Hargeysa-(Lug)- Madaxweynaha cusub la doortay ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo lagaga adkaaday doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishii June ee la soo dhaafay.
Xafladii Xil wareejinta Madaxweynaha afraad ee Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku Xigeenka cusub Eng. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa goob joog ka ahaa Wufuud culus oo ka socday dalalka Jabuuti, Itoobiya, iyo Kenya, waxaana Weftiga Kenya Hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin Maxamuud, Weftiga Itoobiya waxa hoggaaminayay Wasiirka Dalxiiska dawlada Fadaraalka ah ee Itoobiya Md, Maxamuud Dirir, halka Wefftiga dalka Jabuuti oo sadexdii cisho ee u dambeeyay dalka ku sugnaa Hoggaaminayay Wasiirka Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo dhaqanka. Waxa kale oo ka soo qeyb galay Shirgudoonka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, sadexda xisbi qaran, Wasiiradii Xukuumada xilka wareejisay iyo Boqolaal qof oo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada oo lagu soo marti qaaday xaflada dhaarinta iyo xil wareejinta Madaxweynaha cusub iyo Ku Xigeenkiisa.
Ugu horreyn Guddoomiyaha Maxkamada Sare Dastuuriga ah Md, Maxamed Ismaciil Xirsi (Oomane) ayaa Madaxweynaha cusub iyo Ku Xigeenkiisa dhaariyay dhaarta dastuurku waajibiyay. Dhaarta ka dib waxa la gudo galay khudbadihii labada Hoggaamiye ee xilka la kala wareegayay.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo ka hadlay xafladaasi wuxuu yidhi “Maanta waa maalin aad iyo aad qiimo weyn u leh shacbiga Somaliland waa taariikh taabo-gal noqotay oo hirgashay Geedigii aan soo wadnay mudada dheer, waxaan aad iyo aad hambalyo uga gudbinayaa shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaanba.waxa kale oo aan Hambalyo u jeedinayaa Wufuuda ka socota dalalka aan walaalaha nahay Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Ee xafladan taariikhiga ah nagala soo qeyb gashay, waxa kale oo aan halkan ku soo dhawaynayaa Walaalkay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday ee aanu tartamaynay waxaan ugu wareejinayaa si niyadsami ah oo isku kalsooni leh oo farxad leh. Waxaanan balan qaadayaa sideed sanadood ayaan xilka soo hayay sanad ku meel gaadh ah iyo todoba sanadood oo kale. Waxaan garan karayaa culayska uu xilkani leeyahay iyo dhibaatada hoos taalla Madaxweynaha hawsha igala wareegaya Anigaa xog ogaal u ah. Waxaan halkan leeyahay Anigu waan is daba taagayaa gacana waan ku siinayaa shacbiga reer Somaliland waxaan leeyahay xilkiisa Madaxweynaha haddii aynu la garab qabano wuu ka soo baxayaa haddii kale wuxuu qabtaaba way iska yaraanayaa aan u midowno inaan is daba taagno. Waxaan leeyahay tartankii asxaabu wuu dhammaaday oo guul ayuu ku dhammaaday wax ka hadhay ma jiro inaan maanta dalkeena u wada shaqayno ayaynu u wada taagan nahay oo aynu meel uga soo wada jeedsano oo aynu taabo gelino qaranimadeena curdinka ah ee ilaahay mahadii aan mudada dheer soo wadnay. Ilaahay Mahadiina dimuqraadiyadii aan Anigu hirgelinteeda aan bilaabay qotshaheedii waxa lahaa Madaxweynihii iga horeeyay ee geeriyooday.”
“Aniguna waan hirgaliyay dimuqraadiyadii markii uu geeriyooday Madaxweynihii hore, maanta waxa taariikh cusub u ah Somaliland waxaan isleeyahay Aniga iyo Axmed laba Madaxweyne oo wax la kala wareega ayaanu nahay, nasiib darro aniga Madaxweynihii iga horeeyay wuu geeriyooday isaguna markii uu la wareegayay xil uu la wareegay ma uu jirin. Waxaan leeyahay Axmed-na waxay nasiib wanaag u tahay dal dhisan oo nabada oo isku xidhan oo dadkiisu wada jira inuu la wareego,”ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Madaxweynihii hore wuxuu sheegay in caalamku Somaliland ku majeertay sidii nidaamka lahayd ee xilkii loo buuxiyay markii uu geeriyooday madaxweyne Cigaal Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee, waxaanu tilmaamay inuu hawshiisii ka bilaabay inuu nabadgelyada dalka sii adkeeyo isla markaana uu raadiyo dalka qeybtiisii maqnayd.
“Waxaan ku dhaqaaqay markiiba dalalka aynu jaarka nahay inaan tago Itoobiya ayaan tagay sababtoo ah nabada aan gudaha ku haysano haddii ta jaarkeena lagu kabin waxba ma noqonayso. Waxaan ka bilaabay Dalka Jabuuti oo xidhiidhkeena aad ogaydeen oo uu yara wagash wagash ahaa. Walaalkay Ismaaciil si fiican ayuu ii soo dhaweeyay waanan aanu heshiinay maantana waa kaa Wefti uu inoo soo diray inala joogo. Waxa kale oo aan tagay Itoobiya oo aan Raysul Wasaaraha la kulmay waxaan culayska saaray in illaa haddana aan hayaa inaan kalsooni iyo walaaltinimo ka raadino dalalka dariska Ictiraafka iyo haddii aynu wax kale raadinaynaba waa inaynu iyaga ka bilownaa inta kalena way ku xigaan.maanta waxaan leeyahay taariikhda aynu maraynaa waa meel aad u wanaagsan waa taariikh u baahan in la wada ilaalino oo aynu ul iyo diirkeed noqono oo Madaxweynahaas la doortayna inaynu is wada barbar taagno, oo la shaqayno oo ku kaalino haddii illaahay yidhaahdo,”ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland.
Madaxweyne Rayaale wuxuu sheegay inuu taageereyaashii xisbiga UDUB uga mahad celinayo inay ku raaceen go’aankii uu qaatay ee la xidhiidhay in lagaga adkaaday doorashadii madaxtooyada waxaanu yidhi “Haddii aynu olale ku soo jirnay olalihii wuu dhamaaday laga bilaabo maanta wada saaxiibo ayaynu nahay waxa inoo balan ah inaynu Somaliland u midowno.”.
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Madaxweynaha la doortay ee xilka la wareegay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaanu u mahad celiyay Madaxweynihii hore iyo marti sharaftii ka socotay dalalka dariska ee ka qeyb galay xafladii dhaarinta waxaanu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Madaxweyne Ku Xiugeenkii Axmed Yuusuf Yaasiin, ee aan xilka kala wareegayo, walaalahayaga Wufuuda ah ee ka kala yimid dalalka dariska ah, waxaan mahad u celinayaa weftiga reer Jabuuti ee uu Hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta Md. Cali Cabdi Faarax iyo Weftiga Itoobiya oo uu Hoggaa minayo Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Md Maxamuud Dirir iyo Madaxweynaha kililka shanaad Cabdi Maxamed Cumar iyo weftiga reer Kenya ee uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin.waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Raysul Wasaaraha Itoobiya Malas Zanawi oo labaduba ii soo diray Hambalyooyin. Waxaan u mahad naqayaa beesha caalamka iyo doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen diiwaan gelintii iyo doorashadii oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Faransiiska, Maraykanka iyo dawladaha Midowga Yurub. Waxa kale oo aan iu mahad celinayaa Goleyaasha qaranka, Axsaabta, saxaafada iyo Madaxdhaqamadeedka Somaliland waxaan ilaahay ka baryayaa inuu xilkan noo fududeeyo waxaanan balan qaadayaa inay siday igu doorteen aan hormuud ugu noqdo oo aan u dedaalo horumarkeeda isla markaana aan cadaalad ku dhaqo ayaan balan qaadayaa.”.
Madaxweynaha cusubi wuxuu sheegay inuu maalinta barri magacaabi doono xukuumadiisa cusub isla markaana uu khudbadiisa u dhigan doono xiligaasi.
Labada Madaxweyne ee xilka la kala wareegayay waxay salaam sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka Madaxtooyada Salaan sharaf waxaana loo dhigay rooga cas oo ay si wada njir ah iyagoo gacmaha is haysa ay u yimaadeen barxadii lagu qabanayay xafladii dhaarinta iyo xil wareejinta.
Amaanka xarunta madaxtooyada iyo guud ahaan magaalada Hargeysa ayaa maanta aad loo adkeeyay waxaana la hawl geliyay ciidamo aad u tiro badan oo isugu jiray Milatari iyo Boolis.rgey
Weriye:-
Cumar Maxamed Faarax
Hadhwanaag News/Hargeysa


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Oo Si Rasmi Ah Xilkii Ula Wareegay Iyo Khudbadi-hii Labada Hoggaamiye "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback