boorama-ciyaaro-2010-25.JPG
Boorama-(Lug)-Ciyaar aad u xiiso badan oo maanta ka dhacday garoonka khayriyada ee magaalda Boorama isla markaana dhex martay labada kooxood eek ala ah Cisbiytaalka Boorama iyo Kooxda Blue Sky ayaa ka dhacday galabta Boorama. Ciyaartan oo ku dhacday garoon waqtiga intiisii badnaa aad u qoyanaa ayaa waxa ay ahayd ciyaar ay dadwaynuhu ka dareereen isla markaana ka daawanayeen goobaha u dhow oo ay roobka ka galeen.

boorama-ciyaaro-2010-2.JPG

Ciyaartan laba kooxood dhex martay ayaa waxa ay ku dhamaatay 1:0 oo ay guushu ku raacday kooxda Cisbataalka kadib markii uu ciyaaryahan Nagiib qaybtii dambe ee ciyaarta u dhaliyay gool madi ah oo uu biyaha ka dhex laagay kubada.

boorama-ciyaaro-2010-13.JPG

Kabtanka kooxda Cisbataalka Xasan Dafe oo ay Lughayanews la hadashay ayaa ku tilmaamay jawigii roobka ahaa ee ay ciyaartu maanta ku dhacday mid aad u adag… “Waa wax aanan loo baran in roobka dhexdiisa lagu ciyaaro inta badan kubadu way kaa hadhaysaa mana kaantarooli kartid… marwalba waa inaad difaac ku jirtaa oo aad feejignaataa” ayuu yidhi kabtan Xasan.

boorama-ciyaaro-2010-12.JPG

Kooxdan Cisbitaalka ayaan labadii ciyaarood ee u dambeeyay wax guul ah soo hoynin sidaasi aawadeed Kabtan Xasan oo ay Lughayanews wax ka waydiisay waxa iska badalay kooxdiisa ayaa waxa uu yidhi “ Waa runtaa oo isbedel ayaa jira, waxa kooxda ka tagay Tababarihii hore(Dr. Digif) waxana maanta qaab ciyaareedka iyo maamulka kooxda iska lahaa tababarahayaga cusub Khadar Cismaan Haari. Waa guul lagu farxo oo uu keenay tababare Haari.

Sikastaba ha ahaatee labadan kooxood ee maanta kala badiyay ayaan wali u gudbin wareega kani xiga ee tartanka waxana ay leeyihiin mid 3 dhibcood waxana ay ku kala bixi doonaan ciyaarta u hadhay kooxda Cisbitaalka ee ay la yeelan doonto kooxda Carwo Kooshin.

boorama-ciyaaro-2010-14.JPG

boorama-ciyaaro-2010-6.JPG

boorama-ciyaaro-2010-8.JPG

boorama-ciyaaro-2010-18.JPG

boorama-ciyaaro-2010-20.JPG

boorama-ciyaaro-2010-15.JPG

boorama-ciyaaro-2010-8.JPG

boorama-ciyaaro-2010-11.JPG

boorama-ciyaaro-2010-10.JPG

boorama-ciyaaro-2010-5.JPG

boorama-ciyaaro-2010-4.JPG

boorama-ciyaaro-2010-16.JPG

boorama-ciyaaro-2010-24.JPG

boorama-ciyaaro-2010-23.JPG

boorama-ciyaaro-2010-21.JPG

boorama-ciyaaro-2010-9.JPG

boorama-ciyaaro-2010-17.JPG

boorama-ciyaaro-2010-3.JPG

boorama-ciyaaro-2010-25.JPG

boorama-koobka-ramadaan-2010-12.jpg

koobka-ramadaanta-2010-15.jpg

boorama-ciyaaro-2010-1.jpg

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama