Borama-(Lug)-Engineerada khaaska u ah haayada FAO ayaa maanta galabnimadii cashiro practical ah oo dhaxal gala ku siiyay ardayada kuliyada engineering-ka ee jaamacada Eelo American , engineerada oo dhalasho aahaan kasoo jeeda wadanka Kenya ayaa aad ugu soo ban dhigay ardayda cashiro ay aad ugu bogeen, taas oo wax wayn ka tari doonta aqoontooda engineernimo .
Gooba ay ardaydu ku qaadanayeen cashiradan prcaticalka ah ayaa waxa ay ahayd mashruuca ay haayda FAO ka wado gobalka Awdal meelo ka tirsan khaas ahaan dhismaha kawaanka xoolaha ee magaalada Boorama loo samaynayo iyo biriishka ay hayadu isna ka wado Old Camuud, Halkaa oo ardayda lagu tusay sida loo sameeyay nashqada biriishka iyo agabka la adeegsanayay.
Dhanka kalana waxaa ay engineeradu aad ugu bogeen sida firfircoonida leh ee ay ardaydu su,aalaha ay waydiiyeen uga jawaabayeen, Waxayna aad ugu booriyeen ardayda in ay dadaalka ay hayaan halkaa ka sii wadaan.
Cashirada noocana ayaa iyagu aad ugu mihiimsan ardayda sidan oo kale ah ee kuliyadaha noocana ee engineerika ku jira waxaana nasiiib wanaag u ah ardayda eelo American in ay heleen oo waliba ka heleen engineero ajaaniba cashirada noocan, Waxayna engineeradaasi u balan qaadeen in ay hiil iyo hooba la garab joogaan ardayda jaamacadan casriga ee eelo American.
Ardayda Enginearingka ee Jaamacada Eelo American University ayaa mustaqbalka dhow lagu han wayn yahay in ay badalaan engineerada shisheeye ee wadanka ka hawlgalaya.
Maxamed Nuux Ibraahim
Mohamed Sh.Dahir Yousuf
EAU Faculty of civil engineering


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Engineero Kenyati Ah oo Ka Socday Hayada FAO Oo Maanta Cashiro Paractical Ah Siiyay Ardayda Kuliyada Engineering-ka Ee Jaama-cada Eelo American "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback