Ottawa-(Lug)-Shirkii beelaha Samaroon ay ku yeesheen horraantii bishan July magaalada gatineau ayaa  soo saaray bayaan cad oo dan u ah beesha Samaroon meel kastoo ay joogaanba waxana kamid ahaa kuwan hoos kuqoran:

Guddiga beesha  waxa uu noqon doonaa  ( G. H .T) Golaha Hogaanka Tolka. xubnaha golaha oo la balaadhiyay ayaa waxay ka kooban yihiin 30 xubnood waxaana xubin sharafeed u ah Ugaaska Beesha Samaroon Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble. guddi fulineed oo ka kooban 10 xubnood ayaa la doortay. goluhu wuxuu go,aamiyay in la diyaariyo shirweyne lagu qabto meel kamid ah jiidda balaadhan ee beeshu degto iyo in la diro  wafdigii ugu horreeyay ee golaha hoggaanka tolka oo ka kooban saddex xubnood  si ay u soo qiimeeyaan waayaha tolka iyago usoo gogol xaadhi doona meesha lagu qaban doono shirka.
Shirka  beesha Samaroon uga socday magaalada gatineau  ee dalka Canada kadib qodobadaas waxay guda galeen sidii loo soo xuli lahaa  xubnaha noqonayaa guddiga fulinta ee u horreeyay ee beeshu yeelato  liiska xubnaha  golaha fulinta  ee lasoo bandhigay waxa  ay kala ahaayeen sidan hoos ku qoran
 
1)Profesor Axmed Ismaaciil Samater Guddomiye
2) Yuusuf Aadan Qaalib Guddomiye Ku Xigeen
3)Cabdiwaaxid Sheekkh Cusmaan Guddoomiye Kuxigeen
4)Dr: Hodan Muuse Rabbille Xoghaye Guud
5)Rooda Xaaji Miisaan Khasnajiga Guud
6)Bashir Sheekh Cumar Good Agaasimaha Guud Ee Isgaadhsiinta
7)Cabdi Daahir Aye Maamulaha Website-ka
8)Profesor Xuseen Axmed Warsame Hogaamiyaha Guddiga Dhaqanka,Waxbarshada Iyo Tababarada
9)Profesor Maxamed Faarax Good Hogaamiyaha Qorshaynta Iyo Hantida
10) Dr.Cali Baxar Hogaamiyaha Guddiga Xidhiidhka Qurba Jooga
 
Shirka oo ahaa mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa dhammaan ka qayb galyaashii  oo dhan ay kamuuqatay wajiyo farxad leh iyagoo ku kalsoon halka uu marayo shirkii muddo badan ay sugayeen waxayna qaarkood aad ugu dheeraadeen  sida loogu baahan yahay hogaan midaysan oo ay beeshu yeelato sida beelaha kale aanu dariska nahay shirkan oo ahaa mid aad loola socday dibada iyo gudahaba, waxa si weyn ay usoo dhaweeyay qurba joogta  beesha Samaroon ku kala firiirsan caalamka iyagoo u arkay  inuu shirkani yahay xalka kaliya ee beesha wax utaraya.

Wariye;-
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughayanews- Ottawa Kanada