Cusub Ee Somaliland

Gudoomiyaha guud ee jaaliyaada somaliland ee koonfur Africa mudane Ahmed Jama Gaweto iyo dhamaan gudida fulinta jaaliyada ayaa waxay hanbalyo iyo bogaadin aan la soo koobi kareyn hawada u soo marinaya  madaxweynaha cusub iyo m/ku xigeenka cusub ee jamhuuriya Somaliland  H.E ahmed Mohamed Mahamud (Silaanyo) Iyo Eng.Cabdiraxmaan C/Laahi Ismaaciil (Saylici).

Hada  waxaan leenahay  noqda kiwii lugu nasto barwaaqo iyo nabad galyo caano ku jooga noqda insha allah

Dadka hoose ku qoran waa dadka diraya hanbalyada

1. Gud Ahmed Jamac
2. Mukhtaar  Ahmed Hadi
3. Hasan C/Laahi
4. Cabdle Ismaanciil  Xuseen
5 Abdi Hadi Boorama
6 Ahmed Cabdi Nuur
7. Cabdi Nuur
8 Cawil Ismaanciil Garbiye
9.Nimcaan Ibrahim Nuux
10. Ali Yusuf  Bayaano
11.  Wariye Ibraahim  Miigane

Waxaan leenahay dhammaan dadweynaha Somaliland doorashadan doorashadeeda (NABAD,BARWAAQO,HORUMAR,AQOOSI. ku gaadha Insha allah
 

Wariye:-
Ibraahim Miigane
Lughayanews-Johannesburg

____________________________________________________

Hambalyo Ka Timid NORWAY Oo Ku Socota Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Mudane Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo iyo Ku Xigeenkiisa Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici)

Maanta shacab weynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaanba waa maalin farxad iyo guul u ah. Laguma faraxsana oo kaliya doorashada Mudane Siilaanyo loo doortay madaxtinimada Somaliland iyo Ku xigeenkiisa Eng.C/raxmaan Saylici, waxaa kale oo ay ku faraxsan yihiin dhamman hawlaha iyo jawiga guud ee ku xeeran dhacdadan NAADIR ka ku ah caalamka oo dhan gaar ahaan mandiqaddan aan ku nool nahay.Haddaba aniga oo ka duulaya marxaladan aan ku jirno waxaan rabaa inaan ka hadlo dhawr arrimood:

1. Madaxweynaha cusub mudane Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo iyo Ku xigeenkiisa Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaciil (Saylici), Waxaan marka hore u soo gudbinayaa hambalyo iyo duco aan Eebbe uga rajaynayo inuu Ahmed Abdullahi Obsiye xilkan Qaran ee loo doortay ku garab-galyo, AAAMIIIN.

Maxadaxweynihii hore Daahir Rayaale, waxaan ugu hambalyeynayaa doorkiisii wanaagsanaa ee uu ku soo hogaaminayay dalka, gaar ahaan mawqifkii muqadaska haa ee uu ka qaatay doorashadii. Waxaad ahaanaysaa abidkaa madaxweynihii hore oo qadarintiisa iyo qiimihiisa ku leh ummadda reer Somaliland. Mudane Dahir, weldone and thank you.

Ummdadda reer Somaliland waxaan leeyahay waad wada guuleysateen dhammaantiin iintii dooratay Siilaanyo, Dahir iyo Faysalba. Sidaas darteed waa inaad ku dedaashiin wada-jirkiina iyo walaaltinimada. Eebe ha inooga dhigo dawladii lagu caano-maalay. Waa inaan dhammaanteen taageernaa xukuumadda cusub ee soo socota oon u rajaynayo guul iyo caddaalad inay inagu hagaan.

Eebbe tubta toosan ha ina waafajiyo.

Eng. Ahmed Abdullahi Obsiye
ahmedob@hotmail.com

_______________________________________________________

Taageerayaasha Xisbiga Ee Magaalada Ottawa Ee Dalka Canada Oo Hambalyo U Diray Madaxwaynaha Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Cusub Ee Somaliland

Anigoo ku hadlayaa magaca taageerayaasha xisbiga kulimye ee magalada Ottawa dalka Canada waxan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Eng.Cabdirahaman Cabdillahi Ismaaciil (Saylici) oo ku guuleystay jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka doorashadii 26kii June/2010.
 
Mar labaad waxan hambalyo u dirayaa dhammaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee guusha soo hooyay meel ay joogaanba.
 
Mar Seddexaad waxan hambalyo u dirayaa dhammaan ummadda reer Somaliland ee guushu u soo hoyatay, waxanan leeyahay “Kulmiyaa helayee Kadabaa dhaha ee”
Guul barwaaqo.

Allaa Mahad leh,

Eng. Mohamed Abdillahi Nur
Ottawa, Canada
almis302002@yahoo.ca

_______________________________________________________

Ururka Ardayda Somaliland Ee Bangladesh Waxay Hambalyo Iyo Duco U Dirayaan Madaxweynaha Cusub Iyo Ku Xigeenkiisa

Asalamu Calaykum Waraxmatullah.

ssab.jpgAnigoo ku hadlaya Magaca Urur ardayda Somaliland ee Bangladesh (Somaliland Student Association in Bangaldesh,SSAB), Waxaan halkan hambalyo, bogaadin iyo Amaan halkan uga soo diraynaa Madaxweynaha Cusub Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo kuxigeenkiisa Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Zeylici).

Waxaan Allah uga baryaynayaa inuu u fududeeyo Xilkaasi Culus ee loo igmaday.

Waxa sidoo kale aan halkan Amaan iyo Mahadnaq uga jeedinaynaa Labadii Musharax ee kale Madaxweynihii hore Daahir Rayaale iyo Gudoomiyaha UCID , Eng Faysal Cali Waraabe oo runtii si geesiniimo leh u aqbalay natiijadii Doorashada ee gudida Doorashadu soo saartay.

Allah Somaliland Ha garabgallo.

Abdirisaq Yusuf Cadaani
Chairman of SSAB(Somaliland Student Association In Bangladesh)
Dhaka,Bangladesh
cadaani05@hotmail.com

_____________________________________________________

Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Dalka Holland Oo Hambalyo U Diray Madaxwaynaha Iyo M/Kuxigeenka Cusub Ee Somaliland
 
Gudoomiyaha guud ee jaaliyaada somaliland ee HOLLAND, AXMED CABDI XUDHUUN oo waliba xubin ka ah xisbiga Kulmiye iyo dhamaan gudida fulinta jaaliyada ayaa waxay hanbalyo iyo bogaadin aan la soo koobi kareyn hawada u soo marinaya  madaxweynaha cusub iyo m/ku xigeenka cusub ee jamhuuriya Somaliland  AXMED MAXAMED MAXAMUUD (Silaanyo) Iyo Eng.CABDIRAXMAN C/LAAHI ISMACIIL (Saylici).

Haddaba waxaan leenahay  noqda kiwii lugu nasto barwaaqo oo nabadgalyo iyo xasilooni ku hogaamiya maddanka Soomaaliland insha allah.
 
Dadka hoose ku qoran waa dadka diraya hanbalyada:-

1. Axmed Cabdi Xudhuun
2. Muuse Xasan Migil
3. Haybe Ciise Dhameeye
4. Xusseen Maxamed Hudoon
5 Xasan Giire
6 Axmed Xasan
7.Amina Muuse Ciyeh
8 Yusur Cabdu Bulaale
9.Jamila Hulac
10.Maxamed-Khadar Axmed Cabdi
11. Mahad Muuse Xasan
12) Ramadan Ahmed
13) Samatar Axmed Xaaji
14) Saynab Axmed Xaaji
15) Khadra Dayib Xussen
16) Fadumo Maxamuud Aadan. 

Waxaan leenahay dhammaan dadweynaha reer Somaliland KUWADA CIID CAAFIMAAD

A Abdi
magan52@hotmail.com

______________________________________________________

Jaaliyada Reer Somaliland Ee France Oo Halbalyo U Diray Madaxwaynaha Iyo M/Ku Xigeenka Cusub Ee Somaliland

Hambalyo ku wajahan Madaxweyna M. Ahmed Mohamed Mahamoud iyo ku xigenkiisa Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo ku gulaystey dorashadi  dacday 26 juin 2010 ee madaxtooyada Jamhurida Somaliland.

Maanta oo ay taariikdu tahay 01/07/2010, waxa lagu dhawaqay naatijadi ka so baxday codbixinta madaxtooyada Somaliland oo si habsami ah uga dhacday dhammaan lixda gobbol ee dalka Jamahurida Somaliland.

Natijadan ka so baxday codbixinti waxay mujisay sidi ay shacabka jamhuriyad somaliland ay  raabeen, waxaynaa gushi ku raacday xusbiga KULMIYE ee hormoodka kayahay Mudane Ahmed Mohamed Mahamoud.

Aniga ku hadla magacayga, ka gudiga fulinta ee Jaaliyada Somaliland ee France iyo dhaman shacabka somaliland ee dagaan dalkan Fransiska, waxan hambalyo u dirayna Mudane Ahmed Mohamed Mahamoud iyo Mudane  Abdourahman Abdillahi Ismaël (Zaylici) oo ku kala gulaystay Madaweyene iyo wadaxweyne ku xigeen ee Jamhuriya Somaliland.

Sidoo ka le waxanu hambalyaynayna shicibka Somaliland sidi mas’uuliyada lahayd ee ay uga qayb qaateen doorashada madaxtooyada Somaliland oo si fiican u dhacday.

Guddiga doorashooyinka cidan nabadgalyada, culamadin ka, waxgardaka, saladinta, dhalinyarada, hawenka, Ciidamada iyo cid kasto ka qaybqadatay hawshi qarameed waxan u dirayna Hambalyo kal iyo lab ah sidi sharaf ta lahay ee ay uga qaaygaleen.

Waxaan kaloo an hambamlyaynayna, musharaxinti kale ee sida sharafta lee u ayid natijadi dorashada ee Somaliland.

Ugu dambeyn waxanu Ilahay uga baryayna in Madaxweyna iyo ku xigenkisa in u ufududeeyo hawshan qaran ee lo xil saray oo runti mid culus ah sidi lo gudan laha,  waxa se mudane firo gaar ah ee aqoonta iyo waayo aragnimada Mudane Ahmed Mohamed Mahamoud  u leeyahay ka sari karta mowjadaha siyaasada ee geeska una horseedi karo aqoonsiga aynu muddada dheer baadi goobka ugu jirney.

SomaliLand ha noolato.

Gudiga Fulinta ee Jaaliyada Somaliland ee France
Abdourahman YASSIN
aby064@gmail.com

_________________________________________________

Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Dalka Yemen Oo Hambalyo U Diray Madaxweyne Ahmed Sillaanyo Iyo Ku Xigeenkiisa Abdirahman Zeiylici

Anaga Oo Ah Jaaliyada Reer Somaliland Ee Degan Dalka Yemen Waxaan U Diraynaa Hambalyo  Madaxweyne Ahmed Sillaanyo Iyo Ku Xigeenkiisa Abdirahman Zeiylici

Dhamaan Jaaliyada Somaliland ee degan dalka Yemen gaar ahaan Jaaliyada reer Awdal ee degan Sana’a waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Madaxweyne Ahmed Sillaanyo iyo ku xigeenkiisa Abdirahman Zeiylici.oo ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee Somaliland waxaan illaahay uga baryeynaa in uu ilaahay u fududeeyo xilka ay u qabteen dadkooda iyo dalkooda waxaana la garabtaaganahay hiil iyo hooba hadii aanahay Jaaliyada reer Awdal ee degan Sanca Yemen.
 
Dhamaan shacbiga Somalilandna waxaan u rajaynaynaa guul iyo gobanimo iyo walaatinimo in lagusoo dhaweeyo madaxda cusub ee ku guulaystay loolanka doorashada 26/Jun/2010.
 
Mahammed Abdirahman Sharif
Guallab@Gmail.Com

________________________________________________________

Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ee G/Awdal Oo Hambalyo U Diray Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Md.Axmed Siilaanyo Iyo Ku Xigeenkiisa Eng.C/Raxmaan Saylici

Anaga oo ku hadlayna magaca dhalinyarada taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Awdal Waxaan halkan hanbalyo iyo bogaadin aan lasoo koobi karayn ugu diraynaa Madaxweynaha Cusub ee Somaliland President Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Iyo M/kuxigeenka Eng: C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ( Saylici), oo ku guulaystay Tartankii doorashada ee sabtidii dhawaa ka dhacay dalka Jamhuuriyada Somaliland 2010,waxaanan leenahay marlabaad Noqda kuwii wadanka u horseeda Bash bash iyo barwaaqo iyo Ictiraaf kuna shaqeeya Cadaalad iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Aamiin Aamiin Amiin.
 
 Magacyada diraya tahniyada:-

1-     Xasan Saleebaan Axmed ( Xasan Internet)
2-     C/raxmaan Muuse Axmed (Itoobiya).
3-     Faadumo Ismaaciil Cismaan
4-     Nuuradiin C/rashiid Axmed
5-     Hodan Cabdi Cumar
6-     Xaawa Cabdi Cumar
7-     C/laahi Saleebaan Axmed
8-     C/casiis Maxamed Cilmi
9-     Cumar Xasan Xuseen
10-Ibraahim Sh Cumar Waabari
11-Fadxiya Saleebaan Axmed
12-Asma Ibraahim Xaddi
13-Yuusuf Cabdi Cali (indho qurux).
14-Cali Faarax
15-Guuleed C/rashiid Axmed
16-Sharmaarke C/rashiid Axmed
17-Amiin C/rashiid Axmed Guuleed
18-Ismaaciil C/rashiid Axmed
19-Nuuradiin C/rashiid Axmed
20-Idil C/rashiid Axmed Guuleed
21-Kamaal C/rashiid Axmed Guuleed
 
Waxaan mar kale u rajaynaynaa oo aan ilaahay uga baryaynaa inuu u dhib yareeyo Xilkaasi ay qaadeen kana dhigo kuwii u hor seeda wadanka Icriraaf ,Horumar iyo Nabadgalyo .

Hassan Saleiman Ahmed (Hasan-Internet)
hasan_internet@hotmail.com

_____________________________________________________

Hambaliyo Ku Socota Madaxweynah Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka La Doortay Md Cabdiraxman Cabdillahi Ismaciil Saylici

Hamabaliyo Hambaliyo Hambaliyo

Waxaan halkan ka hambalyaynayaa Madaxweynaha iyo madaweyne ku xigeenka cusub ee loo doortay Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo Md Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Saylici),   Waxaa iyaguna sharaf iyo qadarin aan la soo koobi karin mudan dhamaan aadna aan u hambalyaynayaa shacabka reer Somaliland igaar ahaan taageerayaashii xisbiga KULMIYE iyo guud ahaan taageerayaashii kale ee doorashada ka qayb qaatay gutayna waajibkoodii muwaadinnimo.

Waxaynu qaadanay nidaamka dimuqraadiga ah ee muwaadinku waxna dooran karo isna la dooran karo., Inkasta oo shacabka Somaliland ay si nabad galyo leh u kala taageerayeen sedexda xisbi qaran una kala codeyeen xisbiyada hadana waxaa hubaal ah in  intaba mid ka wayni jirto,  ahna qaranimadeena iyo dawladnimadeenna oo la wada ilaashado, gacmahana dib la isu qabsado oo  la isugu soo noqdo walaaltinimadii . Shacabka Somaliland waxay maanta muujiyeen dimuqraadiyad aan hore looga baran dawladaha sedexaad gaar ahaan qaaradda africa oo madaweyne kastaaba xukunka xejisto illa uu ku dul dhimanayo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin sidii u ku sheegay war saxaafadedkisa wuxuu noqon doona madaxweyne taariikhda Africa meel wanaagsan ka gala laguna xasuusta raadkaaiyo dhaxalkaa fiican  dimuqraadiyadda dalka uu uga tagayo.

Insha ALLAAHU guushaa doorashada ee sida nabadgalyada ah inoogu dhamaatay waxaa inoogu xigi doona Ictiraafkii dibloomasiyadeed oo hubaal aynu ku kasban doono guusha iyo degannaanshaha ka muuqda dalkeena.

Somaliland Ha Noolato

Maxamud Caydiid Lafcanbe
Toronto, Canada
lafcanbe@yahoo.ca