Reer Boorama Way Saluugsan Yihiin Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada…. Balse Tayada Xukuumadu Waa Wax Wali Qarsoon..

Boorama-(Lug)- Tan iyo intii uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo maalintii shalay ku dhawaaqay liiska golahiisa wasiirada ayaa waxa si wayn siku soo taraya falanqaynta ku aadan liiskaas oo ay dadka reer Boorama u falanqaynayaan siyaabo kala duwan. Hadal hayntan ayaa waxa ay tahay mid aan ku ekayn oo kaliya golayaasha siyaasada balse waxa ay ku baahday guri walba iyo goob kasta oo ay laba qof ku kulmaan oo ah gudaha mahaalada Boorama.

Badi dadku waxa ay saluugsan yihiin qaabka saami qaybsiga ee golaha wasiirada waxana ay sheegayaan maadaama uu dalku ka kooban yahay beelo ayaa waxa ay carababayaan in Madaxwayne Siilaanyo aanu si cadaalad ah ugu garsoorin. Waxa kale oo tani dheer in dadka reer Boorama ay aad u saluugeen durtadiiba tayada wasaaradaha 2da ah ee loo magacaabay aqoonyahanada waawayn ee reer Boorama ah waxana muwaadin arintan ka hadlaya uu yidhi ….” Waa yaab waa wasaarado aanay waxba la socon, waxana ay tani ku tusaysaa in saamiqaybsigani uu yahay mid dhinac u dheeliyaya runtii ma aha cadaalad, beelaha ku nool gobolka Awdal uma qalmaan in la siiyo tiro intan leeg oo waliba tayadoodu ay aad u sii liidato.

Dhinaca kale dadka qaar ayaa waxa ay falanqaynta tayada golahan cusub ee wasiirada ee la magacaabay ay ka eegayaan dhinacyo badan, waxa ugu muhiimsan tayada dawladan la magacabay waxana ay dadku leeyihiin wali tayadeedu ma cada waxana ay u badan yihiin wajiyo ku cusub umada… Muwaadin arintan ka faaloonaya wayaa waxa uu yidhi “ waa wax qarsoon tayada dawladuw ali lama oga waxa ay noqon doonto waa wajiyo ku cusub umada waana la arki doonaa waxa ay noqoto waxqabadkoodu u malayn mayo in dadka aan la socon wacyiga bulshadan reer Somaliland ay la jaanqaadi karaan bulshadan u baahan waxqabadka”.

Si kastaba ha ahaatee liiskan golaha wasiirada ah ee uu magacaabay madaxwayne Siilaanyo waa mid si wayn loo saluugsan yahay waxana iyadu meesha ku jirta in uu madaxwayne Siilaanyo hore ugu balanq aaday inuu isbedel ka dhalindoono dalka. Hadii ay xukuumada la magaacabay dhawaan ay noqoto mid ka midho dhalisa waxqabadkii uu xisbigu ku balanqaaday waxay tani ka maragkaci doontaa in uu isbedel tayo lahi dhici doono, balse waa suaal da’wayn oo la iswaydiinkaro maxay noqon doontaa meesha uu biyo dhigi doono golahan cusub ee wasiirada ah ee uu Magacaabay madaxwayne Siilaanyo oo ay dad badan oo reer Boorama ahi saluugsan yihiin.

Waxa kale oo tani dheer in buugii ay ku qornaayeen barnaamij siyaasadeedka xisbiga Kulmiye uu noqon doono xujo cad oo hortaagan xukuumada maanta isla markaana soo bandhigi doonto waxwalba oo ay xukuumada maantu kaga duwan tahay xukuumadii UDUB ee ka horaysay.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama