Borama-(Lug)-Madaxweynaha Somaliland Mud.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weli ku hawllan magacaabista masuulyiinta haykalka dawladda ka dhalatay guushii xisbgiisu ka gaadhay doorashooyoikii dalka ka dhacay 26ka juun, isagoo laba maalmood ka hor magacaabay ku dhawaad 26 ka mid ah golihiisa wasiirada, shalay oo bisha Juulaay ahayd 29na magacaabay laba masuul oo kale oo uu ka mid yahay ninka beddeli doona afhayeenkii hore ee madaxtooyada Somaliland Siciid Caddaani , magaciisana la yidhaa C/laahi Maxamed Daahir( Cukuse) .

Xulashada masuuliyiinta dawladda ee Axmed siilaanyo ayaad mooddaa inuu ka eegeyo dhinacyo badan si xukuumadda cusubi u noqoto mid ka tarjunta horumarkii iyo isbeddelkii sannadaha badan xisbiga Kulmiye ku ololaynayey si loogaga dhabeeyo ballanqaadyadii shacbiga iyo dawladda xisbiga Kulmiye ku heshiiyeen.

Dhinaca shacbiga doortay xukuumadda maanta ayaa jecel inay xukuumaddaasi noqoto mid siyaalo badan kaga duwan xukuumaddii dhacday ee xisbiga UDUB ee lagaga guuleystay tayo xumadii lagu dhaliili jiray masuuliyiinteedii .

Tan iyo markii shalay lasoo saaray liiska madaxda cusub ee dalka hoggaamin doonta ayaa dadweynaha Somaliland badi isku raacay inay ahaayeen kuwa rajo wanaagsan laga qabo inay dalka hoggaamin karaan, hase yeeshee magacaabista xilka afhayeenka madaxtooyada ee shalay lagu dhawaaqay aad mooddo in la hoos mariyey madaxweynaha maadaama badi shacbigu xukuumadda ay doorteen ka ilaalinayaan cid kastoo waxyeelo ku maaamulka cusub loona baahnaa inaan lagu degdegin magacaabista xilkaasi.

Mansabkan afhayeenka madaxtooyada oo kolleyba kasoo bixi lahaa bulshada warbaahinta Somaliland gudo iyo debed midkay doontaba ha ahaatee ayaa sidoo kale loo baahanyahay in cid kastoo loo magacaabaa yeelato sifo u qalma mansabkaasi si hadalka kasoo baxa madaxtooyadu u noqdo mid u dhadhama shacbiga , kuna habboon marxalad kasta oo siyaasadda dawladda kalasoo derista gudaha iyo debeddaba, maagacaabista C/laahi cuskusena u egtahay xil ninkiisii lala waayey.

Magaca afhayeenka cusub waxan maqlay wakhtigii aniga iyo masuulyiintii wargeyska Haatuf dabayaaqadii 2006 nalagu xidhay xabsiga Madheera, wakhtigaasoo aan ku bartay wargeys la yidhaa saxansaxo oo kusoo biiray saaxadda wargeysyada madaxabannaan ee Somaliland wakhtigaasoo nta badan wareysyada dalka hadal hayeen xaqdaradii nalagu geeyey xabsigaasi Madheera, kaasoo aakhirataankii ay noogasoo gurmadeen hay’adaha xuquuqal insaanka iyo safaaradaha dalalka reer yurub ee Somaliland saaxiibka la ah, kana caawiya dhinacyada badan .
.
Maanta C/laahi Cukuse wuu ka baxay saxaafadda madaxa bannaan oo waa masuul qaran, sidaa darteedna cid kastoo dalka ka qabanaysa xil qaranna waxa uu iska leeyahay dhaliishiisa iyo ammaantiisaba, maadaama aanaan waxba ka arag xilgudashadiisana waxan isweydiin karraa afhayeenkan cusubi waa kuma? maxaa lagu qiimayn karaa taariikhdiisii shaqo, waddaninimadiisa , aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa,  fariidnimadiisa iyo daacadnimadiisa, cadaalad jacaylkiisa? .

Dad badan oo xilka la jecel Afhayeenka cusub ayaa isweydiin karaya maxaa ninka Boorama joogaa ka yaqaanna afhayeenka cusub ? su’aalahaasi iyo kuwa kale o la mid ah ayaa jawaabtoodu noqon kartaa in wakhti gaaban oo an afhayeenka bartay ama shaqooyin na dhex mareen an masuulkaasi ku qiimayna karaa kuna cabbiri karaa ereyadan soo socda :

1. afhayeenka cusub oo aan u qaatay inuu yahay muwaadin aan aqoon fiican u lahayn dadweynaha Somaliland ee ka baxsan caasimadda, maadaama aanu weligii sidaan u qaatay caasimadda ka bixin oo sida la ii sheegay dadweynaha reer Awdal iyo Selel u haysta dad habeenkiina waraabe noqda , maalintiina dad ah .

2. Afhayeenka cusub oo aan wakhtiyo kala duwan kula kulmay meelo kala duwan oo caasimadda iyo saxaafadda gudaheeda ah ayaan sidoo kale u arkay nin dadweynaha Somaliland u haysta inay ka kooban yihiin beelaha dhexe oo keliya , sidaa darteedna muddadii uu hawsha saxaafadda kusoo jiray ama madaxda ka ahaana hawl kasta oo warbaahinta horumarinteeda la xidhiidhana ku koobay suxufiyiinta beelaha dhexe oo keliya ,kana qayn gelin waayey suxufuiyiinta gobolada kale ama an kuba martiqaadin .

3. Inuu yahay nin galaangal badan , aanan arki jiray isagoo inta badan la socda ama la saaxiib ah madaxa xukuumaddii dhacday .

4. Caddaaladxumo uu samayn jiray markii uu saxaafadda ku qabsaday urur uu ula magacbaxay dalallda suxufiyiinta dalka, isla markaana si aan caddalad ahaynna ururkaasi ugu adeegaye suxufiyiin gaar ah, oo caasimadda ku sugan meeshana ka saaray saxafi kasta oo ku sugnaa gobolada ka baxsan caasimadda isagoo dhinaca kalena safarada debedda ee suxufiyiinta dalka loogu talogalay inay aqoon iyo waayo aagnimo kasoo korodhsadaan dalalka deriska ah uu cid gaar ah u magacaabi jiray ama u diri jiray ama isaga laftiisuba isku qori jiray, isagoo dhinaca kalena si gaar ah iigu bartilmaameedsaday sannadkii horena iga reebay iga reebay safar suxufyiinta ka tirsan warbaahintu ku tegi lahaayeen dalka Uganda , safarkaasoo ay ku tegeen oo keliya 12 suxufi oo ka gobolka Hargeysa, taasina tahay arrin muujinaysa sida uu afhayeenka cusubi u jecelyahay qayb ka mid ah dadweynaha Somaliland , in kalena aanu jeclayn .

5. Wakhtigii doorashada oo afhayeenka cusub ee madaxtooyadu heshiis uu la galay komishanka doorashooyinka tababaradii anshaxa iyo xeerarka doorashooyinka ee dalka Itoobiya iyo Somalilandba lagu qabtay, aqoontii iyo dhaqaalihii laga helay heshiiskaasi aanu waxba ka siinin suxufiyiinta gobolada kale ee dalka, marka laga reebo kuwa ku sugan caasimadda, sidaa darteedna ay iska caddahay inaan afhayeenka cusub ahayn nin qaddariya walaalihii gobolada kale ee aanay haybta wadaagin balse dalka ay wadaagaan .

6. Afayeenka cusub oo aan u arko nin an dulqaad lahayn kaddib markii maalin keliya oo an Haatuf kusoo hadalqaaday wargeyskiisa saxansaxo, wax dhaliil ahna aanan ka sheegin uu cadho ka muuiyey, kuna hanjabay inuu qoraalkaasi jawaab ka bixin doono, hase yeeshee malaha uu haleeli waayey jawaabtaasi .

Si kastaba ha ahaatee haddii Cukuse yahay kan aan aqoontaa yar u leeyahay , in badan oo wanaaggiisa ahina iga qasoon tahay ayaan magacaabistiisa afhayeenka madaxtooyada Somaliland ku tilmaami karaa mid guuldarro usoo jiidi karta xukuumadda cusub ee madaxweyne Axmed Siilaanyo, isla markaana keeni karta in xidhiihka dawladda cusub iyo saxaafaddu isku dhacaan .

Ugu dambayntiina madaxweynaha dalka ma odhan karro maxaad ku dooratay afhayeenka madaxtooyada, kamana horjoogan karro cid kastoo uu xilkaasi u magacaabo, hase yeeshee magacaabista C/laahi ee xilkaasi ayaa la odhana karaa waa mansabkii ugu horreeyey ee dad badani ka biyo diidaan loona baahan yahay in dib loogu noqdo .

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama