Boorama-(Lug)-Kooxda Kubada Cagta ee Spain oo ah koox ka dhisan magaalada Boorama ayaa dhawaans afar ciyaar saaxiibtinimo ah ku tagay magaalada Boon. Kooxdan oo ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan ee ka jira magaalada Boorama ayaa markii ay gaadhay magaalada Boona waxa halkaas ku soo dhaweeyay ciyaaryahano reer Boon ah.
Ciyaar saaxiibtinimo oo dhex martay kooxdan iyo koox reer Boon ah oo magaceeda la yidhaa Boon ayaa waxa ay ahayd ciyaar aad u xiiso badan waxana ay ka dhacday garoonka kubada cagta ee magaalada Boon, ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa wax daawanayay dadwayne aad u badan oo kala taageerayay labada kooxood ee wada ciyaarayay.
Taageerayaasha labada kooxood ayaa intii ay ciyaartu socotay waxa ay tumayeen sacab aad u sareeya oo ay ku taageerayeen ciyaartoyda isla markaana noqday mid sii diiriyay qaabciyaareedka labada kooxoodba, jawiga ciyaartu ka dhacday ayaana ahaa mid aad u wanaagsan. waxana waqtigii loogu talo galay ciyaartu uu ku soo dhamaaday 2:2 barbardhac.
Kabtanka xulka kubada cagta ee kooxda Spain Cabdiraxmaan Cabdi ayaa shabakada Lughayanews u sheegay sidan “ Waxa ay ahayd ciyaar aad u xiiso badan waxana aan aad ugu mahadnaqayaa kooxda kubada cagta ee Boon iyo tababaraheeda oo iyagu noo muujiyay soo dhawayn diiran, sidoodaba ciyaaraha ayaa ah mihnad jacayl ka dhex abuurta dhalinta ku kulanta. Waan u mahadnaayaa ciyaaryahanadii kooxdayda oo muujiyay isku xidhnaan iyo adkaysi guul u soo hooyay kooxda.
Dhinaca kale tababaraha kooxdan Liibaan Xasan Doone ayaa isaguna waxa uu aad ugu mahadnaqay ciyaartoyda reer Boon.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Kooxda Spain ee Magaalada Boorama Oo Ciyaar Saaxiibtino La yeelatay Kooxda Boon ee Magaalada Boon "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback