Boorama-(Lug)-Mudaharaado lagaga soo horjeedo saami qaybsiga xukuumada yaa manta ka dhacay magaalada Boorama, mudaharaadaan oo ahaa kuwo ay caruur iyo dhalinyaro ka gadoodsan ka qayb qaadanayeen ayaa waxa la
 is waydiinayaa waxa sababay in waqtigan uu ku soo beegmo mudaharaadkan waxana la rumaysan yahay inuu yahay mid ka dhashay qaabka Saamiqaybsiga ee wasiirada kaasi oo noqday mid aan si balaadhan uga wada farxin beelaha ku dhaqan gobolka Awdal, isla markaana beelaha ka dhexmaqan uu u noqday fursad ay bulshada ku kuciyaan.

Waxa jira shaqsiyaad magac leh oo isugu jira siyaasiyiin iyo maamulayaal ku abtirsada xisbigii talada lagala wareegay ee UDUB in lagu tuhun san yahay inay soomaleegeen mudaharaadkan, waxa shaqsiyaadkan Hogaaminaya Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud sh. Cabdilaahi Cige oo la rumaysan yahay inuu yahay mid qayb lixaad leh ka qaatay mudaharaadadii maanta, waxa isbiirsanaya tuhuno dhawr ah, badhasaabku waxa uu caan ku ahaa inuu ku si aan naxariis lahayn uga hortago cid walba oo isku dayda inay ka hoos baxdo maamulkiisa isla markaana mudaharaado abaabusho iyada oo taasi la  ogaa ayaa hadana waxa maanta badalay inuu sida uu isaguba afkiisa uga sheegay idaacada BBCda uu gurigiisa ku ekaa isla markaana uu ka gaabsaday inuu faro galiyo midaharaadadii manta dhacay. Waxa kale oo tuhunka sii kordhinaya iyada ay mudaharaadadu ka soo bilaabmeen dhinaca uu Badhasaabku ka dagan yahay magaalada isla markaana ay hubaal tahay inuu marwalba ka war hayay inay dhacayaan mudaharadadani

Waxa kale oo isaguna jira siyaasiyiin kale oo dhawr ah oo dhamaantood ku abtirsada xisbiga Udub hayb ahaana isku dhaw-dhaw  uu aad u badnaa guuxooda ku aadan saami qaybsiga iyo sidii looga guulaystay xisbigii udub, waxa hadaba jirta in shaqsiyaadkan ay maalmihii u dambeeyay samaynayeen dhaqdhaqaaq aad u badan isla markaana marar badan la sheegay inay qabsadeen shirar kala duduwan oo ujeedadoodu ay ahayd in uu qabsoomo mudaharaadkan. Shaqsiyaadkan qaarkood ayaa magaalada Hargaysa uga soo baqoolay inay ka qayb qaataan mudaharaadkan abaabulkiisa halka qaar kale oo ku sugnaa magaalada Booramana ay kulamo kala duduwan la yeelanayeen dhalinyaro qiiraysan oo iyagu ay si qaldan wax ugu sheegeen.

Waxa jiray iyaguna haween kale oo ka tirsanaan jiray taageerayaashii xisbigii Udub inay qayb ka ahaayeen abaabulka mudaharaadadii maanta dhacay, haweenkan ayaa badidoodu ka qayb qaatay qorshayaasha loo tolay calamada iyo boodhadhka ay muadaharaadayaashu maanta lulayeen waxana ay haweenkan qaarkood ahaayeen kuwo ka dhex muuqday maantaba mudaharadka.

Ma aha wax isqarinaya iyo ujeedo dahsoon waxa loo abaabulay mudaharaadkii maantu waxana la rumaysan yahay in ay dadka ka dambeeyay mudaharaadkan oo ah war xuma tashiil ay ka faa’iidaysteen dareenka dadka dhalinyarta ah oo siqaldan wax loogu sheegay, waxana aan meesha ka maqnayn in mudaharaadkan looga gol lahaa in lala beesado goobaha ay ganacsiyada kala duduwan ku leeyihiin taageerayaasha xisbiga Kulmiye isla markaana la dhaliyo isku dhac beelo ku salaysan.

Lughayanews