Boorama-(Lug)-Gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka Awdal Prof. Daahir Maxamuud Xadi oo uu weheliyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee wasaarda Mud. Xasan Aye Subagle
ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyau 42 xubnood oo ka tirsan gudiyada waxbarashada ee dugsiyada hoose ee deg. Boorama. Tababarkan oo socday mudo 3 maalmood ah ayaa waxa maalgalisay hayadaUSAid waxana fulinaysay hayada EDC oo kaashanaysa ururka wadaniga ah ee SAYS.
Prof. Daahir oo ka soo qaybgalayaashii tababarkan la hadalayay ayaa u tilmaamay in loo baahan yahay in la iska akaashado kobcinta tayada waxbarashada dugsiyada hoose isla markaana ay gudiyadani hormuud ka noqdaan sidii loo dhisi lahaa hanaan waxbarasho oo dheeli tiran oo ka soo bilaabma guriga kuna dhamaada soo saarida arday tayo leh oo aasaaskooda waxbarasho uu dhisan yahay.
Prof. Xadi waxa uu u mahadnaqay hayada EDC oo uu ku tilmaamay inay tahay saaxiib gacan wayn ka gaysata tayaynta waxbarashada gobolka iyo ururka SAYS oo uu tilmaamay inuu yahay halbowle wadani ah oo waxbarashada gobolka kobcinteeda aanan ka daalin.
Masuuliyiintii ka socotay hayada EDC ee tababarkan bixinaysay oo iyaguna ka hadlay madashan ayaa waxa ay carabaabeen inay lagama maarmaan tahay in waxa ay halkan ka barteen gudiyadani la gaadhsiiyo bulshada inteeda kale gaar ahaan bahada waxbarashada dugsiyada hoose.
Tababarkan socday mudada 3da maalmood ah ayaa dulucdiisu waxa ay ahayd kobcinta aqoonta gudiyada dugsiyada waxbarashada ee hoose.
Waxana lagu lafa guray mudadii uu socday qodobo ay ka mid yihiin kobcinta aqoonta dhinaca hogaanka ah ee gudiyada, sidii loo xoojinlahaa daryeelka iyo nadaafada dugsiyada iyo degeenka ku xeeran, iyo waliba adkaynta xidhiidhka ka dhexeeya gudiyada waalidka dugsiga iyo degaanka.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Hayada EDC Oo Shahaadooyin Gudoonsiis-ay 42 Xubnood Oo Ka Socday Gudiyada Wax. Ee Dugsiyada Hoose Ee Borama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback