Islamabad-(Lug)-Dayuurad rakaab ah oo sidday 152 qof ayaa ku burburtay agagaaraha caasimadda Pakistan, Islamabad, halkaas oo dadkii saarnaa oo dhan ay ku dhinteen.
Burburka dayuuradda oo nooceedu ahaa Airbus 321 ayaa ku firirsan keymo buuraley ah.Dayuuradda waxaa lahaa sharikad wadani ah oo la yiraa AirBlue, waxayna ka duushay magaalada Karachi. Cid shilkaas ka badbaadday ma jirto.
Dad goobjoog ahaa waxay sheegeen inay arkeen dayuuradda oo ku duulaysa joog aad u hooseeya, qayb magaalada ka mid ah oo caadi ahaan ay mamnuuc ka tahay in wax dayuurado ah ay maraan. Waxay sheegeen in hawadu ay aad u xumayd.
Baarayaasha ayaa eegaya qalabka duuba duullimaadka dayuuradda.
Bbc-Somali


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " 152 Qof Oo Ku Dhimatay Shil Diyaarad Oo Dhacay Agagaaraha Caasimadda Pakistan Ee Islamabad "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback