Boorama-(Lug)-Xidhiidhiyaha gobolada Awdal iyo Salal ee Xisbiga Ucid Mud. Axmed Muumin Seed ayaa manta mar uu la hadlay warbaahinta si kulul u dhaliilay mudaharaadadii ka dhacay magaalada Boorama waxana u sheegay inaanan loo baahnay wax nabadgalyada lidi ku ah waqtigan.
Mud. Axmed Muumin isaga oo ka hadlay arintaasi waxa uu yidhi “ Horta anagu xisbi UCID ahaan waan ka soo horjeednaa waxa dhacay waa nasiib daro sababtoo ah dalka axsaab ayaa ku tartamay waxana guulaystay KUlmiye, waxana uu soo dhistay dawladiisa waxa ay ahayd cida cabanaysa inay miiska ugu tagaan Madawaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka la doortay ma ahayn in la adeegsado caruur iyo haween isla markaana nabagalyada aan ku faanayno reer Somaliland ahaan in wax loo dhimo.
Mar kale isaga oo sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi Mud. Axmed Reer Boorama 8 sano ayay Somaliland Maamulayeen waana nasiibdaro in iyaga oo 3 maalmood oo kaliya ka sii maqan kursiga xukuumada in ay dhacaan mudaharaado looma baahna sidan waa wax gaf ku ah umada reer Somaliland qadiyada reer Somaliland-na waa mid muqadas ah oo aan cidna laga baryayn. Mida kale mudaharaadadii manta dhacay ma aha waxa ay u dhan yihiin dadka daga gobolka Awdal looma sina waanan ka soo horjeednaa.
Mud. Axmed waxa kale oo si kulul u dhaliilay maamulka wali sii haya xilka gobolka Awdal waxana uu yidhi “ Way ku fashilmeen inay xal keenaan oo ay ka hortagaan mudaharadayaasha khalkhalka galinaya nabadgalyada, waxa ay ahayd inay waajibkooda shaqo u gutaan sidii ay u shaqayn jireen waqtigii hore ma dhici jirin wax mudaharaado ah maantana way iska seexdeen.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xidhiidhiyaha Xis.UCID Ee Gob.Awdal/Salal Oo Si Kulul U Dhaliilay Mudaharadadii Maan-ta Ka Dhacay Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback