Boorama-(Lug)-Maayarka iyo Maayar Ku Xigeenka Magaalada Boorama ayaa manta shirar Jaraa’id oo kala gooni-gooni ah ku qabtay xafiisyadooda isla markaana ka waramay xiisada mudaharadadii labadii maalmood ee u dambeeyay
 ka dhacay magaalada Boorama. Waxa kale oo ay shirarkaasi jaraa’id digniin ku siiyeen waxa ay ugu yeedheen cida mudaharadada wada oo ay sheegeen in sharciga la horkeeni doono.

Maayarka Magalada Boorama cabdiraxmaan Shide Bile oo shirkaasi Jaraa’id ka waramayay ayaa waxa uu yidhi “ Waa xiisad aad ugu xun nabadgalyada iyo geedi socodka, dadka reer Boorama waxa ay ahaayeen 8 sano hogaanka Somaliland waxana haboon in xiisada la dajiyo ma qabo inay jirto wax maqani hadii ay jirtana waxa loo raadin doonaa si haboon, waan la hadalnay odayaasha dhaqanka waxana ay naga balan qaadeen inay la kulmidoonaan xukuumada cusub.

Mar uu ka waramayay maayarku mudaharadadan ayaa waxa uu yidhi “waxa aan aaminsanahay inay jirto cid is qarinaysa oo ka dambaysay mudaharaadadan, waxa aan leeyay waa la soo qaban doonaa oo gacanta sharciga ayaa la horkeeni doonaa waxa aan halkan uga gudbinayaa digniin kama dambays ah waalidiinta caruurta rabshada wada waxana aan leeyahay waxa haboon inaad caruurtiina qabsataan oo aad ka reebtaan cida wax qaloocinaysa ee ka faa’iidaysanaysa, waa digniin waxa dhici doonta cidii u hogaansami doonta inay hadhow ka calaacasho.

Mar maayarka wax laga wayiiyay inay jiraan dad loo xidhxidhay mudaharadadan ayaa ka gaabsaday inuu sheego inta ay dhan yihiin waxana uu carabkau ku dhiftay inay jiraan waxana uuyidhi “ Haa way jiraan arintana waxa gacanta ku haya hayadaha ay khusayso, waa la qaban doonaa cidii la arko ama ay ku cadaato inay rabsho wadaan.

Maayarkuxigeenka Boorama Muumin Gadiid Cumar oo isaguna dhankiisa ka qabtay shir jaraaid ayaa xusay sidan “ Waan ka soo horjeednaa waxa dhacaya waa wax ceeb ah in buuq wax lagu doono waxa haboon in nabad lagu raadiyo wax walba, waxa aan leeyahay hala dajiyo arimaha waxana aan digniin u jeedinayaa cida ka dambaysa mudaharaadadan oo aan leeyahay waxa ay dhawaan ku soo dhici doonaan gacanta sharciga waajibkoodana waa la marsiin doonaa.

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama