Saylac-(Lug)-Gudoomiye ku xigeenka gobolka Salal Cali Allaale Riyaale iyo Gud/Xigeenka deg. Saylac ayaa soo gaadhsiiyay hambalyo madaxwaynaha Jamhuuriyada Soamaliland mud. Axmed Siilaanyo iyo Eng. Cabdiraxmaan Saylici waxana ay masuuliyiintani oo ku hadlaya afka dadka reer Salal sheegeen inay xukuumada uga hambalyaynayaan qaabka ay u soo dhistay wasiirada tayada leh ee dhawaan la magacaabay, waxana ay yidhaahdeen waxa aan eebe uga rajaynaynaa inay noqdaan kuwo dalka waxa u qabta eebena ku asruro xilkooda.

Waxa kale oo ay Mudanayaashane Baaq nabadeed u soo direen dadka ku dhaqan magaalada Boorama oo ay yidhaahdeen waxa aan ugu baaqaynaa inay joojiyaan banaanbaxyada isla markaana nabadgalyo waxa ku doonaan. Waxa kale oo ay baaqaas ku sheegeen in aanay dimuquraadiyadu ahayn rabsho iyo dagaal ee ay tahay wadatashi iyo aan wax wada qabsano.

Lughayanews/Saylac