Dr. Cabdilahi Xaashi Abib, MA, MASc and Ph.D.
VIRGINIA USA
dheemaal@yahoo.com
Marka hore hambalyo guusha doorashada Madax-Weyne La doortey iyo Marwada Kowaad iga gudooma.  Sidaan balanta aan kuu gaaley 2005 in haddii aad doorashada ku guuleysato in aan kugu caawiyo wax aliyo wixii karaankey ah
 baan halkani kuugu sheegayaa in aan mar walba diyaar kugu ahay.  Mudane Madax Weyne dhinacaagana waxaan ka sugayaa balantii aad shacabka u gashey inaad ka soo baxdo.

Mudane Madax Weyne manta waxaad haysataa fursad qaali ah oo aad SHACABKA ku geeyso Dayaxa sobobtoo ah waxaad tahay nin aqoon leh khibrad maamulna ku soo jirey siyaasina ahaa mudo ka daban 20 sanno. Soomalidu waxay tidhaa FAR KALIYI FOOL MA DHAQDO markaasi waxaad u baahan tahay oo hada ku garab joogaa dadkii ugu aqoonta badan kana soo shaqeeyey wadanka gudihiisa iyo dibadiisa. Markaasi dadkaasi ka soo xulo una magacow jagooyinkaa adigoon u eegin reer. Hadii runta la isku sheego reero badan baa xanaaqi doono oo raadinaya jagooyin iney ka helaan laakin ha iloobin in reerkasta oo wadanka ku nooli codkoogi ku siiyeen adiga oo aaney eegin reerka aad ka soo jeedo balse ay kugu siiyeen kartidaada.  Reer xafiis kuu maamuli mayaan lakiin qof aqoon leh ayaa xafiis kuu maamuli kara.

Mudane Madax Weyne sidaa madaxda kula shaqeen doonta hogaan TOOSAN ugu noqoto oo ay kugu daydaan oo WAA CUSUB dalka ka biloowdo waxaa qurux badan si shacabku kuugu kalsanoodaan in aad daabacdo waxaad MAAL leedahay inta aan lagu DHAARIN si loo ogaado maalinta aad kursiga ka degto in aadan ku tagri falin XOOLIHII dalka. Waxaad ku qasabtaa qof aliyo qofkii jago wadanka sare ka qabanayaa inuu Cadeeyo iyadoo qoraal ah waxa uu MAAL leeyahay. Qofkii shurudaa ka soo bixi waayo maaha in jago loo magacaabo.

Mudane Madax Weyne waxa lagaa doonayaa inaad dhisto Jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo iyo jibka isku xidha gebiley iyo Djibouti.  Waxaa lagaa sugayaa inaad dekada Berbera iyo Saylac aad dib u hagaajiso. Waxaa lagaa sugayaa Gobol Sanaag iyo Awdal iney helaan dekad ay wax ka soo dejistaan taasi waxay keeneysaa iney shaqo abuurto sicirka dekadaha laga qaado uu jabo taasina waxay u faa’ideyn shacabka oo heli doonaa raashin amba dhar jaban. Ha igu odhan Mudane Madax Weyne halkaan waxaas oo lacag ah ka keenayaa.  Lacagta looga bahaan yahay in hawshan lagu qabto maalin welba jeebadaha ayaa lagu shubtaa amba jeebad weynaha Nairobi jooga ayaa buuxsada hambada soo hadhana waxa lagu cunaa Hargeysa.  Halkee lagu arkay hayadaha waaweyn ee lacagta badan la soo siiyo ee diidaya in ay shaaca ka qaadan lacagta la soo siiyey.  Sobobta ay wax u qarsadaan waxay ka socotaa dawlad BILAA ILKO ah oo la xisaabtamta ma jirto markaasi.  Cid aliyo cidii lacag la soo siiyey waxay gudbisaa Proposal markaa lacagtu haka timaado USA, CANADA, EU amba Japan.  Waxa lacagta intey tahay la diiwaan galiyaa baarlamanka wadankaa oo raba inuu ogaado lacagtu meesha ay martey. Markaasi maxaa dawladeena u diidey iney hayada weydiiyaan ORIGINAL Proposal aay codsiga ku dhiibateen keena, markey keenaan maxaa inoo diidey in aan ka hubino hayada lacagta soo siisey in ay codsi intaa la eeg soo weydiisteen.  Waxaan hubaa in ay dib dambe lacag u xadi doonan. Tusaale, World Bank wuxuu lacag dhan US$100 Million siiyey University of Indiana ee USAku taal si ay Virtual University uga Furto Amoud University, Hargiesa University, laba jamaacadood oo Puntland ku yaal iyo laba Jaamacadood oo ku yaal Xamar.  Mudane Madax Weyne bal weydii meesha ay lacagtii martey.

Mudane Madax Weyne manta waxaa la joogaa qarni casriya markaasi waxa mudan in aad taariikh ka tagto oo aan noqoto Madax Weynihii ugu horeeyey ee Wadan keena E-GOV. Waxa kaliya oo ay uu bahan tahay wareegto aad ugu sheegeyso in wasaarad iyo hayada kasta oo dawliya ay sameysato E-GOV webstite si shacabku uga helo wixii war ah ay ka doonayaa xafiiskaa. In qofkii rabaa inuu shirkad furto ka xareysan karo Website xafiiska. In cashuurta lagu bixin karo si looga maarmo diilaalkii jiri jirey iyo Wasiirkii Shaabada gurigiisa u qaadan jirey.

Mudane Madax Weyne waxaa lagaa rabaa in aad Wasaarada Waxbarashada ku amarto iney dugsi kasta u sameeyaan Computer Lab.  Waxay odhan doonaa lacag ma haysano waana runtood laakin sidaad lacag ku heli hadii aadan diyaarsan miisaniyada ku baxaysa. Markay diyaarsadaan miisaanyada ku baxaysa sida loo helo miisanayadaasi dhib ma leh ee diyaar ma u yihiin in arrintaasi lagau daro waxbarashada ardeyda.  Wasaarada waxbarashadu diyaar ma utahay in ay Standard wadanka wax lagu dhigaya dejiyaan oo dugsigii aan ku guuleysan inuu shuruudahaa ka soo baxo albaabyada loo xidho. Wasaarada waxbarashadu waa in ay wax ka qabataa macalimiinta aan shahaado Dugsi Sare haysan ee dugsiyada ka dhigta.

Mudane Madax Weyne maa xiligii albaabyada loo xidhi lahaa Cusbitaalada ay Dhakhaatiir aan Shahaado Dhakhtarnimo ah wax ka daween lahaayeen. Dhakhtar ku sheegan waxay dileen aan tiro laheen waana xiligii wasaarada caafimaadku ay hubin lahayd dhakhtar kasta shahaadada uu wataa in dhab tahay oo ay u diidi lahay warqada ogalaanshaha inuu dhakhtar noqdo. Aduunkoo idil bay ka jirtaa maxaa inaga inuu diidey. Waa waqtii dadka aan aqoonta u lahyn farmasiiga shaqada laga joojin lahaa si shicibka loo badbaadiyo. Waa in la furaa hayada ilaalisa dawooyinka wadanka la soo gasho. Dad badan baa u dhintey sobob dawo dhacdey amba khalad ah.

Mudane Madax Weyne waxa la gaadhey waqtigii dhalintan bilaa shaqo ah la shaqaaleysin lahaa oo laga hortigi lahaa tahriibka.  Waxaa loo baahan yahay in dawlado maal galiso mashruucyada did u dhiska wadan ha noqoto jidad, dekada, dayac tirka xafiisyada dawlada, iwm. Dhalinta si ayna gobolka ay ka dhasheen uga tegin waxaa loo bahanyahay in gobol kasta laga furo machadka tabarka dhalinyarada kaasoo bari doonaa xirfahada wadanka looga baahan yahay.

Mudane Madax Weyne waxa la gaadhey waqtigii Dawladu ay wadanka maal galin laheed sida iney dib loo daadiyo FIBER OPTIC lines Telecommunication oo la daadiyo min Saylac ilaa Las Anod.  Waxay abuuri shaqo badan, waxay jabin sicirka telephone wadankana waxay u keeni internet casri ah oo shacabka wadanka ku xirta aduunka. Su’aasha meesha taal waxay tahay waa la sameen karaayaa Mudane Madax Weyne diyaar ma u tahay in aad SHACBKA DAYAXA GEESO.

Mudane Madax Weyne waxa la gaadhey waqtigii Dawladu ay siin laheed mudnaan oday dhaqameedku ka leeyahay wadanka iyadoo loogu abaal gudayo in loo qoro MUSHAR joogto si ay uga xoroobaan baryada iyo shaxaadka ay ku hayaan Maamulayaasha Dawlada. Arrintani waxay siinaysaa Oday Dhaqameedka sharaf iyo inay ka madax banaanaad iibsashada siiyaasiyiintu iibsato si ay u fuliyaan dhanahooga gaarka.

Mudane Madax Weyne waxa la gaadhey waqtigii Dawladu ay Dastuurka bedeli laheed si dastuurku ugu ogalaado dadka tayada iyo aqoonta leh si ay wadanka ugu soo noqdaan oo ay doorashada Madax Weynaha iskugu sharaxi karaan. Tani waxay keeni in dad badan wadanka ku soo noqdaan oo ay aqoontoo wadanku u baahan yahay dalka ka faa’ideysto.  Arrintani waxay ka mid tahay balamahii aad sida gaarka ah aad shacabka ugu balan qaadey.

Mudane Madax Weyne waxa la gaadhey waqtigii Dawladu danyarta, xoolo dhaqata, beeralayda, iwm ee u baahan waxoogaa lacag ah oo ay maheradooda ku sameyntaan Banku uu siin lahaa. Taasina waxay surtogal noqon kartaa marka aad furto Banka Horumarinta si ay daymo yar yar u siiyaan dadka dan yarta.

Mudane Madax Weyne waxa la gaadhey waqtigii Dawladu ay dib u hagaajin laheed Banka Dhexe kuna soo xidhi laheed Bananka aduunka si dadka ganacsatadu ay ugu dhib yaraato iney ay banaanka wax ka keensadaan iyagoo furan karo LC oo LC la aqoonsan yahay.

Waxaan kuu rajeynayaa in aad Hawsha weyn ilaah kuu dhib yareeyo oo aad ku guuleysato. Midna waan kugu waanin in kastoo aad iga weyn tahay – Mudane Riyaale waxaa kaa mudan yahay inaad adiga iyo Dawlada aad soo dhiseysaa aad siisaan mudnaan Madax Weyne. Hadii aadse ixtiraami weydaan waxa idinkana idinku dhici tii ku dhacdey Madax Weynihii bedeley Kanis Ka’unda ii Zambia.  Markuu mudnaan siin waayey Madax Weyne Ka’unda insna markuu kursiga ka degay waxay noqotey in Madax Weynihii bedelay NIGISYADIISII oo idil la XARAASHO. Waxaan kalsami weyn ku qabaa inaad Mudnaan siin doontaan.

Waxaan Ilaah kaaga baryayaa inuu Hawshaa weyn kuu dhibyareeyo kuna guuleysato.