mudaharaadkii-boorama-2010-19.JPG
Boorama-(Lug)- 2 Mudaharaad oo kala dambeeyay oo kan hore lagagasoo horjeeday qaabka saamiqaysiga golaha wasiirada ee uu dhawaan magacaabay madaxwayne Siilaanyo ee ku salaysan beelaha iyo mid kale oo kan hore ka dambeeyay oo lagu taageersan yahay xukuumada lagagana soo horjeedo mudaharaadkan hore ayaa maanta ka wada dhacay magaalada Boorama.

mudaharaadkii-boorama-2010-16.JPG

Mudaharaadka hore oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa waxa uu bilaabmay abaaro 10.30 subaxnimo ayaa waxa uu ka soo bilaabmay xaafadaha dhinaca Dhigta ee magaalada Boorama, waxana ay dadwayne u badan dhalinyaro iyo haween oo lulayay boodhadh ay cagta la soo heleen wadada laamiga ah ee marta bartamaha magaalada Boorama,dhadwaynahan mudaharaadayay ayaa waxa rasaas ku furay qaar ka tirsan ciidamada milatariga ah oo kusugnaa gudaha magaalada Boorama kadib markii askarta laga beegsaday shied. Meelaha qaar waxa lagu gubay taayirada baabuurta, waxana ay mudaharaadayaashu ku dhawaaqayeen ereyo ay kaga soo horjeedaan qaabka saami qaybsiga ee golaha wasiirada ee cusub.

mudaharaadkii-boorama-2010-20.JPG

Dhinaca kale mudaharaadayaashan oo ku fiday magaalada ayaa markii ay gaadheen xaafada Sisibta ee magaalada Boorama waxa ka horyimid mudaharaadayaal kale oo iyagu ku dhawaaqayay inay raali ka yihiiun dawlada isla markaana ay ka soo horjeedaan mudaharaadka noocan oo kale ah. Inkasta oo ay mudaharaadayaashan kala duwani waqti kooban isku dhaceen hadana majirin wax khasaare ah oo ka dhashay waxana ay mudaharaadayaashan kala duwan qolaba halkeedii ka sii wadatay mudaharaadkeedii.

mudaharaadkii-boorama-2010-13.JPG

Si kastaba ha ahaatee mudaharaadan maanta ka dhacay magaalada Boorama ayaa waxa ay ahaayeen kuwo qorshaysan isla markaana la sii ogaa isla markaana suxufiyiinta lagu wargaliyay mana jirto wax qasaare ah oo ka dhashay oo ilaa hada la ogyahay.

mudaharaadkii-boorama-2010-9.JPG

mudaharaadkii-boorama-2010-15.JPG

mudaharaadkii-boorama-2010-11.JPG

mudaharaadkii-boorama-2010-18.JPG


Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama