Hargeysa-(Lug)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye ayaa ka waramay qaab dhismeedka dawlada cusub ee la doortay yeelan doonto, isagoo sheegay in guddidoodii madaxweyne Axmed Siilaanyo u xilsaaray kasoo talo bixinta qaabka dawladu yeelanayso, ayaa sheegay inay ku soo talo bixiyeen, in wasaaradihii lagu soo koobay 15 wasaaradood oo la isku celceliyey.
Gudoomiyaha gudidaasi Md.Muuse Biixi Cabdi, waxa uu intaas ku daray, in guddidaasi madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyeen in la abuuro guddiyo ay ka mid yihiin ka hor taga musuqmaasuqa, aafeeyay wadamo badan oo Africa ah, guddida Media-ha iyo isgaadhsiinta iyo guddida tacliinta sare. Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga KULMIYE ,Muuse Biixi Cabdi, Isla markaana ahaa gudoomiyaha guddida ka soo talo bixinta qaabka dawlada yeelanayso waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay u waramayay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga isaga oo jooga Hargeysa.
Ugu horayna isaga oo ka waramaya talo bixintii ay guddidoodu ku soo taliyeen ee u gudbiyeen Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa hadalkiisa ka mid ahaa uu yidhi
“Dawladii tan ka horaysay wasaarad kasta waxa ay lahayd wasiir ku xigeen iyo wasiiru dawle, oo lixdan ku dhawaad ama in lixdan ka badan oo wasiir, wasiir ku xigeen iyo wasiiru dawle ah dalkeena yar, markii guddidu aad u baadhay caalamka aynu la duruufta nahay iyo siday horumareen la soo darsay waxaanu ku soo ururinay inay wasaardahu noqdaan shan iyo toban (15) wasaaaradood oo la isku celceliyo, waxa aanu ku daray oo kale saddex guddi oo kale ama komishan, komishanadaa aanu soo kordhinay waxa ka mid ah komishanka tacliinta sare oo waa tan jaamacadaha badan ee tacliinta sare koraysa, wasaaradii bay ka xoog weyn yahay kolkaa in ay yeeshaan komishan hawlahaa jaamacadaha isku duwa oo isagu agaasima, guddi la dagaalanka musuqa dalalka soo koraya ee Africa waxa aafeeyay musuq inaguna waynu u sii daranahay, markaa guddi musuqa ka hor tagta oo hantida ummada ilaalisa oo ninka xilka haya ilaalisa isaga oo danta ummada ilaalisana waanu soo jeedinay. Waxa kale oo aanu soo jeedinay, komishan Isgaadhsiinta iyo Media-ha waa kan uu badatay laantii ganacsiga isgaadhsiinta tilifoonada badan ee shirkadaha, warbaahintii oo jaraa’id badan, TV-yo badan baacamushtari oo madaxbanaani inay soo baxaan baa laga yaabaa, markaa waxaynu u baanahay komishan kuwaana isku hagaajiya xeerarkooda, liisanadooda komishankaasna waanu samaynay iyo diiwaanka Sakada, oo maadaama halka dhaqaalaheenu ku jira ay tahay in Sakadii meel la iskugu geeyo oo faqriga wax laga qabto”
Intaa ka dib Su’aalihii gudoomiyaha guddida la weydiiyay iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan :-
S: waxaad sheegteen inaad 11 wasaaradood cirka u tuurteen, oo 15 wasaardood ha ka koobnaato ayaad tidhaahdeen xukuumadiina aan haatan wali madaxweynuhu ku dhawaaqin laakiin talada idin weydiiyay, bal sidaad isugu celceliseen bal noo sheeg maadaama aad tahay guddimiyihii guddida talo bixinta ee ka koobnayd 13-ka xubnood?
J: Horta waxaanu ka duulay fikrada ah maamuladii soo jiri jiray waxaynu ku soo aragnay waayo aragnimada in la naaxiyo (Political post.) Jagooyinka Siyaasiga ah wasiirada, wasiir ku xigeenka oo taag-daraato hawshii dadkii farsamo yaqaanada ahaa ee Civil Service ay yaraato markaa anagu waxaanu xoojinay Civil Service-ka ee Farsamo, waxaanu yaraynay jagooyinkii siyaasada markaa wasaaradaha ayaanu isku celcelinay, ta kale waxaanu abuuray wasaarada Shaqada iyo Arrimaha bulshada, waxa kale oo aanu soo jeedinay Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Hiddaha iyo dhaqanka, waxaanu is raacinay Qorshayntii waxa la geeyey Maaliyadda waxa aanu maddax Banaynay oo aanu nidhi iskeed hawsha ha u fuliso Wasaaraddii Caafimaadka oo ah wasaarad Balaadhan, waxaanu isku geynay wasaaraddii Beeraha iyo tii Badda oo labaduba Cuntuun-bay ka shaqeeyaan, waxa la israaciyey Wasaaraddii Xanaanada Xoolaha, Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga oo isku hawl iskugu dhaw, sidaasaanu iskugu eegnay wasaaraduhu hawshaasi ha wada qabtaan, waxaanu isku Geynay Wasaaraddi Boosaha iyo wasaaradii Warfaafinta waayo labaduba isgaadhsiin ayay ka shaqeeyaan oo waa Communicational labaduba.
S: Laakiin waydigan Komishanka gaarka ah u sameeyey Warbaahintii iyo Isgaadhsiintii markaa maxay qabanaysaa wasaaradii warfaafinta iyo Isgaadhsiintu?
J: Wasaaradu siyaasada guud ee dalka ayay hagaysaa Komishanku waxa uu fulayaa Regulatory Body weeyi maamulkood ilayn way madaxbanaan yihiine ilayn dawladdii maahee waxa jooga Radio-gii dalwadda, waxa imanaya radio madaxbanaan waxa jira telefonkii oo madaxbanaan, waxa iman kara Tv-kale, Jariirad dawladdu leedahay, markaa waxa la rabaa hay’add u dhaxaysa oo dadkaa si dhexe u maamusha oo akhlaagdooda kantaroosha oo liisanka ka xumaadda ka qaada, taasi taas ayay maamulaysaa, wasaaradu waxa ay isku xidhaysaa hawshaa guud iyo tii qaranka ee siyaasadda ahayd.
S: Waxa jira oo aad sheegtay diiwaanka Sakada ah, distoorkeenu waxa uu qorayaa guddi culimada ah inkasta oo la hirgelin, Maxaa taas u ilawdeen?
J: Maanaan ilaawin 7 doba guddi oo distoorku qorayo waxa aanu soo jeedinay in todobadiiba la hawlgaliyo guddida culimadu waa distoori way ku jirtaa soo jeedinta in la hawlgaliyo, todobadaasi waa distoori saddexna Baarlamaankaa Past gareeyey saddexna digreeto madaxweyne ayay ku shaqeeyaan saddex iyo tobankaasi hore ayay u jireen oo waa shaqeeyaan anana afartan ayaanu ku soo darnay.
S: Waad ogtohoo dadkeena 15 wasaaradood way ku yaryihiin markaad eegto xagii beelaha, Beel waliba way cararaysaa inay ka dhex muuqato ayay doonaysaa idinkuna waydinkan leh boosaskii siyaasada ayaanu daciifinay, laakiin kii shaqaalaha iyo Civil Serves iyo xirfada ayaanu xooga saarnay, sidaad uga dabaalaynaa adiga laf ahaantaadu ilayn guddoomiye ku xigeenkii xisbiga ee illayn talada la wareegayey ayaa tahay, miyaanay halkaasi culays idinkaga imanayn dhiniciina Beel Waliba marka ay iska waayaan?
J: Codkii Badnaa ee Kulmiye shacabku siiyey balanqaadyadii ay codkaa ku bixiyeen oo aanu ku balan qaadnay, fariintii ay na farayeen ee ay nagu raaceen codkana nagu siiyeen waxa ka mid ahaa in la sameeyo dawlad kooban oo tayo leh balantii shacbigu nagu doorteen ee ay codkooda noogu dhiibeen ayuunbaanu fulinaynaa.
S: 15 xubood ayaad ahaydeen inkasta oo 2 xubnood oo labada guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanku ka cudur daarteen, markii dambe saddex iyo toban xubnood ayaad ahaydeen rag caan ahi ku jiraanoo Boosas soo qabtay, Wasiiro soo qabtayo laga yaabo inuu Hunguri ku jiro 13-kiinani miyaad ka mid noqonaysaan golaha Wasiirada ee Kooban.
J: Dee arintaasi ma taalo, Qofku wuxuu doonayo isagay u taalaa, laakiin waxa aan kuu cadaynayaa guddidaasi inay u shaqeeyeen si waayeel nimo ah oo aqoonyahanimo ah oo ay Baadhid badan sameeyeen oo ay xil iska saareen danta guud iyo himilada fog ee dalka, waxa marnaba aan laga dareemayn dadkaasi dad aragti gaaban oo boos yar oo ay doonayaan iyo waxaas qofnaba, waayo haddii ay taa doonayaan guddidu mabay shaqayseen oo waa ay iska hor iman lahayd, laakiin waxaan kuu sheegayaa guddidaasi waxa ay ka mid ahayd guddiyaashii hirgalay ee sida wadaniyada ah u shaqeeyey waliba anigu waxa aan u mahad naqayaa guddida oo aan anigu waayo aragnimo korodhsaday, aadna waan ugu mahadnaqayaa guddidaasi aan la shaqeeyey.
S: Kulmiye waa Baarqabyo, Kulmiye rag badan baa ku jira oo xilal soo qabtay, tacliin leh, Jabhadii ahaa nin waliba xilbuu doonayoo waxa uu u tagay xil, maxaad odhanysaan inaydaan kala dildilaacin oo imikaba waad arkaysaan Jaraa’idka iyo xantiinaba waad ogtihiine 15-kan wasaaradodona idinku filaan maayaan?
J: Marka hore Kulmiye waa wada Baarqabo way kaa qaldantahay haddii aad Geeljire tahay Geela Baarqab qudha baa ku jira, Madaxweyne qudha ayay doorteen hogaan qudha ayay leeyihiin cid is-garab yaaci karta iyo cid maanta wada baarqab ahi ma jirtee hal oday uun-baa jira amarkiisana waa loo wada hogaansamayaa, waayo aragnimadiisa, Da’diisa waa sidii lagu doortay, markaa Kulmiye is garab yaaci karaa ma jiro. Ta kale in kulmiye wada baarqab noqodo oo dadku state aad u muuqda wada yihiin waa u faan oo waa wixii ay dadku ku doorteen, markaa caqliyadooda iyo baarqab nimadoodu waxa ay u muuqanaysaa oo ay noqonaysaa mid ay isku geeyaan oo ay dalka ku hogaamiyaan oo ay wax ugu taraan, noqon mayso mid ay dantooda gaarka ah iskaga hor yimaadaan, haddii baarqabada kulmiye yihiin kuwo dantooda gaarka ah ku eeg Baarqabo maahee waa doqomo markaa, markaa danta guud ayay ugu shaqaynayaan kartidooda iyo Aqoontooda.
Haatuf


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " “Inuu Kulmiye Wada Baarqab Noqdo Oo Dad Aad U Muuqda Wada Yihiin Waa U Faan Oo Waa Wixii Ay Dadku Ku Doorteen, Maanta Hal Oday Uun Baa Jira” Muuse Biixi Cabdi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback