qado-sharafeed-5.JPGHargeysa-(Lug)-Madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland  ayaa qado sharafeed u fidiyay dadwayne ka kala socda gobolada Awdal iyo Salal,  madaxwayne ku xigeenka dalka oo saacado ka hor loo dhaariyay hogaanka dalka uu uqaban doono ayaa dadwaynaha gobolada Awdal iyo Salal si wayn ugu soo dhaweeyeen hotelka mansoor ee magaalada Hargaysa.

qado-sharafeed-5.JPG
 
Ka dib markii ay dhamaysteen qado sharafeed kii uu u fidiyay madaxwayne  ku xigeenku oo isugu dhafnaa  Cuqaal, Waxgarad, Aqoon yahano, Saladiin, Garabka haweenka gobolada Awdal iyo Salal  munaasibadaasi ayaa  waxa ka hadlay gudoomiyaha  xisbiga kulmiye ee gobolka Awdal  waxaanu u mahad naqay dadwaynaha kala duwan ee maanta kasoo qayb galay  qado sharafeedka iyo  sidii ay qiimaha lahayd ee ay ula wada shaqeeyeen dhamaanba mudadii ololaha waxaanu intaas kadib ku soo dhaweeyay  madaxwayne ku xigeenka dalka jamhuuriyada Somaliland   Eng C/raxmaan C/laahi Ismaaciil “Saylici”  oo maanta ku wereegay  jagada labaad ee  dalkani.

qado-sharafeed-2.JPG

Hadaba madaxwayne ku xigeenka Eng.Saylici ayaa madashaasi kala hadlay dadwaynaha kala duwan waxaanu  ugu mahad naqay sida qadarinta mudan ee ay usoo ajiibeen maalinta kala wareega dalka  waxaa kale oo uu uga mahad celiyay sidii qiimaha badnayd ee ay dadwaynuhu u cadeeyeen masayrkooda waxaana ka mid ahaa hadaladiisii sidan

qado-sharafeed-1.JPG

“Walaalayaal waxaan ugu horaan idiinka mahadnaqayaa sidii wanaagsan ee aad uga soo qayb gasheen  munaasibada xilwareejinta  waxaanan leeyahay walaalayaal, aan usamirno waxa aan hada ka midho dhalin doono  dadwaynahani oo mudo badan u ooomanaa isbadal hor leh ayaa maanta markii lagu wareejiyay  xilka madaxwayne  ee uu ku guulaystay Axmad Maxamad Maxamuud “Siilaanyo” iyo ku xigeenka Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil “Saylici” ay udoorteen inay dadwaynaha  labadaas mansab ee ugu sareeya dalka doorbidayna inay daboolaan baahiyaha kala duwan “.

qado-sharafeed-3.JPG
qado-sharafeed-4.JPG
qado-sharafeed-6.JPG
qado-sharafeed-7.JPG
qado-sharafeed-8.JPG
qado-sharafeed.JPG

Wariye;-
Yuusuf Cabdi Cali (Indhoqurux)
Lughayanews-Hargeysa