Boorama-(Lug)-Badhsaabkii gobolka Awdal Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige ayaa xilkii Badhsaabnimo iska casilay, sidan waxa uu Badhasaabku saxaafada u sheegay mar uu shir jaraaid ku qabtay galabta gurigiisa isla markaana uu saxaafada u faahfaahinayay sababaha uu isku casilay.
Waxa uu yidhi badhasaabku isaga oo arintan ka hadlaya “ Horta dalka tartan baa ka dhacay oo waaa laga guulaysatay xisbigii aan la shaqaynayay, maalmahanba waxa aan sugayay inay timaad cidhii I badali lahayd balse waa lala soo raagay, labadii maalmood ee u dambeeyay mudaharaado ayaa Boorama ka dhacayay ay dumar iyo caruur wadaan waxana magaalada xalay yihid aniga oo aan ogayn ciidan uu hogaaminayo taliye ku xigeenka Booliska Somaliland waxana uu iishay Talaiyaha Qaybta Booliska ee gobolka Awdal in la yidhi ka amar qaado oo kaliya taliyahan yimid arintaasina waa mid baal marsan dawlad nimada sidaas aawadeed is casilaadaydani arintan ayay la xidhiidhaa”.
Waxa aan leeyahay mar hadii wasiirkii daakhiligu uu jiro waa in uu soo magacaabaa cidii I badali lahayd anigu diyaaar baan u ahay waan soo dhawynayaa xilka waan ku wareejinayaa xilka waanan la shaqaynayaa, ayuu hadalkiisa sii daba dhigay badhasaabku.
Badhasaabku waxa uu ka hadlay mudaharaadadii ka dhacay Boorama labadii maalmood ee u dambeeyay waxana uu yidhi “Looma baahna in umada la kiciyo oo la abuuro nabadgalyo daro, Somaliland Boorama ayaa lagu dhisay waa xukuumadeenii cidna nagama xigto waa in loo tagaa madaxwaynaha cusub oo loo geeyaa waxii cabasho ah ee la qabo, ee lagu dalbanayo cadaalada, waa sidaas ma haboona in dumarka iyo caruurta la soo adeegsado ayuu yidhi badhsaabku.
Waxa kale oouu badhasaabku yidhi “ Waa nasiibdaro waxa ay ka tageen doorashooyinkii waxa aan leeyahay umada way dhamaadeen tartankii doorashadu ha la is cafiyo oo gacmaha ha la isqabsado oo si dhinac u wada jeeda ha loo dhaqaaqo.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Badhasaabkii G/Awdal Oo Xilkii Iska Casilay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback