Anigu shaqsi ahaan waxba ugamaan iibsan, Rayaalena kama iibsan ee ninkaasi wuxuu Xisbiga ku leeyahay lacag dhan..” Xoghayaha guud ee UDUB.
“Waana dayn aanu diyaar u nahay inaanu bixino, waxaananu Lacagtaas bixinaynaa..”
“Sideed u aragtaa in M/weyne Rayaale raalligelin ka bixiyay hadalkaad ku sheegtay in Doorashadii lagu shubtay?
“Waxaanu isleenahay xoogag badan oo gudaha iyo dibeddaba ah oo iska kaashaday (In UDUB laga guulaysto)”
“Waxaana bilaaban doonta in xisbiga UDUB ee aan xogahaya guud ka ahay uu madasha mucaaradka uu gali doono. Laakiin…”
Hargeysa-(Lug)-Xogyahaha guud ee Xisbiga talada ka sii degaya ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa ka hadlay dacwad ka dhan ah Xisbigooda oo muwaadin dalka u dhashay oo u sheeganaya lacag badan u gudbiyay Maxkamadda, isla markaana wuxuu cabbiray aragtidiisa la xidhiidha raalligelin uu Madaxweyne Rayaale ka bixiyay hadal uu hore ugu sheegay isagu in Doorashada lagu shubtay ka hor intii aan natiijada Doorashada lagu dhawaaqin.
Muwaadin u dhashay Somaliland ayaa dacwad ku oogay Xisbiga UDUB, taas oo uu ku sheeganayo Lacag gaadhaysa 35-Kun oo Dollar oo uu sheegay in uu Xisbigaa ku yeeshay intii Ololuhu socday. Sidaa darteed, Xoghayaha guud ee UDUB oo shalay Wargeyska Ogaal u waramay, ayaa ka hadlay xaddiga Lacagta uu Muwaadinku ku leeyahay Xisbigooda, habka ay qaabilayaan, aragtida la xidhiidha in Maxkamad loo gudbiyay dacwad ka dhan ah Xisbiga UDUB, gaar ahaan Xoghaye guud ahaan.
Waraysigan waxa kale oo uu Xogyahaya guud kaga hadlayaa sababta uu u aanaynayo in Xisbigooda loogaga guulaystay Doorashadii dalka ka dhacday 26 June 2010.
Waraysigaas ayaa isaga oo dhammaystiran wuxuu u dhacay sidan;
S: Xoghaye, dalku wuxuu galay Doorasho oo waxa ka dhacay isbedel siyaasadeed, xaaladda dalka ee hadda sideed u aragtaa?
J: Waddanka waxa ka dhacday Doorasho 26 June, 2010, si nabad ah ayaanay u dhacday, sidii ay jeclaayeen shacbiga Somaliland, waana sida ay rajaynayeen wadamada jaarka aynu nahay iyo kuwa caalamka ee fogba inay u dhacdo. Waxaanan filayaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeedu waxay ka kasbadeen Doorashadaa markhaati-fur ay ku muujinayaan sida gaarka ah ee ay ugu qiimaysan tahay dimuqraadiyada, nabadgelyada iyo xoriyad jacaylku. Waxaanan filayaa sawirkii markii horeba laga sii haystay dalkan Somaliland inay sii quwaysay, waana si aad iyo aad u farax gelisay adduunkii oo dhan oo aanu filayno haddaanu shacbiga reer Somaliland guud ahaan nahay iyo xisbiga UDUB gaar ahaan inay keento sumcad wanaagsan oo markhaati u ah in ummadani dalabkii ay dalbatay inay aqoonsi ka hesho caalamka wadada si wanaagsan ugu xaadhaya ayaan filayaa.
S: Xoghaye, Doorashadii dalka ka dhacday waa lagaga guulaystay Xisbigiina, ka hor intii aan la gelin Doorashadana waxaad in badan ku celceliseen in aad kalsooni ku qabtaan in aad guulaysanaysaan, maxaad u malaynaysaa in laydinkaga guulaystay?
J: Horta, meesha waa la tartamay, tartanka kubadda marka la samaynayo Naadi waliba wuxuu ku galaa rajo ah inuu guulaysto oo goolal badan uu dhaliyo ama way u ahaataa sidaa ama way u noqon waydaa. Waxay ila tahay tartan wanaagsan baa dhacay, saddexda dhanna may wada qosli karaynin, halkii guushu ay raacdayna waa lagu tahniyadeeyey. Waxaana iman doonta oo bilaaban doonta in xisbiga UDUB ee aan xogahay guud ka ahay uu madasha mucaaradka uu gali doono. Laakiin anaga mucaaradadayadu waxay noqon doontaa mid wax toosisa oo wax dhista insha alla.
S: Laakiin ma jireen dhaliilo aad isleedahay inuun way ka qayb qaateen inaad guul-darraysataan?
J: Horta shacbiga ayaa isbadelka sameeyey, waxa jirta Xisbigani in badan ayuu talada hayey, kollay markuu Xisbi talada ku raago, waxoogaa yar oo karaahiyo ahi way ku ladhan tahay hawshiisa. Laakiin, anagu waxaanu isleenahay xoogag badan oo gudaha iyo dibeddaba ah oo iska kaashaday ayaa jirta, awood dheeriyana la yimi. Si kastaba ha u dhacdee, anagu waanu hannaynay, waananu ku tahniyadaynay ciddii guushu raacday.
S: Xoghaye guud, waxa jirta oo Warbaahinta qaarkeed baahisay in qof muwaadin ahi dacwad ka dhan ah Xisbigiina u gudbiyay Maxkamadda, taas oo uu ku sheeganayo Lacag badan oo Ololihiinii ku baxday, maxaad ka leedahay arrintaa?
J: Ninkaa ganacsadaha ah, Aadan Jaamac Furre ayaa la yidhaa, anaga oo aan ka codsan oo aan u diran inuu noo soo daabaco ayuu dalka la yimi bucshirad calaamaddii xisbigayagu ku taalo oo koofiyado ah, dhawr guri oo rukun ah oo Hargeysa ku yaala iyo mid Burco ah wuu noo goglay. Wuxuu dalbaday oo uu na waydiistay inaanu ka iibsano bucshiradaa oo aanu suuq u haynin, muwaadin buu ahaa soo kharash garoobay, anaguna anagoo ka turjumayna inaanu u baahan karno qalabkaa ayaanu heshiis la galnay waanu ka iibsanay, waananu kala wareegnay. Qalabkaasi 30 kun (Doollar) iyo dheeraad ayuu ahaa, alaabtana qalabaynta guryuhuna ilaa shan kun iyo dheeraad ayay ahayd, waxaanay noqonaysaa $35,627 (Shan iyo sodoon kun, lix boqol iyo toddoba iyo labaatan Dollar|) ayuu xisbiga ku leeyahay. Anigu shaqsi ahaan waxba ugamaan iibsan ee Xisbiga iyo isaga (Dacwoodaha) ayuu heshiisku dhex maray, si rasmiya oo qoraal ah ayaanu wax ku kala iibsanay oo qiimihii iyo wax waliba ay sugan yihiin, waana dayn aanu diyaar u nahay inaanu bixino, wax mushkilad ah oo ka taaganina ma jirtee Xisbi iyo Ganacsade wax kala iibsaday ayuun baanu nahay. Runtiina anaga oo ay diyaarba ku dhadhaw yihiin lacagta bixinteedii, ayuu darjeexay meel aan loo fadhiyin ayuu ka fad-kudiyey, waxaan isleeyahay malaha cid dacaayad doon ah ayaan daba durdurisay, sidaasina si dantiisa iyo xidhidhka naga dhexeeyey ee wanaagsanaa midna u dan ah maaha, waxaanan leeyahay inankaasi wuu foof habaabay. Haddii cadawgayagu ay taa is-yidhaahdeen ka faa’iidaystana waxay ila tahay ciddidooda ayaa calool ku jabtay, waayo dadku wax wuu kala iibsadaa, kaashna way ku kala iibsadaan, dayna way ku kala qaataan, daynkaasi waa mid aanu qabno waana mid aanu bixinaynay, ayaamaha soo socdana waxaanu diyaar u ahayn inaanu bixino. Waan ka xumahay in inankaa ganacsadaha ahi inuu sidaa u taraaro oo uu waji madeexayn uu arrintii ka sameeyo.
S: Xoghaye, waxa jira warar sheegaya in Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadda inteeda kale ay isku af-garan waayeen kharashaadka ololaha, taasina ay keentay in aad amaahataan ama daynsataan, arrintaa maxaad kaga jawaabaysaa?
J: Horta Rayaale maaha ninka xisbiga u iibiyey alaabta, ninka alaabta iibiyey waa xoghayihii guud xisbiga oo aniga ah, waxaanan ku idhi, baahi uu xisbigu markaa u qabay way ahayd, waxa kale oo meesha ku jirtay in ninkaa muwaadinka qudhiisa aanay wixiisu ka khasaarin oo aanay cidla kaga dhicin, oo aanu si muwaadinimo ah ugu hiililaynaynay..Markaa, xaggayaga dan ayaa lagu qabay in qalabkaa la helo, si aanu ololaha ugu galno, isaguna bucshiraddaa in laga iibsado oo aanay ku fadhiisan, ayuu jeclaysanayey. Waxay ila tahay iyada labada dhanba dan ugu jirto ayaanu heshiis wada galnay, daynkiina waxa weeyaan mid la bixinaayey maalmahan uu waxan galay (Maxkamada,) waana la bixinayaa ayaamaha soo socda.
S: Ma ka xaadiraysaan Maxkamadda loo gudbiyay dacwaddan haddiiba loo baahdo, maxase idinka meel yaal?
J: Waxa jira in isagii (Dacwoodaha) laftiisii dad ku dhadhaw ay nala soo xidhiidheen iyaga ka markhaati ah inaanu inanku waddadii haboonayd aanu marin, waxaanan rajaynayaa dacwadaasi meesha aan ku haboonayn martay in laga soo qaadi doono isaguna lacagtiisii daynka ahayd uu heli doono insha alla.
S: Xoghaye, dadka qaar ayaa aragtiyo ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Adiga iyo Guddoomiyihii Ololaha ee Xisbigiina Cismaan-Hindi oo aad ku sheegteen in lagu shubtay Codadkii, taas oo uu raalligelin ka bixiyay Madaxweyne Rayaale, arrintaa maxaad ka odhanaysaa?
J: Horta shirka jaraa’id aniga iyo ninkaa guddomiyaha ololaha ayaa wadaagnay, wixii anaga markaa ay noola egaydna waanu nidhi, haddaan xusuusanahay Madaxweynuhu wuxuu yidhi haddii ay shirkaa jaraa’id wixii raggaa masuuliyiinta ee xisbigu yidhaahdeen haddii uu qalad ku jiray raaligelin baanu bixinayaa, waa haddii uu qalad ku jiray, anigu waxaan qabaa midhka aanu maalintaa nidhi anigiyo Cismaan inuu ahaa mid waqtigaa isaga ah sawirkii iyo xogihii aanu haynay ka turjumaya ayuu ahaa.
S: Maxaa keenay haddaa inuu raaligelin bixiyo Madaxweynuhu?
J: Haddii buu yidhi Madaxweynuhu uu qalad ku jiray.
S: Haddiiba Xisbigiinii mucaarad noqonayo, ma sii ahaanaysaa xoghayaha xisbiga, mustaqbalkaaga siyaasadeedse maxaad ka odhanaysaa?
J: Anigu xoghayihii guud ee xisbigaan ahay, hawshii iyada ahayd ee masuuliyadda xisbiguna kumay dhamaan doorashadan madaxtooyada, doorashooyin kale oo badan ayaa jira, xisbiguna wuu jira, waa xisbi wayn oo ummada oo dhan ka dhexeeya oo aan reer gooni ugu suntanayn, waxaanan filayaa in aanu rag waa kii kufee haddana kaca, aanu ku dabbaqi doono oo aanu dib u habayn doono oo meelihii uu dhaliil ka leeyahay aanu ka sixi, waananu xoojin doonaa anagoo ku tala galayna doorashooyinkan soo socda inaanu ku guulaysano.
Ogaal


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xogyahaya Guud Ee UDUB Oo Ka Hadlay Dacwad Looga Gudbiyay Maxkamadda "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback