Boorama-(Lug)-qaar ka mid ah salaadiinta dhaqanka ee gobolka Awdal oo ay ka mid yihiin Sul. Saleebaan Cali, Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Sul. Xasan Xadi Baade ayaa manta ka hadlay xiiisadaha mudaharaadadaii ka dhacay shalay iyo manta magaalada Boorama, salaadiintan ayaa waxa ay shirkoodaas jaraa’id ku lafa gureen in loo baahan yahay in la dhawro nabadgalyada waxwalbana lagu dhameeyo wada hadal.
Sul. Saleebaan Cali oo shirkaasi Jaraa’id Bilaabay ayaa yidhi Waxa dhacaya waa wax aan haboonayn waxa ka dambeeya cid kale oo is qarinaysa ma aha in la soo adeegsado dumarka iyo caruurta waxa haboon in cidii wax tabanaysaa ay soo cadaato, bulshada buuq dani uguma jirto nabad bay dantu ugu jirtaa ee sidaas ha la ogaado madaxdhaqameed baajira ee wixii cabasho ah ha loo dhiibo hana la daayo rabshada waana la heli doonaa cida ka dambaysa dumarka iyo caruurta.
Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo isaguna ka hadlay shirkaasi ayaa yidhi “ baaqayagu waa cad yahay waxana uu yahay shalay ilaa manta waxa socda guluf mudaharaad oo aan garan waynay meesha laga hagayo, hadaba waxa aan leenahay cida waxan wada ha ahaato dumar ha ahaato dhalinyaro ama ha ahaato cid kale saacadan laga bilaabo ha la joojiyo waxa dhacaya. Cidii wax haysa ee talo haysa ee dadka soo kicinaysaaana ha timaado hortayada, suuqa boorama waxba ma yaalaan xukuumada laga tabanayaa waa Hargaysa oo way noo dhowdahay ee ha la tago anaguna hore waan u tagnay diyaarna waan u nahay inaan mar kale ku noqono, wixiimaqan waan doonaynaa hadii aan waxa isku oganahay laakiin mudaharaad la iskuma oga ,ma aha in la kiciyo umada waxaan leeyahay cida is qarinaysow soo bax hadaad xildoon tahay soo bax hadii walbana soo bax bulshadana ha loo toro hana la joojiyo mudaharaadka.
Sul. Xasan Xadi Baade oo isaguna ka hadlay shirkaas ayaa waxa uu yidhi “ Waxa mudaharaadaya dumar iyo caruur waxana aan leeyahay waxaasi wax la isku ogyahay ma aha wax laga tashadayna ma aha waxa an leeyahay cidii waxaas ka dambaysay ha soo baxdo oo indheergaradka jira ee ah dadkii talada lahaa ha loo dhiiba caruurta iyo dumarku waxba ma dooni karaan qori iyo askarna waan ka soo daalnay ee waxba ku doonimayno, caruurta iyo dumarka halkooda ha loo daayo buuquna ma aha waxaan ku talinay cida ka dambaysaaana ha soo cadaato oo haogaato inaan lalaogayn mana ogolin ee ka daaya.
Salaadiintan oo uu weheliyo taliyaha ciidanka qaranka xeebaha Mud. Maxamed Xudhuun ayaa waxa ay u dhaqaaqeen badhatama magaalada oo ay ku sugnaayeen mudaaharadayaal badan waxana ay ka dalbadeen in la joojiyo mudaharadka isla markaana ay xaalada dajiyaan waxana ay kula hadleen dhainyaradan khayriyara magaalada Booraama.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Salaadiinta G/Awdal Oo Si Kulul U cambaar-eeyay Mudaharaadadii Ka Dhacay Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback