rays-hotel.jpgBorama-(Lug)-Qiimaha lagu raaco gaadiidka kirada ah ee tega huteelka quruxda badan ee loo yaqaan Rays ayaa maalmihii u dambeeyeyba kor usii kacayey kaddib markii ay kasii dartay xaaladda jidka tega huteelkaasi oo marka horeba liitay .

Gaadiika aadka looga iosticmaalo Borama wakhtiga oo ah nooca loo yaqaan Bajaaj ama tigta ayaa haatan ku dhaw laba jibaar marka loo eego qiimihii lagu raaci jiray ”oo ahaa ilaa toban Birta una dhiganta ilaa 4600 oo shilinka Somaliland afarkun haatanna lagu raaco inta u dhaxaysa 15 -20 bir , halka tagaasidii lagu raaci jiray labaaran birrna ay sii cagacagaynayaan ilaa 40 bir hadiiba ay oggolaadaan .

Jidxumada hutel Rays ayaa sidoo kale saamayn ku yeelatay isbitaalka gaarka loo leeyahay ee loo yaqaan Alaale Hospital kuna dhaw Huteel Rays kaasoo subaxdii iyo galabtiiba ay kusii qulqulaan ehelada dadka bukaan jiifka ah ee isbitaalka u yaalla xanuunada kala duwan, una badan haween iyo dad bukaan ah oo kusii socda isbitaalkaasi si ay daaweyn ugu raadsadaan , hase yeeshee rafaadka jidkaasi kuhayo bukaanka kusii socda iyo ehelada bukaanka ee ka imanaysa isbitaalkaasi ay lugtooda maalaan kaddib markii gaadiidka tega dhulkaasi ka maageen xaaladda jidkaasi , qiimo sarena ku xidhay cid kastoo doonaysa inay tegto huteelkaasi ama isbitaalkaasi .

Huteelka Rays ahna huteelka keliya ee ugu muuqaalka iyo fadhiga wanaagsan Boorama ayaa sidoo kale waxa tegitaankiisa cidhiidhi sii geliyey gaadiidka gaarka loo leeyahay una badan Landcuriserda ama surfyada ee jidkaasi isticmaala kuwaasoo hadday laba ka mid ahi iska horyimaaddaan midkood joogsado si ay isku dhaafaan maadaama jidkaasi isku darsaday burbur iyo cidhiidhi . Jidxyumada hutteelkan Rays oo muddadii uu dhisnaa la hadalhayo, hase yeeshee ilaa imika aanay ka muuqan wax laga qabtay, inkastoo la tuhunsan yahay inay sannadkii soo galaan kumaankum doolar loo baahnaa inay wax uuni iska beddeleen jidka arsaaqdu usoo marto .

Dad badan oo reer Somaliland kana yimaadda dhinaca caasimadda Hargeysa ayaa inta badan la qabsaday jidadka huteelada ku yaalla caasimadda oo dad iska lihi iska sameeyaan wadooyinka loo maro huteeladaasi kana dhiga kuwa laami ah oo si raaxo leh lagu geli karo .

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama