Borama-(Lug)-Magaalada Boorama ayaa tan iyo shalayba raxan raxan uga baxayey siyaasiyiin iyo madaxdhaqameedyo kuweaasoo la sheegeyo inay Hargeysa u tegeyaan si ay uga qaybgalaan xafladda kala wareejinta labada xukuumadood ee ku kala baxay doorashooyinkii 26kiijuun .

Gaadiid tiro badan oo ay ka buuxaan siyaasiyiinta caanka ah ee kala taabacsanaa xisbiyada qaranka UDUB , ucid  iyo Kulmiye wakhtigii ololaha siyaaddda ayaa waxa socdaalkoodan ku weheliya cuaal iyo salaadiinta laga yaqaanno gobolka Awdal, iyagoo la sheegeyo inay Hargeysa u tegeyaan arrimo kala duwan .

Qaarka mid ah siyaasiyiinta una badan xisbiga UDUB ayaa la sheegeyaa inay Hargeysa u tegeyaan sidii ay usii sagootin lahaayeen madaxweynaha xilka wareejinaya Daahir Rayaale , halka kuwa kalena ay u tegeyaan sidii ay usoo haaaambalyeyn lahaayeen ama usoo dhaweyn lahaayeen xukuumadda cusub ee xilka la wareegeysa ee uu hogaamin doono md.Axmed Siilaanyo halka warar kalena sheegeyaan in siyaasiyiintaasi, madaxdhaqameedyada iyo ganacsatada qaarkoodba Hargeysa u tegeyaan sidii ay isku soo bari lahaayeen xukuumadda cusub, xidhiidhna ula soo yeelan lahaayeen, halka kuwa kalena la sheegeyo inay Hargeysa u tegeen sidii ay meel ugusii xaadhxaadhi lahaayeen siyaasiyiinta beelaha reer Awdal, uguna ololayn lahaayeen xil beeleedyada laga sugayo xukuumadda xisbiga Kulmiye, kuwa cokooda siiyey iyo kuwa an siinba.

Si kastaba ha ahaatee reer Awdal oo badi codkoodii siiyey xisbiga talada wareejinaya ee UDUB ayaan dad badani filaynin inay xukuumadda xisbiga Kulmiye durba safka hore u galaan, isla markaana kaga horreeyaan siyaasiyiintii iyo taageerayaashii xisbiga kulmiye sannadaha badan lagu kadeeday gobolka Awdal. halka dhinaca kalena saaxiibadii xukuumaddii UDUB iyo xukuumadda Rayaalena ay Hargeysa u tegeen sidii ay usii macasalaalamyn lahaayeen hoggaankii UDUB iyo madaxweynihii gobolkooda kasoo jeeday, guuldarada kasoo gaadhay doorashooyinkii dalka ka dhacayna la iskaga cafiyi lahaa .


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama